Wednesday, September 30, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddiga Madaxa Bannaan ee Xuduudaha iyo Federaalka oo Guddoon cusub doortay

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
4 years ago
in Wararka
0
Guddiga Madaxa Bannaan ee Xuduudaha iyo Federaalka oo Guddoon cusub doortay
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Doorashada Guddoonka Guddiga Madaxa Bannaan ee Xuduudaha iyo Federaalka oo ay ku baratamayeen musharixiin u taagan Xilalka Guddoomiyaha, Gudoomiye ku xigeenka iyo Xoghayaha Guud ee Guddiga ee Afarta sanno ee soo socota isla markaana ay goob joog ahaayen mas’uuliyiin ka kala socday qaar ka mid ah hey’adaha Dowladda iyo marti sharaf kala duwan ayaa Maanta ka qabsoontay magaalada Muqdisho, waxaana ugu horeyn habraaca loo marayo doorashada sharaxay Guddoomiyaha guddiga qabanqaabada doorashada Axmed Sheekh Muqtaar.

Guddoomiye Khaliif Cabdikariin Maxamed oo Todobadii Sanno ee Lasoo dhaafay hogaaminayey Guddiga iyo ku xigeenkiisa Xuseen Xaashi Xasan oo labadaba ahaa musharixiin u taagan xilka Gudoomiyaha Guddiga ayaa inta aysan doorasha bilaaban ka hor ku dhawaaqay inay tanasuleyn.

Related posts

Galmudug iyo Hirshabeelle oo saaka looga dareeray goobaha codbixinta

Galmudug iyo Hirshabeelle oo saaka looga dareeray goobaha codbixinta

September 30, 2026
Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026

Intaa Kadib sida xeer hoosaadka Guddiga qabo Sideeda Xubnood ee madasha xaadirka ku ahaa ayaa Cod gacantaaga ugu cudeeyay Musharaxa kaliya ee soo haray oo ahaa Abukar Sheekh Cabdi Ibraahim waxaana ogolaaday 7 xubnood halka uu ka aamusay 1 qof sida uu ku dhawaaqay gudoomiyaha Guddiga qaban qaabada.
Waxaana sidaas xilka Gudoomiyaha Guddiga Madaxa Bannaan ee Xuduudaha iyo Federaalka ee Afarta Sano ee soo socota ugu guuleystay Mudane Abuukar Sheekh Cabdi Ibraahim.

Sidoo kale waxaa iyana isla goobta lagu doortay Guddoomiye ku-xigeenka iyo Xoghayaha Guud ee Guddiga Waxaana ku kala guuleystay Maxamed Cismaan Cabdullaahi oo loo doortay Guddoomiye ku xigeen kana guuleystay musharax Axmed Seylici Muuse iyo Zakariye Saciid Cismaan oo isna loo doortay Xoghayaha Guud ee Guddigga madaxa Bannaan ee Xuduudaha iyo Federaalka kadib markii uu ka codbadiyay musharax Maxamed Muxudiin Sheekh Mursal sida uu markale ku dhawaaqay Guddoomiyaha guddiga qabanqaabada doorashada Axmed Sheekh Muqtaar.

Doorashada kadib Ku simaha Guddiga Madaxa Bannaan Ee Doorashooyinka Qaranka Xuseen Cabdi Aadan ayaa u hambalyeeyay Gudoonka cusub wuxuuna codsaday in lala shaqeeyo.

Ugu dambeyn Guddoomiyaha cusub ee Guddigga Madaxa Bannaan ee Xuduudaha iyo Federaalka Mudane Abukar Sheekh Cabdi Ibraahim ayaa ballanqaaday inuu si hufan u gudan doono masuuliyadda loo doortay, islamarkaana uu dardar gelin doono Howlaha shaqo ee hortabinta u leh Guddiga.

Previous Post

Xoghayaha cusub ee xafiiska Ra’iisul Wasaaraha XFS oo xilka la wareegay.

Next Post

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Dalka Oo Ka Qeyb-galay Shir madaxeedka IGAD Oo Ka Furmay Kenya

Next Post
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Dalka Oo Ka Qeyb-galay Shir madaxeedka IGAD Oo Ka Furmay Kenya

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Dalka Oo Ka Qeyb-galay Shir madaxeedka IGAD Oo Ka Furmay Kenya

Galmudug iyo Hirshabeelle oo saaka looga dareeray goobaha codbixinta

Galmudug iyo Hirshabeelle oo saaka looga dareeray goobaha codbixinta

September 30, 2026
0

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-banaan ee Doorashooyinka Qaranka Cabdikariin Axmed Xasan oo ku sugan Dhuusamareeb ayaa furay doorashooyinka Galmudug iyo HirShabeelle oo...

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO)...

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

September 29, 2026
0

Urur Siyaasadeedka Talo-Qaran oo ka mid ah Ururada ka jira dalkeena oo maalmahan ololaha doorashooyinka ka waday qaar ka mid...

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa Magaalada Muqdisho ka furay shir lagu tijaabinayo diyaar-garowga...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In