Monday, September 28, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddiga Madaxabanaan ee doorashooyinka Qaranka oo ka warbixiyay socdaal ay ku tegeen Garoowe

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
9 years ago
in Wararka
0
Guddiga Madaxabanaan ee doorashooyinka Qaranka oo ka warbixiyay socdaal ay ku tegeen Garoowe
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

WARMURTIYEED KU SAABSAN SAFARKII GUDDIGA DOORASHOOYINKA HEER QARAN AY KU TAGEEN PUNTLAND

Muddada Safarka:         June 20th to 24th, 2017

Related posts

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

September 27, 2026
𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄𝐥 𝐍𝐢ñ𝐨

𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄𝐥 𝐍𝐢ñ𝐨

September 27, 2026

UJEEDDADA SAFARKA GUDDIGA

Guddiga Madaxbannaan ee Doorashooyinka Qaranka oo ka duulaya istratijiyadiisa, waxaa uu billaabay safarro iyo kulama uu ku kala bixinaayoDawlad Goboleedyada Soomaaliyeed.  Kulammadan oo salka ku haya la tashiga iyo ka qayb galinta qorshaha shanta sano ah ee Guddiga, ka warbixinta sharciga xisbiyada siyaasada ee dhismaaya, wadashaqaynta Guddiga iyoDawlad Goboleedyada.

Guddigu wuxuu qorsheeyey in uu la kulmo Madaxwaynaha Dawlad Goboleedka; Guddoomiyaha Baarlamaanka, Madaxweyne ku xigeenka, Golaha Wasiirada, Xildhibaanada,Guddiga doorashooyinka Puntland, Wasaaradda Dastuurka, Ururrada Bulshada iyo Haweenka, waxgaradka Puntland.

SOO DHAWAYNTA IYO LA SHAQAYNTA GUDDIGA

Waxaa Guddiga soo dhawayn iyo sidii lagula shaqayn lahaa la sameeyey Wasiiru dawlaha madaxtooyada Puntland iyo Wasiir ku xigeenka wasaaradda dastuurka.   Madaxdan waxay kala shaqeeyeen Guddiga fulinta qorshe hawleedka sare ku xusan ee Guddiga iyo hagidda iyo isku xirka dhammaan waaxaha iyo hay’adaha dawladda iyo Guddiga.

LA KULANKII MADAXWAYNAHA PUNTLAND

Guddigu waxaa uu kulan heer sare ah la qaatay Madaxwaynaha Puntland oo ay goobjoog ahaayeen Wasiiru Dawlaha Madaxtooyada iyo Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Dastuurka.  Kulanka oo ka dhacay Madaxtooyada Puntland, waxaa Guddiga ka qayb galay Guddoomiyaha, Ku xigeenka iyo xubno ka tirsan Guddiga.

Madaxwaynaha Puntland ayaa si wanaagsan ugu soo dhaweeyey Guddiga xarunta Madaxtooyadda Puntland. Soo dhoweynta kadib wuxuu Mudane Cabdiweli ka dhegeystey warbixin tifatiran oo dhinacyo badan taabaneysa, waxaana ugu muhiimsanaa:

  • Wixii u qabsoomey Guddiga mudadii uu jirey
  • Caqabadaha horyaala doorashada 2020 iyo sida looga gudbi karo iyo
  • Sida ay muhiim u tahay wadashaqeyn dhex marta Dowla goboleedka Puntland iyo Guddiga

Warbixinta kadib ayaa waxaa Madaxweynaha Dowlad goboleedka Puntland si diiran uu u soo dhoweeyey warbixinta Guddiga iyo howsha adagee ay u dhabar adeegen, wuxuuna carabka ku adkeeyey in Puntland ay diyaar u tahay in ay si dhow ula shaqayso Guddiga.  Waxaa kale uu Mudane Cabdiweli Guddiga ku boorriyay in u dhaqmaan una shaqeeyaan inay yihiin Guddi Soomaali oo dhan matala.  Sidoo kale in ay la yimaadaan hufnaan iyo wada shaqayn hufan.  Gaar ahaan hay`adaha ay shaqada kala dhexeyso.

Dr Cabdiweli Gaas wuxuu meesha ka saarey in xisbiyada Siyaasadeed ee abuurmaya aysan ku koobnaan hal deegaan oo kaliya.

Wuxuu ku dhiirra geliyey Guddiga in ay la wadaagaan Wasaaraddaha iyo Guddiga Doorashooyinka Puntland aqoonta iyo hay`adaha kale ee shaqada la leh wixii dhaqaale ah ee loo qoondeeyay doorashooyinka dalka.

Waxa Madaxwaynaha Puntland muujiyay in ay tahay waajib in dalka la gaarsiiyo doorashooyin xor ah oo ku dhisan qof iyo cod.   Wuxuu ku boorriyay dawladda dhexe in aay wax kasta ka hormariyaan xooggana saaraansidiidalka looga xoreeyn lahaa si loo helo afti iyo codayn loo qaado dastuurka. Dhanka kale waxaa Cabdiweli Gaas uu xaqiijiyay in ay ka go’an tahay in Puntland laga qabanayo doorashooyin iyadoo dhawaan la billaabayo u diyaar garowgeedii.

Guddigu wuxuu gacanta u geliyay Madaxwaynaha Puntland Dokumentiyo ay kamid yihiin Qorshaha Howleedka  shanta sano ee Guddiga, Dokumeentiga diwangalinta Xisbiyada, warbixinnadii afarbilood laha ahaa ee sannadkii hore iyo document-ga dhismaha xarunta weyn ee loo dhisaayo Guddiga. Guddoomiyaha Guddiga oo ku wareejiyay Mudane Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa u faah faahisay sida ay Guddigu ugu diyaar yihiin hirgelinta doorashooyin qof iyo cod ah 2020 haddii Eebbe idmo.

 

 

Previous Post

Dhageyso warka subax ee Radio Muqdisho

Next Post

Salaad Roob doon ah oo maanta lagu dukaday Gaalkacyo+Dhageyso

Next Post
Salaad Roob doon ah oo maanta lagu dukaday Gaalkacyo+Dhageyso

Salaad Roob doon ah oo maanta lagu dukaday Gaalkacyo+Dhageyso

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

September 27, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), oo kaashanaysa Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka ee Jubbaland, ayaa diyaarisay 10 matoor oo...

𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄𝐥 𝐍𝐢ñ𝐨

𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄𝐥 𝐍𝐢ñ𝐨

September 27, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xarunta dhexe ee Hay’adda ku qaabilay Guddoomiyaha Hay’adda...

JSP oo Dugsiga Sare ee Mudug ka wada ololaha doorashada

JSP oo Dugsiga Sare ee Mudug ka wada ololaha doorashada

September 27, 2026
0

Xubno ka tirsan Ururka Caddaaladda iyo Wadajirka ee JSP ayaa ololaha doorashada ka sameeyay xarunta Dugsiga Sare ee Mudug, iyagoo...

Xukunka Askari dilay Muwaadin Soomaaliyeed

Xukunka Askari dilay Muwaadin Soomaaliyeed

September 27, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Dable Xoogga Cabdi Aadan Ibraahim oo lagu naaneyso “Soddon” , ayaa lagu eedeeyey Dilka Marxuum Yuusuf Axmed Cabdi oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In