Wednesday, October 28, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddiga qaban qaabada doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo shahaadooyin guddoonsiiyay shan musharax

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
9 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Warfaafinta XFS”Dowladda Soomaaliya way wadaysaa howlgalada ka dhanka ah Argagixisada Al Shabaab
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ilaa shan musharax oo u taagan qabashada kuriga Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee JFS ayay maanta diiwaan geliyeen oo ay siiyeen shahaadooyinkooda musharaxnimo Guddiga qaban qaabada doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka.

Gudiga ayaa diiwaan gelintooda waxa ay bilaabeen maanta, iyadoo doorashada guddoomiyaha Golaha Shacabka arinta xiisaha gaarka ah u yeeleysana ay tahay iyadoo guddiga markii laga magacaabay go’aanadii ay soo saareen uu ka mid ahaa in hadii Xildhibaan sidoo kale ka tirsan Golaha Wasiirada  uu isku soo sharaxayo xilkan uu marka hore xafiiska Ra’isulwasaaraha ku wareejiyo warqada uu isaga casilayo xilka Wasiirnimo ee uu Xukuumadda ka hayo.

Related posts

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

October 27, 2026
WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

October 27, 2026

Guddoomiyaha Gudiga qaban qaabada doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka Xildhibaan Nuur Iidow Beyle oo gelinkii dambe ee maanta la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in is diiwaan gelinta musharixiinta ay si wanaagsan ku bilaabatay, wuxuuna ku wargeliyay Xildhibaanada musharxiiinta ah ee aan weli is diiwaan gelin in ay heystaan oo keliya maalinta ah beri ah.

Musharaxixiinta maanta shahadooyinka la guddoonsiiyay waxa ay kala yihiin:-

  1. Xildhibaan Ibraahim Isaaq Yarrow
  2. Xildhiban Sheekh Cali Sheekh Maxamed
  3. Xildhibaan C/casiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen)
  4. Xildhibaan Saalim Caliyow Ibrow iyo
  5. Xildhibaan Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Sheekh Aadan Madoobe)

25-26ka bishan ayay Guddiga u qorsheeyeen hadal jeedinta musharixiinta xilka Guddoomiyaha golaha shacabka u taagan, iyadoo 30-ka isla bishan oo ku began maalinta Isniinta ahna ay doorashada dhici doonto.

 

Previous Post

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo ka hadlay dhacdadii Dugsiga Tababarka Ciidanka ee Jeneraal Gordan

Next Post

Dhageyso: Lamaane u geeriyooday biriq ku dhacday Hooygooda

Next Post
Dhageyso: Roob lagu diirsaday oo Saacadihii lasoo dhaafay ka Curtay Bartamaha Soomaaliya

Dhageyso: Lamaane u geeriyooday biriq ku dhacday Hooygooda

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

October 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa la kulmay Ms. Åsa Regnér oo...

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

October 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa khudbad ka jeediyay Madasha 7-aad ee...

𝐊𝐮-𝐒𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐓𝐨𝐝𝐝𝐨𝐛𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐊𝐚𝐥𝐥𝐮𝐮𝐦𝐞𝐲𝐬𝐢𝐠𝐚

𝐊𝐮-𝐒𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐓𝐨𝐝𝐝𝐨𝐛𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐊𝐚𝐥𝐥𝐮𝐮𝐦𝐞𝐲𝐬𝐢𝐠𝐚

October 26, 2026
0

Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta si rasmi ah u...

Xukunka Askari Turufo & Dhac Hubeysan geeystay.

Xukunka Askari Turufo & Dhac Hubeysan geeystay.

October 26, 2026
0

Dable Xoogga Abuukar Maxamuud Yuusuf ayaa Lagu Eedeyay inuu geeystay Dhac hubeysan iyo Turufo, Kadib markii uu ku dayey saaxiibkiis...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In