Wednesday, October 28, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddiga Qaban-qaabada Shir-weynaha Dib-u-heshiisiinta Galmudug oo La Kulmay Bulshada Deegaanka Huurshe

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
7 years ago
in Wararka
0
Guddiga Qaban-qaabada Shir-weynaha Dib-u-heshiisiinta Galmudug oo La Kulmay Bulshada Deegaanka Huurshe
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddiga qaban-qaabada shir-weynaha dib-u-heshiisiinta Galmudug ee dhawaan ay magacaawday waraaradda arrimaha gudaha, federaalka iyo dib-u-heshiisiinta oo socdaal ku maraya deegaannada dowlad gobaleedka Galmudug ayaa maanta waxa ay gaareen deegaanka Huurshe.

Hoggaamiyaasha Culumaaโ€™udiinka iyo Bulshada Deegaanka Huurshe ayaa si diiran u soo dhaweeyey xubnaha guddiga oo uu hoggaaminayo guddoomiyaha guddiga, Dr. Cabdiraxmaan Cabdullaahi Baadiyow.

Related posts

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hayโ€™adda UNESCO

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hayโ€™adda UNESCO

October 27, 2026
WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

October 27, 2026

Guddiga ayaa reer Huurshe uga mahad celiyey soo dhaweynta diiran iyo marti-gelinta weyn, waxa uuna u bandhigay qorshaha iyo Casuumaadda shir-weynaha dib-u heshiisiinta Galmudug ee gogoshiisu ka fidsantahay Caasimadda Galmudug ee Dhusamareeb.

Culimada, Madaxda Dhaqanka iyo Bulshada Huurshe ayaa balanqaaday in ay kasoo qeyb gelayaan shir-waynaha, gacan-buuxdana ku siin-doonaan Guddiga hir-gelinta shirka si xal waara loo gaaro, looguna diyaar garoobo dhismaha Galmudug loo dhanyahay.

Guddiga qaban-qaabada shir-weynaha dib-u-heshiisiinta Galmudug ayaa socdaalkooda horay ugu soo maray Balanbal iyo Caabuud-waaq, waxaana qorshohoodu yahay in ay maraan dhammaan deegaannada Galmudug si ay bulshada ula wadaagaan casuumaadda gogosha dib-u-heshiisiineed.

Shir-weynaha dib-u-heshiisiinta Galmudug ayaa Dhuusamareeb ka furmaya August 05/2019, waxaana si wayn u socda diyaar garowga bulshada Galmudug ay ugu jirto ka qayb galka gogoshaas muhiimka u ah dhismaha heyโ€™adaha dowladeed ee Galmudug.

Previous Post

Wasiirka waxbarashada oo furay tababarka tababarayaasha Macallimiinta Qaranka+Sawirro

Next Post

Madaxweyne Farmaajo oo Farriin Tacsi ah u Diray Dowladda iyo Shacabka Tuunis

Next Post
Madaxweyne Farmaajo oo Farriin Tacsi ah u Diray Dowladda iyo Shacabka Tuunis

Madaxweyne Farmaajo oo Farriin Tacsi ah u Diray Dowladda iyo Shacabka Tuunis

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hayโ€™adda UNESCO

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hayโ€™adda UNESCO

October 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa la kulmay Ms. ร…sa Regnรฉr oo...

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

October 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa khudbad ka jeediyay Madasha 7-aad ee...

๐Š๐ฎ-๐’๐ข๐ฆ๐š๐ก๐š ๐‘๐šโ€™๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐š๐ก๐š ๐จ๐จ ๐Ÿ๐ฎ๐ซ๐ž๐ฒ ๐“๐จ๐๐๐จ๐›๐š๐š๐๐ค๐š ๐๐š๐ซ๐š๐ง ๐ž๐ž ๐Š๐š๐ฅ๐ฅ๐ฎ๐ฎ๐ฆ๐ž๐ฒ๐ฌ๐ข๐ ๐š

October 26, 2026
0

Ku-simaha Raโ€™iisul Wasaaraha ahna Raโ€™iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta si rasmi ah u...

Xukunka Askari Turufo & Dhac Hubeysan geeystay.

Xukunka Askari Turufo & Dhac Hubeysan geeystay.

October 26, 2026
0

Dable Xoogga Abuukar Maxamuud Yuusuf ayaa Lagu Eedeyay inuu geeystay Dhac hubeysan iyo Turufo, Kadib markii uu ku dayey saaxiibkiis...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In