Waxaa fooda inagu soo haayo todobaadka xuriyadda,Waxaa sida caadiga ah loo xirsaraa madax ka tisan dowladda inay ka shaqeeyaan maalmahaas,Qiimaha badan ee Ummadda Soomaaliyeed ku weyn ee ah maalmo Qaran.
Waxaa hormuud u ah teemka sanadkaan qaban qaabin doonaan,Munaasabadaha loogu dabaal dagaanyo maalmaha Qaran,waxaa hormuud u ah Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta, oo maanta mar kale martigelisay kulankii guddiga qabanqaabada maalmaha xoriyadda ee 26-ka Juunyo iyo 1-da Luulyo, kaasi uu guddoomiyay Wasiirka Wasaaradda Mudane Xildhibaan Hon Ali Yusuf Ali – Xoosh.
Kulankan oo ay goobjoog ka ahaayeen xubnaha guddiga heer wasiir, hey’addaha kala duwan ee amniga iyo maamulka gobolka Banaadir, ayaa looga hadlay heerka diyaargarowga iyo qabanqaabada ee qeybaha kala duwan, kaalinta hey’addaha kala duwan, bandhigyada la filayo iyo sidii maalmaha qaran ee xoriyadda uu bandhigoodu u noqon lahaayeen mid weyn.