Saturday, September 26, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddiga Qabanqaabada Doorashada Galmudug oo hogaan Iska dhex doortay

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
7 years ago
in Wararka
0
Warmurtiyeed laga soo saaray Shirka ganacsiga Galmudug oo lagu qabtay Dhuusamareeb.
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddiga qaban qaabada doorashada Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa maanta kulan ay yeeshaan iska dhex doortay Guddoomiye iyo guddoomiye ku-xigeen, si ay u gutaan waajibaadka loo igmaday, kaasi oo lagu qabtay magaalada Dhuusarameeb ee xarunta Gobolka Galgaduud ahna xarunta dowlad Goboleedka Galmudug.

Mudane Cabdinaasir Geelle ayay guddiga u doorteen in uu noqdo guddoomiyaha Gudigga Qaban qaabada doorashada Galmudug halka Guddoomiye ku-xigeen loo doortay Mudane Axmed Maxamed Caafi, kuwaasi oo ahaa xubno ka tirsan Guddiga doorashada Galmudug.

Related posts

SoDMA & WFP oo kala saxiixday heshiis lagu xoojinayo u diyaar garowga Musiibooyinka

SoDMA & WFP oo kala saxiixday heshiis lagu xoojinayo u diyaar garowga Musiibooyinka

September 24, 2026
π‘―π’π’ˆπ’ˆπ’‚π’‚π’π’Œπ’‚ π‘Ώπ’Šπ’”π’ƒπ’Šπ’ˆπ’‚ π‘Έπ’Šπ’Šπ’Žπ’ 𝑸𝒂𝒓𝒂𝒏 𝒐𝒐 π’Œπ’– π’…π’‰π’‚π’˜π’‚π’‚π’’π’‚π’š π‘»π’‚π’‚π’ˆπ’†π’†π’“π’‚π’…π’‚ 𝑴𝒖𝒔𝒉𝒂𝒓𝒓𝒂𝒙 π‘³π’Šπ’Šπ’ƒπ’‚π’‚π’ π‘¨π’™π’Žπ’†π’… 𝑿𝒂𝒔𝒂𝒏 π’Šπ’šπ’ 𝑱𝑺𝑷

Guddoomiyaha Guddiga qaban qaabada doorashada Dowlad Goboleedka Galmudug Mudane Cabdinaasir Geelle ayaa mahadcelin kaddib waxa uu shaaca ka qaaday inay sii dar dargelin doonaan hannaanka doorashada Galmudug.

“Waxaa noo yaalo howl culus dhamaanteen, team ahaan iyo qof qof ahaan, howshaas culusna waxa ay tahay, waa howl aan hal qof qaban karin labo qofna qaban karin saddex qofna aysan qaban karin, bulshada reer Galmudug iyo Ummadda Soomaaliyeed waxa ay naga sugayaan inaan howshaas naloo igmaday ka soo dhalaalno, Ilaah waxaan ka baryaynaa in uu ceebteena ku asturo, inaan Ummaddaas wixii naloogu dhiibay aan siday ahayd uga soo dhallaalno, inaan u caddaalad sameyno, inaan u soo saarno ugana shaqeyno wax dhamaantood ay dhihi karaan wey na matalaan, wey noo qalmaan, waa nagu haboonyihiin, intaas ayaan Illaahey ka baryaynaa” ayuu yiri Guddoomiye Cabdinaasir oo hadalkiisa ku daray “Waxaan u sheegeynaa Ummadda reer Galmudug iyo shacabka Soomaaliyeed labadaba in maanta wixii ka dambeeya howshii naloo idmaday ee ahayd farsamada Maamul u sameynta Galmudug aan halkaasi ka sii wadi doono, lana wadaagi doono xiliyada soo dhaw qorshe howleedkeena aan damacsannahay inaan sameyno.

Mudane Axmed Maxamed Caafi oo isna ah guddoomiye ku-xigeenka Guddiga qaban qaabada doorashada Galmudug ayaa tilmaamayΒ  in xubnaha kale ay iska kaashan doonaan sidii ay u sii wadi lahaayeen howlaha loo igmaday.

“Waxaan amaan iyo bogaadin u jeedinayaa Guddiga farsamada Maamul u dhisidda dowlad Goboleedka Galmudug oo maanta si habsami leh u bilaabay isku daba-ridka arrimahiisa gudaha, waxaan u mahadcelinayaa inay noo doorteen hogaanka guddiga, waxaana naga go’an annagoo kaashaneyna xubnaha guddiga oo dhan inaan dadka iyo deegaanka Reer Galmudug u horseedno hannaan wanaagsan oo ay ku dhexlaan dowladnimo iyo horumar”. ayuu yiri Axmed Maxamed.

Guddiga ayaa maalmaha soo socda waxa ay si rasmi ah u bilaabi doono howlaha farsamo ee doorashada Galmudug, iyadoo hannaanka doorashada ay ugu horeyso soo xulidda Xildhibaannada oo hogaan yeelan doona halka ay xigi doonto doorashada Madaxweynaha.

Previous Post

Female SNA and AMISOM soldiers in joint awareness training on women’s participation in peace and security

Next Post

Howlgal lagu dilay 3 horjooge oo ka tirsanaa Daacish oo ka dhacay Puntland

Next Post
Hor-jooge ka tirsan Maleeshiyada Al-Shabaab iyo Ilaaladiisa oo lagu dilay duqeyn ka dhacday Jilib.

Howlgal lagu dilay 3 horjooge oo ka tirsanaa Daacish oo ka dhacay Puntland

SoDMA & WFP oo kala saxiixday heshiis lagu xoojinayo u diyaar garowga Musiibooyinka

SoDMA & WFP oo kala saxiixday heshiis lagu xoojinayo u diyaar garowga Musiibooyinka

September 24, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, iyo Madaxa Hay’adda Cunnada Adduunka ee Qaramada Midoobay (WFP) Soomaaliya,...

π‘―π’π’ˆπ’ˆπ’‚π’‚π’π’Œπ’‚ π‘Ώπ’Šπ’”π’ƒπ’Šπ’ˆπ’‚ π‘Έπ’Šπ’Šπ’Žπ’ 𝑸𝒂𝒓𝒂𝒏 𝒐𝒐 π’Œπ’– π’…π’‰π’‚π’˜π’‚π’‚π’’π’‚π’š π‘»π’‚π’‚π’ˆπ’†π’†π’“π’‚π’…π’‚ 𝑴𝒖𝒔𝒉𝒂𝒓𝒓𝒂𝒙 π‘³π’Šπ’Šπ’ƒπ’‚π’‚π’ π‘¨π’™π’Žπ’†π’… 𝑿𝒂𝒔𝒂𝒏 π’Šπ’šπ’ 𝑱𝑺𝑷

π‘―π’π’ˆπ’ˆπ’‚π’‚π’π’Œπ’‚ π‘Ώπ’Šπ’”π’ƒπ’Šπ’ˆπ’‚ π‘Έπ’Šπ’Šπ’Žπ’ 𝑸𝒂𝒓𝒂𝒏 𝒐𝒐 π’Œπ’– π’…π’‰π’‚π’˜π’‚π’‚π’’π’‚π’š π‘»π’‚π’‚π’ˆπ’†π’†π’“π’‚π’…π’‚ 𝑴𝒖𝒔𝒉𝒂𝒓𝒓𝒂𝒙 π‘³π’Šπ’Šπ’ƒπ’‚π’‚π’ π‘¨π’™π’Žπ’†π’… 𝑿𝒂𝒔𝒂𝒏 π’Šπ’šπ’ 𝑱𝑺𝑷

September 24, 2026
0

Hoggaanka sare ee Xisbiga Qiimo Qaran ayaa si rasmi ah u shaaciyey go’aankiisa ku aaddan doorashada ku-celiska ah ee Galmudug,...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN DOCEED LA QAATAY DHAXAL-SUGAHA KUWAIT

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN DOCEED LA QAATAY DHAXAL-SUGAHA KUWAIT

September 23, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa kulan doceed barbar socday meertada 81-aad ee shir madaxeedka Golaha Guud...

Madaxweynaha JFS oo kulan miro-dhal ah la qaatay Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka

Madaxweynaha JFS oo kulan miro-dhal ah la qaatay Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka

September 23, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa magaalada New York, kulan doceed miro-dhal ah kula yeeshay Kaaliyaha Xoghayaha...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

Β© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

Β© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In