Sunday, January 25, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddiga Qabanqaabada Doorashada Galmudug oo hogaan Iska dhex doortay

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
6 years ago
in Wararka
0
Warmurtiyeed laga soo saaray Shirka ganacsiga Galmudug oo lagu qabtay Dhuusamareeb.
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddiga qaban qaabada doorashada Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa maanta kulan ay yeeshaan iska dhex doortay Guddoomiye iyo guddoomiye ku-xigeen, si ay u gutaan waajibaadka loo igmaday, kaasi oo lagu qabtay magaalada Dhuusarameeb ee xarunta Gobolka Galgaduud ahna xarunta dowlad Goboleedka Galmudug.

Mudane Cabdinaasir Geelle ayay guddiga u doorteen in uu noqdo guddoomiyaha Gudigga Qaban qaabada doorashada Galmudug halka Guddoomiye ku-xigeen loo doortay Mudane Axmed Maxamed Caafi, kuwaasi oo ahaa xubno ka tirsan Guddiga doorashada Galmudug.

Related posts

Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo qaabilay James Swan

Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo qaabilay James Swan

January 25, 2026
Wasiirka Ganacsiga XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

Wasiirka Ganacsiga XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

January 25, 2026

Guddoomiyaha Guddiga qaban qaabada doorashada Dowlad Goboleedka Galmudug Mudane Cabdinaasir Geelle ayaa mahadcelin kaddib waxa uu shaaca ka qaaday inay sii dar dargelin doonaan hannaanka doorashada Galmudug.

“Waxaa noo yaalo howl culus dhamaanteen, team ahaan iyo qof qof ahaan, howshaas culusna waxa ay tahay, waa howl aan hal qof qaban karin labo qofna qaban karin saddex qofna aysan qaban karin, bulshada reer Galmudug iyo Ummadda Soomaaliyeed waxa ay naga sugayaan inaan howshaas naloo igmaday ka soo dhalaalno, Ilaah waxaan ka baryaynaa in uu ceebteena ku asturo, inaan Ummaddaas wixii naloogu dhiibay aan siday ahayd uga soo dhallaalno, inaan u caddaalad sameyno, inaan u soo saarno ugana shaqeyno wax dhamaantood ay dhihi karaan wey na matalaan, wey noo qalmaan, waa nagu haboonyihiin, intaas ayaan Illaahey ka baryaynaa” ayuu yiri Guddoomiye Cabdinaasir oo hadalkiisa ku daray “Waxaan u sheegeynaa Ummadda reer Galmudug iyo shacabka Soomaaliyeed labadaba in maanta wixii ka dambeeya howshii naloo idmaday ee ahayd farsamada Maamul u sameynta Galmudug aan halkaasi ka sii wadi doono, lana wadaagi doono xiliyada soo dhaw qorshe howleedkeena aan damacsannahay inaan sameyno.

Mudane Axmed Maxamed Caafi oo isna ah guddoomiye ku-xigeenka Guddiga qaban qaabada doorashada Galmudug ayaa tilmaamay  in xubnaha kale ay iska kaashan doonaan sidii ay u sii wadi lahaayeen howlaha loo igmaday.

“Waxaan amaan iyo bogaadin u jeedinayaa Guddiga farsamada Maamul u dhisidda dowlad Goboleedka Galmudug oo maanta si habsami leh u bilaabay isku daba-ridka arrimahiisa gudaha, waxaan u mahadcelinayaa inay noo doorteen hogaanka guddiga, waxaana naga go’an annagoo kaashaneyna xubnaha guddiga oo dhan inaan dadka iyo deegaanka Reer Galmudug u horseedno hannaan wanaagsan oo ay ku dhexlaan dowladnimo iyo horumar”. ayuu yiri Axmed Maxamed.

Guddiga ayaa maalmaha soo socda waxa ay si rasmi ah u bilaabi doono howlaha farsamo ee doorashada Galmudug, iyadoo hannaanka doorashada ay ugu horeyso soo xulidda Xildhibaannada oo hogaan yeelan doona halka ay xigi doonto doorashada Madaxweynaha.

 

Previous Post

Female SNA and AMISOM soldiers in joint awareness training on women’s participation in peace and security

Next Post

Howlgal lagu dilay 3 horjooge oo ka tirsanaa Daacish oo ka dhacay Puntland

Next Post
Hor-jooge ka tirsan Maleeshiyada Al-Shabaab iyo Ilaaladiisa oo lagu dilay duqeyn ka dhacday Jilib.

Howlgal lagu dilay 3 horjooge oo ka tirsanaa Daacish oo ka dhacay Puntland

Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo qaabilay James Swan

Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo qaabilay James Swan

January 25, 2026
0

Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Kamaal Daahir Guutaale, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Wakiilka...

Wasiirka Ganacsiga XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

Wasiirka Ganacsiga XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

January 25, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha XFS Mudane Jamaal Maxamed Xasan, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha u...

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta oo ka warbixiyey bandhigga Carwada ee  lagu qabtay Spain

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta oo ka warbixiyey bandhigga Carwada ee lagu qabtay Spain

January 25, 2026
0

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska ee XFS Cabdullaahi Xayir Ducaale ayaa ka warbixiyay Bandhigga Carwada Caalamiga ah...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay wafdi ka socda Dowladda Turkiga

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay wafdi ka socda Dowladda Turkiga

January 25, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socda dowladda Turkiga oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In