Sunday, October 11, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddiga Qaran ee Ka hortagga COVID-19 oo Kulan Ka Yeeshay Xakameynta Karoonaha

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
6 years ago
in Wararka
0
Guddiga Qaran ee Ka hortagga COVID-19 oo Kulan Ka Yeeshay Xakameynta Karoonaha
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Kulan ay khadka internet-ka (video conference) ku yeesheen xubnaha guddiga Qaran ee ka hortagga Covid-19, ayaa looga hadlay wax ka qabashada xaaladaha taagan, dadaallada naf-badbaadinta, muhiimadda ay leedahay wacyi-gelinta bulshada iyo gargaaridda dadka nugul ee cudurku uu ku yeelanayo saameynta dhaqaale.

Guddiga ayaa kulanka kusoo bandhigay warbixinnadii ugu dambeeyay ee xaaladda COVID-19 ee dalka, dadaallada loogu jiro xakameynta faafitaankiisa, caqabadaha iyo fursadaha jira, waxaana la isku raacay in la dardar geliyo dadaallada socda, hannaan wadajir ahna loo abbaaro kahor-tagidda khatarta bulshada uga imaan karta cudurkaan safmarka ah.

Related posts

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

October 11, 2026
Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

October 11, 2026

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre oo shirka guddoomiyay ayaa faray wasiirrada
Qorsheynta, gargaarka iyo arrimaha gudaha in Hey’adaha dalka ka howl gala ay ku war geliyaan inay gargaaraan dadka danta yar ee dhibaatadu kasoo gaareyso saameynta COVID-19. Ganacsatada Soomaaliyeed ayuu Ra’iisul Wasaaruhu ka codsaday inay qaybtooda ka qaataan kaalmeynta dadka nugul.

Mudane Xasan Cali Khayre ayaa sidoo kale guddiga faray in sare loo qaado wacyi gelinta bulshada iyada oo ay ka qayb qaadanayaan Culimada, dhaqaatiirta iyo dhammaan dadka indhaha u ah bulshada, si dadka Soomaaliyeed ay wax badan uga ogaadaan cudurka, ayna qayb uga noqdaan dadaallada lagu xakameynayo.

Guddiga Qaran ee ka hortagga Covid-19 oo dadaal xooggan ugu jira ka guuleysiga cudurka dunida dhibaatada badan ku haya, ayaa ku guuleystay fulinta qorshayaal badan oo qayb ka qaadanaya yareynta faafitaanka cudurka.

Tags: Guddiga Qaran Ee Ka hortagga COVID-19 oo Kulan Ka Yeeshay Xakameynta Karoonaha
Previous Post

Dowladda Oo Xaqiijisay in ay soo Kordheen Xaalado Cusub oo COVID-19 Ah

Next Post

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhegeyso: Barnaamijka Bandhiga Wareysiyada Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

October 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgallo ballaaran oo ka dhan ahKhawaarijta,ka wada deegaano hoostaga degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan....

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

October 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Mr. Robert...

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

October 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda JFS Mudane Xasan Macallin Maxamuud oo Magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga u...

Dowladda Soomaaliya oo cambaaraysay weerarka lagu qaaday xarunta korontada ee Masjidka Nabiga (NNKH) ee Magaalada Madiina

DFS oo cambaaraysay weerar lagu qaaday garoomo ku yaalla dalka Sacuudiga

October 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay si xooggan u cambaareyneysaa weerarrada ay kooxda Xuutiyiintu ku qaadeen Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In