Friday, September 25, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddiga Wacyigelinta oo kormeeray goobaha ay ka socdaan diyaar garowga todobaadka xoriyadda

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
2 years ago
in Wararka
0
Guddiga Wacyigelinta oo kormeeray goobaha ay ka socdaan diyaar garowga todobaadka xoriyadda
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddiga Wacyigelinta iyo Warfaafinta ee todobaadka xoriyadda ayaa waxa uu kormeerkooda la xiriiray u kuurgelidda hanaanka ay u socdaan diyaar garowga loogu jiro maalmaha xoriyadda ee 26-ka June iyo 1-da Luulyo , gaar ahaan fanaaniinta Kooxaha kala duwan ee Qaranka oo ugu horeyso kooxaha baambeyda iyo fanaaniinta loogu talagalay inay xuska todobaadka xoriyadda ku soo bandhigaan suugaan.

Guddiga Wacyigelinta iyo Warfaafinta ayaa kormeerkooda ka bilaabay Xeebta Liido oo ay ku suganaayeen fanaaniinta kooxda Heegan iyo Daambeyda musikada ee heegan oo ka wada tirsan ciidanka booliska Soomaaliyeed, halkaasi oo ay ku soo bandhigeen gaadda cayaar oo ay si weyn ugu riyaaqeen dadweynihii u soo daawasho tegay.

Related posts

SoDMA & WFP oo kala saxiixday heshiis lagu xoojinayo u diyaar garowga Musiibooyinka

SoDMA & WFP oo kala saxiixday heshiis lagu xoojinayo u diyaar garowga Musiibooyinka

September 24, 2026
π‘―π’π’ˆπ’ˆπ’‚π’‚π’π’Œπ’‚ π‘Ώπ’Šπ’”π’ƒπ’Šπ’ˆπ’‚ π‘Έπ’Šπ’Šπ’Žπ’ 𝑸𝒂𝒓𝒂𝒏 𝒐𝒐 π’Œπ’– π’…π’‰π’‚π’˜π’‚π’‚π’’π’‚π’š π‘»π’‚π’‚π’ˆπ’†π’†π’“π’‚π’…π’‚ 𝑴𝒖𝒔𝒉𝒂𝒓𝒓𝒂𝒙 π‘³π’Šπ’Šπ’ƒπ’‚π’‚π’ π‘¨π’™π’Žπ’†π’… 𝑿𝒂𝒔𝒂𝒏 π’Šπ’šπ’ 𝑱𝑺𝑷

Intaa kadib waxa ay guddiga tageen barxadda Kawaanka Malaayga ee degmada Xamarweyne oo ay ku diyaar garoobayeen baanda muusikada ciidanka Asluubta, halkaasi oo ay ka socotay diyaar garow aad u xoogan, waxaana ay uga sii gudbeen Barxadda Warwaas oo ay suugaan ku soo bandhigayeen fanaaniinta Banaadir Band.

Goobaha la booqday waxaa ku suganaa dadweyne aad u fara badan oo ka kala yimid degmooyinka gobolka Banaadir, kuuwaasi oo dhankooda kooxaha fanaaniinta iyo baanda muusikada kala qeybgalayay diyaar garowga todobaadka xoriyadda.

Guddiga wacyigelinta iyo warfaafinta waxa ay socdaalkooda ku gaareen beerta Nabadda oo ay ku diyaar garoobayeen Fanaaninta Horseed ee ciidanka xoogga dalka, kuwaasi oo madasha ku soo bandhigay suugaan ka turjumeysa xoriyadda iyo la dagaallanka kooxaha khawaarijta.

Ugu dambey Guddiga ayaa kormeer ku tegay xarunta degmada Xamarjajab oo ay ku sugnaayeen fanaaniinta Kooxda Onkod ee ciidanka Asluubta, halkaasi oo dadweynihii ka soo qeygaleen ay lulayeen calanka

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Warfaafinta, dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, mudane Cabdullaahi Xayir Ducaale, isla markaana hogaaminayay kormeerka guddiga Wacyigelinta iyo Warfaafinta, oo ay qeyb ka ahaayeen qaar ka mid ah Agaasime Waaxeedyada Wasaaradda ayaa sheegay in socdaalkooda uu daarnaa u kuurgelidda hannaanka ay u socdaan u diyaar garowga xuska todobaadka xoriyadda.

Previous Post

Danjiraha Soomaaliya ee QM oo khudbad ka jeediyey kulanka Golaha Ammaanka

Next Post

Wasiirka Waxbarashadda XFS oo kormeeray goobaha Imtixaanka ee degmadda Balcad

Next Post
Wasiirka Waxbarashadda XFS oo kormeeray goobaha Imtixaanka ee degmadda Balcad

Wasiirka Waxbarashadda XFS oo kormeeray goobaha Imtixaanka ee degmadda Balcad

SoDMA & WFP oo kala saxiixday heshiis lagu xoojinayo u diyaar garowga Musiibooyinka

SoDMA & WFP oo kala saxiixday heshiis lagu xoojinayo u diyaar garowga Musiibooyinka

September 24, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, iyo Madaxa Hay’adda Cunnada Adduunka ee Qaramada Midoobay (WFP) Soomaaliya,...

π‘―π’π’ˆπ’ˆπ’‚π’‚π’π’Œπ’‚ π‘Ώπ’Šπ’”π’ƒπ’Šπ’ˆπ’‚ π‘Έπ’Šπ’Šπ’Žπ’ 𝑸𝒂𝒓𝒂𝒏 𝒐𝒐 π’Œπ’– π’…π’‰π’‚π’˜π’‚π’‚π’’π’‚π’š π‘»π’‚π’‚π’ˆπ’†π’†π’“π’‚π’…π’‚ 𝑴𝒖𝒔𝒉𝒂𝒓𝒓𝒂𝒙 π‘³π’Šπ’Šπ’ƒπ’‚π’‚π’ π‘¨π’™π’Žπ’†π’… 𝑿𝒂𝒔𝒂𝒏 π’Šπ’šπ’ 𝑱𝑺𝑷

π‘―π’π’ˆπ’ˆπ’‚π’‚π’π’Œπ’‚ π‘Ώπ’Šπ’”π’ƒπ’Šπ’ˆπ’‚ π‘Έπ’Šπ’Šπ’Žπ’ 𝑸𝒂𝒓𝒂𝒏 𝒐𝒐 π’Œπ’– π’…π’‰π’‚π’˜π’‚π’‚π’’π’‚π’š π‘»π’‚π’‚π’ˆπ’†π’†π’“π’‚π’…π’‚ 𝑴𝒖𝒔𝒉𝒂𝒓𝒓𝒂𝒙 π‘³π’Šπ’Šπ’ƒπ’‚π’‚π’ π‘¨π’™π’Žπ’†π’… 𝑿𝒂𝒔𝒂𝒏 π’Šπ’šπ’ 𝑱𝑺𝑷

September 24, 2026
0

Hoggaanka sare ee Xisbiga Qiimo Qaran ayaa si rasmi ah u shaaciyey go’aankiisa ku aaddan doorashada ku-celiska ah ee Galmudug,...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN DOCEED LA QAATAY DHAXAL-SUGAHA KUWAIT

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN DOCEED LA QAATAY DHAXAL-SUGAHA KUWAIT

September 23, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa kulan doceed barbar socday meertada 81-aad ee shir madaxeedka Golaha Guud...

Madaxweynaha JFS oo kulan miro-dhal ah la qaatay Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka

Madaxweynaha JFS oo kulan miro-dhal ah la qaatay Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka

September 23, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa magaalada New York, kulan doceed miro-dhal ah kula yeeshay Kaaliyaha Xoghayaha...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

Β© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

Β© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In