Saturday, October 31, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddiga Wacyigelinta oo kormeeray goobaha ay ka socdaan diyaar garowga todobaadka xoriyadda

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
2 years ago
in Wararka
0
Guddiga Wacyigelinta oo kormeeray goobaha ay ka socdaan diyaar garowga todobaadka xoriyadda
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddiga Wacyigelinta iyo Warfaafinta ee todobaadka xoriyadda ayaa waxa uu kormeerkooda la xiriiray u kuurgelidda hanaanka ay u socdaan diyaar garowga loogu jiro maalmaha xoriyadda ee 26-ka June iyo 1-da Luulyo , gaar ahaan fanaaniinta Kooxaha kala duwan ee Qaranka oo ugu horeyso kooxaha baambeyda iyo fanaaniinta loogu talagalay inay xuska todobaadka xoriyadda ku soo bandhigaan suugaan.

Guddiga Wacyigelinta iyo Warfaafinta ayaa kormeerkooda ka bilaabay Xeebta Liido oo ay ku suganaayeen fanaaniinta kooxda Heegan iyo Daambeyda musikada ee heegan oo ka wada tirsan ciidanka booliska Soomaaliyeed, halkaasi oo ay ku soo bandhigeen gaadda cayaar oo ay si weyn ugu riyaaqeen dadweynihii u soo daawasho tegay.

Related posts

Shil khasaaro nafeed dhaliyay oo ka dhacay dalka Masar

Shil khasaaro nafeed dhaliyay oo ka dhacay dalka Masar

October 31, 2026
Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Azerbaijan

Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Azerbaijan

October 31, 2026

Intaa kadib waxa ay guddiga tageen barxadda Kawaanka Malaayga ee degmada Xamarweyne oo ay ku diyaar garoobayeen baanda muusikada ciidanka Asluubta, halkaasi oo ay ka socotay diyaar garow aad u xoogan, waxaana ay uga sii gudbeen Barxadda Warwaas oo ay suugaan ku soo bandhigayeen fanaaniinta Banaadir Band.

Goobaha la booqday waxaa ku suganaa dadweyne aad u fara badan oo ka kala yimid degmooyinka gobolka Banaadir, kuuwaasi oo dhankooda kooxaha fanaaniinta iyo baanda muusikada kala qeybgalayay diyaar garowga todobaadka xoriyadda.

Guddiga wacyigelinta iyo warfaafinta waxa ay socdaalkooda ku gaareen beerta Nabadda oo ay ku diyaar garoobayeen Fanaaninta Horseed ee ciidanka xoogga dalka, kuwaasi oo madasha ku soo bandhigay suugaan ka turjumeysa xoriyadda iyo la dagaallanka kooxaha khawaarijta.

Ugu dambey Guddiga ayaa kormeer ku tegay xarunta degmada Xamarjajab oo ay ku sugnaayeen fanaaniinta Kooxda Onkod ee ciidanka Asluubta, halkaasi oo dadweynihii ka soo qeygaleen ay lulayeen calanka

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Warfaafinta, dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, mudane Cabdullaahi Xayir Ducaale, isla markaana hogaaminayay kormeerka guddiga Wacyigelinta iyo Warfaafinta, oo ay qeyb ka ahaayeen qaar ka mid ah Agaasime Waaxeedyada Wasaaradda ayaa sheegay in socdaalkooda uu daarnaa u kuurgelidda hannaanka ay u socdaan u diyaar garowga xuska todobaadka xoriyadda.

 

 

Previous Post

Danjiraha Soomaaliya ee QM oo khudbad ka jeediyey kulanka Golaha Ammaanka

Next Post

Wasiirka Waxbarashadda XFS oo kormeeray goobaha Imtixaanka ee degmadda Balcad

Next Post
Wasiirka Waxbarashadda XFS oo kormeeray goobaha Imtixaanka ee degmadda Balcad

Wasiirka Waxbarashadda XFS oo kormeeray goobaha Imtixaanka ee degmadda Balcad

Shil khasaaro nafeed dhaliyay oo ka dhacay dalka Masar

Shil khasaaro nafeed dhaliyay oo ka dhacay dalka Masar

October 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Warbaahinta Masar ayaa si rasmi ah u shaacisay in laba qof ay dhinteen, halka 25 qof oo kalena ay...

Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Azerbaijan

Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Azerbaijan

October 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliyeed, Mudane Cali Cabdi Maxamed (Cali Shiine), ayaa booqasho ku tagay xarunta Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

October 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa la kulmay Ms. Åsa Regnér oo...

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

October 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa khudbad ka jeediyay Madasha 7-aad ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In