Sunday, November 1, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddiga Warfaafinta Golaha Aqalka Sare  oo kulan wadatashi la qaatay wakiilo ka kala socday dowlad Goboleedyada “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
7 years ago
in Wararka
0
Guddiga Warfaafinta Golaha Aqalka Sare  oo kulan wadatashi la qaatay wakiilo ka kala socday dowlad Goboleedyada “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Kulankan la-tashiga ah ee Guddiga horumarinta adeega bulshada, arrimaha beni’aadanimada, Warfaafinta iyo Dhaqanka Golaha Aqalka Sare Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ay la qaateen xubno ka socday Dowlad Goboleedyada  Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka iyo Gobolka Banaadir ayaa looga tashanayay Hindise Sharciyeedka Sharciga wax-ka badelka Xeerka Warbaahinta. iyadoo goobta uu ku sugnaa Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Soomaaliya.

Furitaanka kulanka waxaa ka hadlay mas’uuliyiintii ka socotay dowlad goboleedyada dalka iyo Maamulka Gobolka Banaadir,  waxayna u mahadceliyeen Guddiga horumarinta adeega Bulshada ee Golaha Aqalka Sare oo kulankan ku casuumay

Related posts

Shil khasaaro nafeed dhaliyay oo ka dhacay dalka Masar

Shil khasaaro nafeed dhaliyay oo ka dhacay dalka Masar

October 31, 2026
Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Azerbaijan

Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Azerbaijan

October 31, 2026

Guddoomiyaha Guddiga Horumarinta Adeega Bulshada, Arrimaha Beni’aadanimada, Warfaafinta iyo Dhaqanka ee Golaha Aqalka Sare Senator  Axmed Macalin Cumar Nadiir ayaa xubnaha kulanka lagu casuumay ka codsaday in ay fikirkooda ka dhiibtaan Hindise Sharciyeedka Xeerka Saxaafadda, maadaama sharcigan uu yahay kii lagu dhaqi lahaa.

Qaar ka mid ah xubnii ka qeyb galay kulanka ayaa afkaartooda ka dhiibtay xeerkan.

Guddiga Horumarinta Adeega Bulshada, Arrimaha Beni’aadanimada, Warfaafinta Iyo Dhaqanka Golaha Aqalka Sare ayaa hindise sharciyeedka xeerka saxaafadda kala tashaday qaybaha kala duwan ee saxaafadda, iyadoo xeerkan ay soo diyaarisay Wasaaradda Warfaafinta, kaasi oo Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya uu soo ansixiyay, haatanna uu horyaalo Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Previous Post

Agaasimaha Guud ee Hey’adda Socdaalka oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Jaamacadda Carabta u fadhiya Soomaaliya “SAWIRRO”

Next Post

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso: warka Duhur ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Shil khasaaro nafeed dhaliyay oo ka dhacay dalka Masar

Shil khasaaro nafeed dhaliyay oo ka dhacay dalka Masar

October 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Warbaahinta Masar ayaa si rasmi ah u shaacisay in laba qof ay dhinteen, halka 25 qof oo kalena ay...

Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Azerbaijan

Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Azerbaijan

October 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliyeed, Mudane Cali Cabdi Maxamed (Cali Shiine), ayaa booqasho ku tagay xarunta Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

October 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa la kulmay Ms. Åsa Regnér oo...

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

October 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa khudbad ka jeediyay Madasha 7-aad ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In