Guddiga Warfaafinta, Wacyi gelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ayaa maanta kulan la yeeshay madaxda Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada Xukuumadda Soomaaliya.
Madaxda Wasaaradda, ayaa waxaa hoggaaminaayay Wasiirka Wasaaradda Mudane Jaamac Xasan Khaliif, Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Mudane Xuseen Axmed Culusow, iyo Wasiiru Dowlaha Mudane Axmed Cismaan Diiriye iyo masuuliyiin kale.
Kulanka oo uu shir guddoominayay guddoomiyaha guddiga Warfaafinta, Wacyi gelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee Golaha Shacabka Xildhibaan Maxamuud Cabdulqaadir Xaaji (Jeego) ayaa isbarasho madaxda Wasaaradda iyo guddiga, xoojinta wada shaqeynta iyo iska warqabka guddiga iyo Wasaaradda
Wasiir Jaamac Xasan Khaliif, ayaa guddiga usoo bandhigay qorshe howleedka Wasaaradda, Sharciyada iyo xeerarka ay hortebinta u leh, isagoo guddiga ugu mahad celiyay wada shaqeynta wanaagsan ee kala dhaxeysa.Xubnaha guddiga ayaa wasiirka weydiiyay su’aalo la xiriira Shaqada Wasaaradda iyo howlaha mudnaanta u leh Guddiga.
Wasiirka. ayaa jawaabo ka siiyey arrimihii wax laga weydiyey ee ku saabsanaa shaqada Wasaaradda iyo heshiisyadii ay lasoo galeen wadamada uu la kulmay.