Thursday, January 22, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddiga wasiirada ee loo xil saaray qorshaha amniga caasimadda oo xalay kulan ku yeeshay degmada Wadajir

admin by admin
7 years ago
in Wararka
0
Guddiga wasiirada ee loo xil saaray qorshaha amniga caasimadda oo xalay kulan ku yeeshay degmada Wadajir
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddigii Golaha wasiiradda ee loo xilsaaray in ay ka soo talo bixiyaan qorshaha amniga Caasimadda, isla markaana ay isku xiraan bulshada iyo Ciidamadda ayaa kulankoodii ugu horeeyay xalay ku yeeshay degmada Wadajira ee Gobolka Banaadir.

 

Related posts

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo Qatar uga qeybgalay qalin jebinta ciidanka Isku dhafka ah

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo Qatar uga qeybgalay qalin jebinta ciidanka Isku dhafka ah

January 22, 2026
Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Deegaanka XFS oo gaaray Laascaanood

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Deegaanka XFS oo gaaray Laascaanood

January 22, 2026

Kulanka ayaa waxaa ka qeyb galay Wasiirka amniga Xukuumadda Soomaaliya,Wasiirka Gaashaandhiga,Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha,Wasiirka Kalluumeysiga,Wasiirka Batroolka,Guddoomiyaha Gobolka Banaadir,Wasiiru Dowlaha Waxbarashada,Wasiiru Dowlaha Duulista Hawada,Guddoomiye ku-xigeenada iyo Saraakiisha saldhigyada Booliska Gobolka Banaadir.

Kulanka ayaa waxaa looga hadlay amniga caasimadda iyo howlgalada ay ciidanka amniga ka bilaabeen xaafadaha magaalada Muqdisho,waxaana sidoo kale kulanka uu ahaa mid shacabka Gobolka Banaadir lagu fahamsiinayay iney qeyb ka noqdaan sugida amniga caasimadda.

Guddoomiye ku-xigeenka dhinaca amniga iyo siyaasadda ee Maamulka Gobolka Banaadir Maxamed Cabdullaahi Tuulax ayaa ka warbixiyay waxyaabaha looga hadlay kulanka iyo howlgalada ay ciidanka ka wadaan magaalada Muqdisho.

“Shirkii ugu horeeyay guddiga waxay noogu yimaadeen degmada Wadajir,waxaana warbixin ka siinay xaaladda guud ee degmada Wadajir iyo baahiyaha degmada ay qabto si loo sugo ama loo dardar geliyo amniga,guddigu waxay tageen isgoysyada kala duwan ee degmada Wadajir oo ay ka howlgalaan ciidamada loogu talagalay iney sugaan amniga si ay u ogaadaan xaaladaha ay ku sugan yihiin ciidanka iyo baahiyaha ay qabaan ee ay tahay in Xukuumadda wax ka qabato,”ayuu yiri Guddoomiye Tuulax.

Dhanka kale,Ciidanka Booliska degmada Warta Nabada ee Gobolka Banaadir ayaa xalay xafadaha Nationka, Oorfane iyo Xaafadda Baariyow ee Degmadaasi ka bilaabay baaritaan guri guri ah oo amniga lagu xaqiijinaayo.

Sidoo kale, Ciidamada Booliska iyo Shacabka degmada Deyniile oo iskaashanaya ayaa gacanta ku dhigay gacan ku dhiigle ka tirsanaa maleeshiyada Al-Shabaab,kaas oo dil ka geystay degmadaasi.

Wada shaqeynta laamaha amniga iyo shacabka oo sii xoogeysta ayaa suurta gelin karta in cadawga si fudud looga sifeeyo dalka.

Previous Post

Kalfadhiga 5-aad ee Golaha Aqalka sare oo maanta furmaya

Next Post

Duqa Muqdisho oo faray laamaha Amniga in Caddaaladda la horkeeno Askari dilay Bajaajle

Next Post
Duqa Muqdisho oo Daah Furay Mashruuca Dhismaha Waddooyinka Xaafadaha Muqdisho+Sawirro

Duqa Muqdisho oo faray laamaha Amniga in Caddaaladda la horkeeno Askari dilay Bajaajle

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo Qatar uga qeybgalay qalin jebinta ciidanka Isku dhafka ah

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo Qatar uga qeybgalay qalin jebinta ciidanka Isku dhafka ah

January 22, 2026
0

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, oo booqasho shaqo ku jooga dalka Qatar, ayaa maanta ka qeybgalay...

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Deegaanka XFS oo gaaray Laascaanood

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Deegaanka XFS oo gaaray Laascaanood

January 22, 2026
0

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Hussein Ali Haji, ayaa maanta ka degay...

Guddoonka Labada Aqal ee BJFS oo xog laga siiyay hannaaka dib u eegista Dastuurka

Guddoonka Labada Aqal ee BJFS oo xog laga siiyay hannaaka dib u eegista Dastuurka

January 22, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo ay wehliyaan Guddoomiye Kuxigeenka Koowaad...

𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐆𝐮𝐝𝐝𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐮-𝐃𝐮𝐰𝐢𝐝𝐝𝐚 𝐌𝐚𝐚𝐫𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐀𝐛𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 M𝐨𝐪𝐝𝐢𝐬𝐡𝐨 l𝐮𝐠𝐮 s𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐫𝐚y

𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐆𝐮𝐝𝐝𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐮-𝐃𝐮𝐰𝐢𝐝𝐝𝐚 𝐌𝐚𝐚𝐫𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐀𝐛𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 M𝐨𝐪𝐝𝐢𝐬𝐡𝐨 l𝐮𝐠𝐮 s𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐫𝐚y

January 22, 2026
0

Waxaa Magaaladda Moqdisho lugu soo xiray Shirka Guddiga Qaran ee Isku-Duwidda Maareynta Abaaraha, oo ay soo qaban-qaabisay Hay’adda Maareynta Musiibooyinka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In