Wednesday, September 30, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddiga wasiirada ee loo xil saaray qorshaha amniga caasimadda oo xalay kulan ku yeeshay degmada Wadajir

admin by admin
8 years ago
in Wararka
0
Guddiga wasiirada ee loo xil saaray qorshaha amniga caasimadda oo xalay kulan ku yeeshay degmada Wadajir
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddigii Golaha wasiiradda ee loo xilsaaray in ay ka soo talo bixiyaan qorshaha amniga Caasimadda, isla markaana ay isku xiraan bulshada iyo Ciidamadda ayaa kulankoodii ugu horeeyay xalay ku yeeshay degmada Wadajira ee Gobolka Banaadir.

 

Related posts

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026
Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

September 29, 2026

Kulanka ayaa waxaa ka qeyb galay Wasiirka amniga Xukuumadda Soomaaliya,Wasiirka Gaashaandhiga,Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha,Wasiirka Kalluumeysiga,Wasiirka Batroolka,Guddoomiyaha Gobolka Banaadir,Wasiiru Dowlaha Waxbarashada,Wasiiru Dowlaha Duulista Hawada,Guddoomiye ku-xigeenada iyo Saraakiisha saldhigyada Booliska Gobolka Banaadir.

Kulanka ayaa waxaa looga hadlay amniga caasimadda iyo howlgalada ay ciidanka amniga ka bilaabeen xaafadaha magaalada Muqdisho,waxaana sidoo kale kulanka uu ahaa mid shacabka Gobolka Banaadir lagu fahamsiinayay iney qeyb ka noqdaan sugida amniga caasimadda.

Guddoomiye ku-xigeenka dhinaca amniga iyo siyaasadda ee Maamulka Gobolka Banaadir Maxamed Cabdullaahi Tuulax ayaa ka warbixiyay waxyaabaha looga hadlay kulanka iyo howlgalada ay ciidanka ka wadaan magaalada Muqdisho.

“Shirkii ugu horeeyay guddiga waxay noogu yimaadeen degmada Wadajir,waxaana warbixin ka siinay xaaladda guud ee degmada Wadajir iyo baahiyaha degmada ay qabto si loo sugo ama loo dardar geliyo amniga,guddigu waxay tageen isgoysyada kala duwan ee degmada Wadajir oo ay ka howlgalaan ciidamada loogu talagalay iney sugaan amniga si ay u ogaadaan xaaladaha ay ku sugan yihiin ciidanka iyo baahiyaha ay qabaan ee ay tahay in Xukuumadda wax ka qabato,”ayuu yiri Guddoomiye Tuulax.

Dhanka kale,Ciidanka Booliska degmada Warta Nabada ee Gobolka Banaadir ayaa xalay xafadaha Nationka, Oorfane iyo Xaafadda Baariyow ee Degmadaasi ka bilaabay baaritaan guri guri ah oo amniga lagu xaqiijinaayo.

Sidoo kale, Ciidamada Booliska iyo Shacabka degmada Deyniile oo iskaashanaya ayaa gacanta ku dhigay gacan ku dhiigle ka tirsanaa maleeshiyada Al-Shabaab,kaas oo dil ka geystay degmadaasi.

Wada shaqeynta laamaha amniga iyo shacabka oo sii xoogeysta ayaa suurta gelin karta in cadawga si fudud looga sifeeyo dalka.

Previous Post

Kalfadhiga 5-aad ee Golaha Aqalka sare oo maanta furmaya

Next Post

Duqa Muqdisho oo faray laamaha Amniga in Caddaaladda la horkeeno Askari dilay Bajaajle

Next Post
Duqa Muqdisho oo Daah Furay Mashruuca Dhismaha Waddooyinka Xaafadaha Muqdisho+Sawirro

Duqa Muqdisho oo faray laamaha Amniga in Caddaaladda la horkeeno Askari dilay Bajaajle

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO)...

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

September 29, 2026
0

Urur Siyaasadeedka Talo-Qaran oo ka mid ah Ururada ka jira dalkeena oo maalmahan ololaha doorashooyinka ka waday qaar ka mid...

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa Magaalada Muqdisho ka furay shir lagu tijaabinayo diyaar-garowga...

𝐑𝐚𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐱𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

𝐑𝐚𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐱𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

September 29, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta duleedka magaalada Muqdisho ka furey Bandhigga Dalxiiska Soomaaliya oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In