Tuesday, January 27, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddiyada dib u eegista Dastuurka ee BFS oo Muqdisho kulan ku yeeshay “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
8 years ago
in Wararka
0
Guddiyada dib u eegista Dastuurka ee BFS oo Muqdisho kulan ku yeeshay “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddiga madaxa banaan ee dib u eegista iyo  hirgelinta Dastuurka, ayaa maanta ku wareejiyey guddiga la socodka dib u eegista iyo hirgelinta Dastuurka ee BFS Shan cutub oo ka mid ah Dastuurka oo ay kasoo shaqeeyeen, kadib kulan ay ku yeesheen magaaladda Muqdisho.

Kulanka, ayaa  waxaa ugu horeyn ka hadlay guddoomiyaha guddiga madaxa banaan ee dib u eegista iyo  hirgalinta dastuurka Mudane Maxamed Daahir Afrax, waxa uuna sheegay in shantan cutub ay guddi ahaan ka soo shaqeeyeen guddiga la socodka Baarlamaanka  looga baahan yahay in bulshada ay la wadaagaan.

Related posts

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad XFS oo daah-furay Qorshaha iyo Ka-jawaabista xaaladda Beni’aadannimo ee dalka

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad XFS oo daah-furay Qorshaha iyo Ka-jawaabista xaaladda Beni’aadannimo ee dalka

January 26, 2026
𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚, 𝐨𝐨 𝐝𝐡𝐚𝐠𝐚𝐱 𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚𝐲 𝐝𝐡𝐢𝐬𝐚𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐱𝐚𝐫𝐮𝐧𝐭𝐚 𝐝𝐡𝐞𝐱𝐞 𝐞𝐞 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐌𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐉𝐅𝐒

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚, 𝐨𝐨 𝐝𝐡𝐚𝐠𝐚𝐱 𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚𝐲 𝐝𝐡𝐢𝐬𝐚𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐱𝐚𝐫𝐮𝐧𝐭𝐚 𝐝𝐡𝐞𝐱𝐞 𝐞𝐞 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐌𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐉𝐅𝐒

January 26, 2026

Mudane Cabdi Xasan Cawaale (Qaybdiid) Guddoomiyaha  guddiga la socodka dib u eegista iyo hirgalinta dasuurka ee BFS, ayaa sheegay in dastuurka ay u qaybiyeen 15 cutub shan ka mid ah ay u soo gudbiyeen guddiga  madaxa banaan ee dib u eegista iyo  hirgalinta dastuurka.

“15 Cutub ayaan dastuurka u qeybinay, 5 ayay soo gudbiyeen guddiga  madaxa banaan,  iyaggoo tasiilaadkii ay ku shaqaynayeen aysan u dhamaystirnayn, taasi waa guul u soo hoyatay labada guddi iyo wasaaradda dastuurka oo howl wadaag yihiin, ayuu yiri Mudane Cabdi Xasan Cawaale.

Wasiirka wasaaradda dastuurka Xukuumadda federaalka Soomaaliya, Mudan Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil, ayaa  ka warbixiyay howlaha dhankiisa ah ee dastuurka, waxa uuna sheegay in shirkii dhowaan madaxda qaranka iyo kuwa dowlad goboleedyada ku yeeshay baydhaba uu hor dhigay qodob ku xeran siyaasada.

“Madaxa qaranka iyo kuwa dowlad goboleedyada shirkii ay ku yeesheen magaaladda baydhaba waxaan hor dhigay qodob kala ah Doorashada iyo qaybsiga qayraadka “ ayuu yiri Wasii C/raxmaaan.

Guddoomiyaha golaha aqalka sare baarlaamanka federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Xaashi Cabdulaahi oo kulanka ka qayb galay, ayaa u mahadceliyay guddiga madaxa banaan ee dib u eegista iyo  hirgalinta dastuurka howsha ay soo qabteen, wuxuuna dhinaca kale sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay wada shaqaynta labada gudi ee dib u eegista dastuurka iyo wasaarada dastuurka .

“Waan u mahadcelinayaa guddiga madaxa banaan, dhanka kalana waxaa farxad ah in labada guddi ee dastuurka iyo wasaarada dastuurka in ay maanta miiska wada fadhiyaan oo ay wada shaqaynayaan loona baahan yahay in ay u dhabar adeegaan dhamaystirka dastuurka, si shacabka Soomaaliyeed ay u helaan dastuur dhamaystiran “ ayuu yiri Guddoomiye Cabdi Xaashi.

Kulan markii uu soo  dhammaaday ka dib, ayaa kulanka maanta waxaa laga soo saaray war saxaafadeed ku aadan heerarkii uu soo maray dastuurka waxaana saxaafada u aqriyay xoghayaha guddiga la socodka dib u eegista iyo hirgalinta dasuurka ee BFS Mudane Xuseen Sheekh Maxamuud.

 

Previous Post

Kulan looga Hadlayay Shaqo La’aanta heysa Ardayda kasoo baxda Jaamacadaha oo lagu qabtay Muqdisho “Sawirro”

Next Post

Wasiir Beyle “Dakhliga Dalka 58% ayaan Daboolnay”

Next Post
Wasiir Beyle “Dakhliga Dalka 58% ayaan Daboolnay”

Wasiir Beyle “Dakhliga Dalka 58% ayaan Daboolnay”

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad XFS oo daah-furay Qorshaha iyo Ka-jawaabista xaaladda Beni’aadannimo ee dalka

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad XFS oo daah-furay Qorshaha iyo Ka-jawaabista xaaladda Beni’aadannimo ee dalka

January 26, 2026
0

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad eeXukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane JibrilCabdirashiid Xaaji ayaa si rasmi ah u daah-furay Qorshaha iyo Ka-jawaabista...

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚, 𝐨𝐨 𝐝𝐡𝐚𝐠𝐚𝐱 𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚𝐲 𝐝𝐡𝐢𝐬𝐚𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐱𝐚𝐫𝐮𝐧𝐭𝐚 𝐝𝐡𝐞𝐱𝐞 𝐞𝐞 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐌𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐉𝐅𝐒

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚, 𝐨𝐨 𝐝𝐡𝐚𝐠𝐚𝐱 𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚𝐲 𝐝𝐡𝐢𝐬𝐚𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐱𝐚𝐫𝐮𝐧𝐭𝐚 𝐝𝐡𝐞𝐱𝐞 𝐞𝐞 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐌𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐉𝐅𝐒

January 26, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta si rasmi ah u dhagax-dhigay dhismaha cusub ee...

Muwaadiniin ku xanibnaa Liibiya oo dalkooda Hooyo dib loogu soo celiyay

Muwaadiniin ku xanibnaa Liibiya oo dalkooda Hooyo dib loogu soo celiyay

January 26, 2026
0

Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka (NCRI), oo kaashaneysa Xafiiska Ergeyga Gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan Arrimaha Muhaajiriinta iyo...

Wasiirka Hawlaha Guud XFS oo Danjiraha Boqortooyada Sucuudiga kala hadlay Dib-u-dhiska Kaabayaasha Dhaqaalaha

Wasiirka Hawlaha Guud XFS oo Danjiraha Boqortooyada Sucuudiga kala hadlay Dib-u-dhiska Kaabayaasha Dhaqaalaha

January 26, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib-u-dhiska iyo Guriyeynta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Ayuub Ismaaciil Yuusuf, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In