Wednesday, March 11, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddomiyaha Gobolka Banadir oo la kulmay Safiirka Mareykanka u qaabilsan Soomaaliya

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
10 years ago
in Wararka
0
Guddomiyaha Gobolka Banadir oo la kulmay Safiirka Mareykanka u qaabilsan Soomaaliya
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa magaalada Istanbul ee dalka Turkiga kulan kula qaatay Safiirka dowladda Mareykanka u qaabilsan dalkeena Soomaaliya.

Kulanka labada mas’uul ayaa waxaa looga hadlay arrimo ay ka mid yihiin, ammaanka caasimadda, Mareynta dhaqaalaha caasimadda, doorashooyinka golaha deegaanka Muqdisho, Arrimaha maqaamka caasimadda iyo qodabada dastuurka dalka ee ka hadlaya Gobolka banaadir oo wax laga badalay.

Related posts

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH IYO WAFDI UU HOGGAAMINAYO OO GAARAY JABUUTI

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH IYO WAFDI UU HOGGAAMINAYO OO GAARAY JABUUTI

March 11, 2026
Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Wasaaradda Cadaaladda XFS oo soo saartay Liiska Nootaayooyinka sharciyaysan

March 11, 2026

Duqa Muqdisho ayaa ka codsaday safiirka dowladda Mareykanka in ay ka taageeraan sidii maamulkiisa uu doorashooyinka golaha deegaanka kaga suura galin lahaa magaalada Muqdisho, arrintaas oo uu safiirku balan qaaday in ay gacan ka geysan doonaan.

Dhinaca kale Guddomiyaha Gobolka Banadir mudane Madaale ayaa u sheegay safiirka in dadka reer Muqdisho ay dibad-baxyo nabadeed ku muujiyeen sida ay u doonayaan in la qeexo doorka Gobolka banaadir ee awood qaybsiga maamulka dalka.

Safiirka waxa uu sheegay in xagaaga soo socda wafdi uu hogaaminayo ay imaan doonaan magaalada Muqdisho si ay qiimeyn ugu sameeyaan baahiyaha ay qabaan maamulka iyo Bulshada Gobolka Banaadir, waxaana uu qeexay in ay doonayaan in magaalada Muqdisho ay noqoto magaalo matasha siyaasadda Soomaaliya oo dhan marti galisana dibkomaasiyiinta caalamka ee ka howlgalaya dalkeena.

Kulanka ayaa dhinaca kale waxaa qayb ka ahaa mas’uuliyiin ka socotay hay’adda USAID kuwaas oo tilmaamay dhankooda in ay ka qayb qaadan doonaan dhismaha iyo bilic soo celinta magaalada Muqdisho.

Gudomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale oo ku sugan dalka Turkiga ayaa maalmahaanba waday kulamo kala duwan oo uu laqaadanayay mas’uuliyiintii ka qayb galay shirkii arrimaha Soomaaliya ee ka dhacay dalkaasi Turkiga, kuwaas oo uu kala hadlayay horumarinta caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

DSC_0841[1] DSC_0849[1]     DSC_0843[1]

Previous Post

Howlgallo amni xaqiijin ah oo xalay laga sameeyay gobolka Banaadir

Next Post

Maamulka Galmudug oo lagu wareejiyay Gaadiid dagaal, hub iyo ciidan+Sawirro

Next Post
Maamulka Galmudug oo lagu wareejiyay Gaadiid dagaal, hub iyo ciidan+Sawirro

Maamulka Galmudug oo lagu wareejiyay Gaadiid dagaal, hub iyo ciidan+Sawirro

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH IYO WAFDI UU HOGGAAMINAYO OO GAARAY JABUUTI

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH IYO WAFDI UU HOGGAAMINAYO OO GAARAY JABUUTI

March 11, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Jabuuti ee Caasimadda dalka aan...

Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Wasaaradda Cadaaladda XFS oo soo saartay Liiska Nootaayooyinka sharciyaysan

March 11, 2026
0

Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda JFS ayaa waxa ay si rasmi ah ula wadaagaysaa dadweynaha iyo dhammaan daneeyaasha liiska...

Kulanka hagista mashruuca Koronto-gelinta Kooban ee Afrika oo lagu qabtay Muqdisho

Kulanka hagista mashruuca Koronto-gelinta Kooban ee Afrika oo lagu qabtay Muqdisho

March 11, 2026
0

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha XFS mudane Maxamed Cabdullaahi Faarax ayaa shir guddoomiyay kulanka hagista iyo isku dubbaridka mashruuca...

Ciidanka Xoogga Dalka oo howlgal ku xoreeyay deegaanka Xawaadley ee Shabeellaha Dhexe

Ciidanka Xoogga Dalka oo howlgal ku xoreeyay deegaanka Xawaadley ee Shabeellaha Dhexe

March 11, 2026
0

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgal guuleystay ku xoreeyay deegaanka Xawaadley ee gobolka Shabeellaha Dhexe, kaas oo horey ugu dhuumaaleysanayeen...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In