Saturday, October 31, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddoomiyaha Aqalka sare iyo Ra’iisul wasaare Ku-xigeenka Dalka oo qaabilay Ergayga Finland ee nabadaynta Geeska Afrika

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
4 years ago
in Wararka
0
Guddoomiyaha Aqalka sare iyo Ra’iisul wasaare Ku-xigeenka Dalka oo qaabilay Ergayga Finland ee nabadaynta Geeska Afrika
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Shil khasaaro nafeed dhaliyay oo ka dhacay dalka Masar

Shil khasaaro nafeed dhaliyay oo ka dhacay dalka Masar

October 31, 2026
Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Azerbaijan

Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Azerbaijan

October 31, 2026

Guddoomiyaha Aqalka Sare BFS Senator Abdi Hashi Abdullahi ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay ergayga gaarka ah ee Dowladda Finlad u qaabilsan arrimaha nabadaynta geeska Afrika Mudane Suldaan Saciid Axmed ahna xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Dowladda Finland.

Guddoomiyaha iyo ergayga ayaa kawada hadlay arrimo kala duwan oo ay ugu muhiimsanaayeen hannaanka nabad ku soo dabaalidda geeska Afrika gaar ahaan Soomaaliya iyo kaalinta dowladda Finland ka qaadan karto, gurmadka abaaraha, dib u heshiisiinta, tababarrada iyo dowlad wanaagga.
Dhan kale, Ra’iisul wasaare ku-xigeenka Dalka Mudane Mahdi Maxamed Guuleed ayaa isna Xafiiskiisa ku qaabilay Maanta, Mudane Suldaan Saciid Axmed oo ah xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Finland, ahna Ergeyga cusub ee Finland u qaabilsan nabadaynta Geeska Afrika.
Labada Masuul ayaa ka wada hadlay kaalinta Finland ee arrimaha Dhab-u-heshiisiinta iyo nabadda.
Suldaan Saciid ayey Dowladda Finland soo magacawday dhawaan si uu u dardar geliyo xiriirada Filand ay la leedahay waddamada Geeska Afrika.
Previous Post

Ukrain: Ruushka oo duqeeyay Donbas iyo Midowga Yurub oo ka hadlay sii adkeynta Cunaqabateynta Moskow

Next Post

Gurmad la gaarsiiyay Buurdhuube oo ka tirsan Gobolka Gedo.

Next Post
Gurmad la gaarsiiyay Buurdhuube oo ka tirsan Gobolka Gedo.

Gurmad la gaarsiiyay Buurdhuube oo ka tirsan Gobolka Gedo.

Shil khasaaro nafeed dhaliyay oo ka dhacay dalka Masar

Shil khasaaro nafeed dhaliyay oo ka dhacay dalka Masar

October 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Warbaahinta Masar ayaa si rasmi ah u shaacisay in laba qof ay dhinteen, halka 25 qof oo kalena ay...

Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Azerbaijan

Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Azerbaijan

October 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliyeed, Mudane Cali Cabdi Maxamed (Cali Shiine), ayaa booqasho ku tagay xarunta Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

October 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa la kulmay Ms. Åsa Regnér oo...

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

October 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa khudbad ka jeediyay Madasha 7-aad ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In