Monday, October 26, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddoomiyaha Aqalka Sare oo ka qeybgalay xaflad ay ku qalin jabinayeen Arday ka baxday Jaamacadda Soomaaliya “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
8 years ago
in Wararka
0
Guddoomiyaha Aqalka Sare oo ka qeybgalay xaflad ay ku qalin jabinayeen Arday ka baxday Jaamacadda Soomaaliya “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Maalin  farxadeed ayay u ahayd Jaamacadda Soomaaliya kaddib markii ay ka qalin jabiyeen arday gaaraysa 1,379 arday oo bartay kuliyadaha Culuumta Aadanaha, Maamulka Ganacsiga , Caafimaadka iyo Kuliyadda cabiraadka cilmiga Kombiyuuterka.

 

Related posts

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐗𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐋𝐚𝐛𝐚𝐚𝐝 𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐥𝐤𝐚 𝐮 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐰𝐚𝐫𝐞𝐞𝐣𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐨

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐗𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐋𝐚𝐛𝐚𝐚𝐝 𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐥𝐤𝐚 𝐮 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐰𝐚𝐫𝐞𝐞𝐣𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐨

October 25, 2026
Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Wasaaradda Caafimaadka XFS oo shaacisay natiijada baaritaanada EBOLA

October 25, 2026

Prof. Maxamed Axmed Macalin Guddoomiyaha Golaha Sare Jaamaacadda Soomaaliya ayaa munaasibada qalin jabinta ka hadlay waxa uu sheegay in Jaamacadda maamulkeeda ay ku dadaalayn kor u qaadidda tayada Waxbarashada ardayda si ay u noqdaan kuwa isugu filan.

“Jaamacado dalka dibada ku yaala ayaan ku casuunay xarunta Jaamacadda si wax looga ogaado tayada Jaamacadda Soomaaliya, qabiiro ka kala socdo Jaamacado kala duwan ayaa u hambalyeeyay madaxda Jaamacadda Soomaaliya waxayna sheegeen in tayada Jaamacadda ay tahay mid heer sare ah” ayuu yiri Prof. Maxamed Axmed Macalin

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Eng, Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Yariisoow ) ayaa sheegay in ay u heelan yihiin ayna garab taagan yihiin ardayda ka qalin jabisay Jaamacadda Soomaaliya.

“Ardayda qalin jabisay waan garab taaganahay, Hambalyo ayaan u dirayaa ardayda iyo madaxda dhidibada u aastay, una dabar adeegtay  Jaamacadda Soomaaliya” ayuu yiri Eng, Yariisow.

Senator, Saciida Xasan Cismaan iyo Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Dowladda Federaalka ah Daahir Cabdullaahi ayaa dhankooda sheegay in ardaydan ay xilli adag wax ku barteen dalkooda, tayada Jaamacadahana ay aad u wanaagsan yihiin  ayna  jiraan  arday ka baxday Jaamacadaha ku yaala dalka ay haatan ka shaqeeyaan xarumaha dowladda Soomaaliya

Cabdi Xaashi Cabdullaahi Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare BFS ayaa sheegay in warbixinta ay  maamulka Jaamacadda Soomaaliya ka soo jeediyeen goobta ay tahay mid wanaagsan, maadaama arday ka mid ah  kuwo horay uga qalin jabiyay Jaamacadda ay shirkado dalka ka abuureen.

“Hambalyo ayaan u dirayaa ardayda, Macalimiinta iyo Maamulka Jaamacadda Soomaaliya 1,379 ka arday ee qalin jabisay waxaan lee yahay horay u socda, kordhiyana abuurista shaqooyinka si shaqooyin  ay uga helaan dadka Soomaaliyeed” ayuu yiri Guddoomiyaha Aqalka Sare.

Gaba gabadii munaasabadda ayaa masuuliyiintii ka socotay Dowladda  iyo Jaamacadda Soomaaliya waxa ay halkaasi shahaadooyinkooda ku guddoonsiiyeen Ardaydii kaalimaha hore ka galay Kulliyadaha kala duwan ee Jaamacadda.

Previous Post

Shirka todobaadlaha ah ee Guddoomiyeyaasha 17ka degmo oo looga hadlay Dardargelinta Amniga “SAWIRRO”

Next Post

Madaxweyne Farmaajo oo ka qayb galaya shirka Madasha Iskaashiga Shiinaha iyo Afrika “SAWIRRO”

Next Post
Madaxweyne Farmaajo oo ka qayb galaya shirka Madasha Iskaashiga Shiinaha iyo Afrika “SAWIRRO”

Madaxweyne Farmaajo oo ka qayb galaya shirka Madasha Iskaashiga Shiinaha iyo Afrika “SAWIRRO”

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐗𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐋𝐚𝐛𝐚𝐚𝐝 𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐥𝐤𝐚 𝐮 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐰𝐚𝐫𝐞𝐞𝐣𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐨

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐗𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐋𝐚𝐛𝐚𝐚𝐝 𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐥𝐤𝐚 𝐮 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐰𝐚𝐫𝐞𝐞𝐣𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐨

October 25, 2026
0

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi, ayaa Ka qeybgalay munaasabadda xil-wareejinta Wasaaradda...

Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Wasaaradda Caafimaadka XFS oo shaacisay natiijada baaritaanada EBOLA

October 25, 2026
0

Wasaaradda Caafimaadka XFS ayaa shaacisay natiijada baaritaanada Ebola iyo dhammeystirka habraacyada karantiilka Muwaadinkii Soomaaliyeed ee la xaqiijiyo in uu xiriir...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo shir muhiim ah kaga qayb galaya dalka Azerbaijan

Wasiirka Warfaafinta XFS oo shir muhiim ah kaga qayb galaya dalka Azerbaijan

October 25, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa maanta u amba baxay magaalada...

Hay’adda NISA oo gacanta ku dhigtay eedeysane bom gacmeed ku tuuray bar koontarool

Hay’adda NISA oo gacanta ku dhigtay eedeysane bom gacmeed ku tuuray bar koontarool

October 24, 2026
0

Ciidamada Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya ciidamada kale ee amniga, ayaa gacanta ku dhigay Cabdisalaan Yacquub Nuur...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In