Saturday, October 17, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddoomiyaha Aqalka Sare oo ka qeybgalay xaflad ay ku qalin jabinayeen Arday ka baxday Jaamacadda Soomaaliya “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
8 years ago
in Wararka
0
Guddoomiyaha Aqalka Sare oo ka qeybgalay xaflad ay ku qalin jabinayeen Arday ka baxday Jaamacadda Soomaaliya “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Maalin  farxadeed ayay u ahayd Jaamacadda Soomaaliya kaddib markii ay ka qalin jabiyeen arday gaaraysa 1,379 arday oo bartay kuliyadaha Culuumta Aadanaha, Maamulka Ganacsiga , Caafimaadka iyo Kuliyadda cabiraadka cilmiga Kombiyuuterka.

Related posts

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026

Prof. Maxamed Axmed Macalin Guddoomiyaha Golaha Sare Jaamaacadda Soomaaliya ayaa munaasibada qalin jabinta ka hadlay waxa uu sheegay in Jaamacadda maamulkeeda ay ku dadaalayn kor u qaadidda tayada Waxbarashada ardayda si ay u noqdaan kuwa isugu filan.

“Jaamacado dalka dibada ku yaala ayaan ku casuunay xarunta Jaamacadda si wax looga ogaado tayada Jaamacadda Soomaaliya, qabiiro ka kala socdo Jaamacado kala duwan ayaa u hambalyeeyay madaxda Jaamacadda Soomaaliya waxayna sheegeen in tayada Jaamacadda ay tahay mid heer sare ah” ayuu yiri Prof. Maxamed Axmed Macalin

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Eng, Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Yariisoow ) ayaa sheegay in ay u heelan yihiin ayna garab taagan yihiin ardayda ka qalin jabisay Jaamacadda Soomaaliya.

“Ardayda qalin jabisay waan garab taaganahay, Hambalyo ayaan u dirayaa ardayda iyo madaxda dhidibada u aastay, una dabar adeegtay  Jaamacadda Soomaaliya” ayuu yiri Eng, Yariisow.

Senator, Saciida Xasan Cismaan iyo Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Dowladda Federaalka ah Daahir Cabdullaahi ayaa dhankooda sheegay in ardaydan ay xilli adag wax ku barteen dalkooda, tayada Jaamacadahana ay aad u wanaagsan yihiin  ayna  jiraan  arday ka baxday Jaamacadaha ku yaala dalka ay haatan ka shaqeeyaan xarumaha dowladda Soomaaliya

Cabdi Xaashi Cabdullaahi Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare BFS ayaa sheegay in warbixinta ay  maamulka Jaamacadda Soomaaliya ka soo jeediyeen goobta ay tahay mid wanaagsan, maadaama arday ka mid ah  kuwo horay uga qalin jabiyay Jaamacadda ay shirkado dalka ka abuureen.

“Hambalyo ayaan u dirayaa ardayda, Macalimiinta iyo Maamulka Jaamacadda Soomaaliya 1,379 ka arday ee qalin jabisay waxaan lee yahay horay u socda, kordhiyana abuurista shaqooyinka si shaqooyin  ay uga helaan dadka Soomaaliyeed” ayuu yiri Guddoomiyaha Aqalka Sare.

Gaba gabadii munaasabadda ayaa masuuliyiintii ka socotay Dowladda  iyo Jaamacadda Soomaaliya waxa ay halkaasi shahaadooyinkooda ku guddoonsiiyeen Ardaydii kaalimaha hore ka galay Kulliyadaha kala duwan ee Jaamacadda.

Previous Post

Shirka todobaadlaha ah ee Guddoomiyeyaasha 17ka degmo oo looga hadlay Dardargelinta Amniga “SAWIRRO”

Next Post

Madaxweyne Farmaajo oo ka qayb galaya shirka Madasha Iskaashiga Shiinaha iyo Afrika “SAWIRRO”

Next Post
Madaxweyne Farmaajo oo ka qayb galaya shirka Madasha Iskaashiga Shiinaha iyo Afrika “SAWIRRO”

Madaxweyne Farmaajo oo ka qayb galaya shirka Madasha Iskaashiga Shiinaha iyo Afrika “SAWIRRO”

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Tababar socon doona muddo 21 maalmood ah ayaa magaalada Jinhua ee gobolka Zhejiang, Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha, uga furmay 27...

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeer shaqo ku tagay markabka Çağrı Bey, oo ku sugan...

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

October 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa caawa booqday bandhigga ganacsiga ee Som...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In