Thursday, February 19, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddoomiyaha Baarlamaanka EAC oo lagu soo dhaweeyay Muqdisho

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
2 years ago
in Wararka
0
Guddoomiyaha Baarlamaanka EAC oo lagu soo dhaweeyay Muqdisho
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddoomiye Ku-xigeenka labaad ee golaha shacabka BJFS Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow oo ay wehliyaan Xildhibaanno ka tirsan labada Aqal ee baarlamaanka dalka ayaa garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Aadan Cabdulle kusoo dhoweeyay wafdi uu hogaaminayo guddoomiyaha baarlamaanka Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika Joseph NTAKIRUTIMANA iyo wafdi uu hogaaminayo oo maanta soo gaaray Magaaladda Muqdisho ee caasimadda Dalka.

Habdhowraha Golaha Aqalka sare ee Baarlamaanka dalka Senator Zamzam Cabdullaahi ayaa xubnaha wafdiga ee ka socday baarlamaanka urur goboleedkaIl Iskaashiga Dhaqaalaha bariga Afrika kusoo dhoweysay Magaaladda Muqdisho.

Related posts

Shirka Golaha Wasiirrada oo maanta looga hadlay xaaladda abaaraha ka jira dalka

Shirka Golaha Wasiirrada oo maanta looga hadlay xaaladda abaaraha ka jira dalka

February 19, 2026
Madaxweynaha JFS oo Madaxtooyada Qaranka kusoo dhaweeyay Golaha Mustaqbalka

Madaxweynaha JFS oo Madaxtooyada Qaranka kusoo dhaweeyay Golaha Mustaqbalka

February 19, 2026

Intaasi ka dib guddoomiye Joseph NTAKIRUTIMANA oo gudaha garoonka warbaahinta kula hadlay ayaa sheegay in uu ku faraxsanahay imaanshihiisa Soomaaliya isaga iyo wafdigiisa,mudada uu joogana uu kulamo la qaadan doono guddoonka baarlamaanka iyo xildhibaanadda labada Aqal.

Guddoomiye kuxigeeenka labaad ee golaha shacabka BJFS Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow oo guddoomiyaha baarlamaanka Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika Joseph NTAKIRUTIMANA iyo wafdigiisa kusoo dhoweeyay dalka ayaa sheegay in ay casuumad rasmi ah ka heleen guddoonka baarlamaanka dalka.

Sidoo kale Guddoomiye Ku-xigeenka labaad ee golaha shacabka BJFS ayaa sheegey in baarlamaanka Soomaaliya uu ku guda jiro xulista xubnaha Soomaaliya ku matali doona Baarlamaanka Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika.

Guddoomiyaha Baarlamaanka EAC Joseph NTAKIRUTIMANA waxaa safarkiisa ku wehliya Xildhibaan Iman Falhada Dekow, John N. Mutega oo ah habdhowre ku-xigeenka Baarlamaanka Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika iyo Nicodemus Ajak oo ka tirsan qeybta xiriirka dadweynana.

Previous Post

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo si rasmi ah u furay Shirweynaha Qurbajoogta Soomaaliyeed

Next Post

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo kulan la qaatay dhiggiisa dalka Qatar

Next Post
Ra’iisul Wasaare Xamsa oo kulan la qaatay dhiggiisa dalka Qatar

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo kulan la qaatay dhiggiisa dalka Qatar

Shirka Golaha Wasiirrada oo maanta looga hadlay xaaladda abaaraha ka jira dalka

Shirka Golaha Wasiirrada oo maanta looga hadlay xaaladda abaaraha ka jira dalka

February 19, 2026
0

Muqdisho, Khamiis, 19 Febraayo 2026: — Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankoodii joogtada ahaa, kaas oo...

Madaxweynaha JFS oo Madaxtooyada Qaranka kusoo dhaweeyay Golaha Mustaqbalka

Madaxweynaha JFS oo Madaxtooyada Qaranka kusoo dhaweeyay Golaha Mustaqbalka

February 19, 2026
0

Muqdisho, Feberaayo 19, 2026; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta Xarunta Madaxtooyada ku soo dhoweeyay Masuuliyiinta...

Sheekh Cali Wajiis oo ka hadlay Siyaasadda Madaxda Qaranka ay ku wajaheen dagaalka Khawaarijta

Sheekh Cali Wajiis oo ka hadlay Siyaasadda Madaxda Qaranka ay ku wajaheen dagaalka Khawaarijta

February 19, 2026
0

Sheekh Cali Wajiis ayaa sheegay in siyaasadda iyo diblomaasiyadda ay hoggaaminayaan madaxda qaranka ay horseed u noqotay in Soomaaliya hesho...

Dr. Khadar Xaaji Daahir oo ka warbixiyay Heshiis lala galay Shirkadaha qaadaya Xujayda Soomaaliyeed

Dr. Khadar Xaaji Daahir oo ka warbixiyay Heshiis lala galay Shirkadaha qaadaya Xujayda Soomaaliyeed

February 19, 2026
0

Madaxa xafiiska arrimaha Xajka ee Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka XFS, Dr. Khadar Xaaji Daahir, ayaa ka warbixiyay heshiis cusub...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In