Guddoomiyaha Baarlamaanka dowlad goboleedka Hirshabeelle mudane Cismaan Barre Maxamed ayaa isbitaalka Degmada Jowhar ku booqday dadkii shalay ku waxyeeloobay qarax miino oo dhulka loogu aasay goob lagu shaaho oo ka agdhaw boosteejada gaadiidka aada Muqdisho
Daka waxyeelada soo gaartay waxaa ka mid ah Xilibaan Sakiriye Muumin Hilowle oo lagalu tacaalayo isbitaalka Inter-SOS ee magaalada Jowhar
Guddoomiyaha oo mid mid u booqday bukaannada ayaa Eebbe ugu baryay inuu caafmaad siiyo, waxaana laamaha amniga uu ka codasaday inay xoojiyaan baaritaannada lagu goobayo Nabad diidka ka dambeeyay qaraxii shalay lagu dhibaateeyay dad rayid ah oo goob ku shaaheynayay.