Sunday, October 18, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle oo sheegay inay guddi u direen goobihii ay baneeyeen ciidanka Ethiopia

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
10 years ago
in Wararka
0
Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle oo sheegay inay guddi u direen goobihii ay baneeyeen ciidanka Ethiopia
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddoonka Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Hirshabeele ayaa sheegay in ay meel wanaagsan oo gabogabo ah ay marayso dhameeystirka xubnaha Guddiyada Baarlamaanka iyo Golaha Wasiirada ee Maamulkaasi

Guddoomiyaha Baarlamaanka Dowlad Gobolleedka Hirshabeele Mudane Sheekh Cusmaan Barre Maxamed oo u waramayay Radio Muqdisho ayaa sheegay in ay socdaan wada tashiyo ku aadan dhameeystirka howlaha Guddiyada Baarlamaanka iyo Golaha Wasiirada Dowlad Gobolleedka si looga qeyb geliyo dhamaan bulshada deegaanada maamulkaasi ka soo jeedda.

Related posts

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026

“Wadatashiyo ayaa socda oo ku aadan sidii loo soo dhameeystiri lahaa xubnaha guddiyada Baarlamaanka iyo Wasiirada dowlad Gobolleedka Hirshabeelle, waxaana dhowaan loo tartami doonaa xubnaha u sharaxan aqalka sare ee dalka” Ayuu yiri Guddoomiyaha Baarlamaanka Dowlad Gobolleedka Hirshabeelle

Mudane Sheekh Cismaan Barre ayaa tilmaamay in guddi qiimeyn ay u direen deegaannadii dhawaana ay ka baxeen ciidamada AMISOM, gaar ahaan kuwa dowladda Ethiopia.

“Wadatashi kadib Maamulka Hirshabeelle waxa uu u diray Guddi ay kamid yihiin saraakiil amni oo soo qiimeeya xaaladda deegaannada ay ka baxeen ciidamada, waxaan soo dhoweeynayaa hadalka wasiirka Gaashaandhigga Diini” Ayuu yiri Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle Mudane Cusmaan Bare Maxamed.

Hadalka Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle ayaa kusoo beegmay Xilli ay dowladda Soomaaliya qorshaynayso in ay ka jawaabto difaaca iyo dib u xoreeynta deegaannadii ay dhowaan ka baxeen Ciidamada Ethiopia ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM ee Koonfurta Soomaaliya kuwaasi oo u badan deegaanno kuyaala Hiiraan halkaasi oo maleeshiyada arxanka daran ay ku dhibaateeynayaan Shacabka Soomaaliyeed.

Previous Post

Dhageyso Barnaamijka Faaqidaada ee Radio Muqdisho

Next Post

Waxqabadka Dawladda ee isbuucii la soo dhaafay “SAWIRRO”

Next Post
Waxqabadka Dawladda ee isbuucii la soo dhaafay “SAWIRRO”

Waxqabadka Dawladda ee isbuucii la soo dhaafay "SAWIRRO"

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xildhibaan Xuseen Maxamed Nuur (Dhegaweyne) ayaa loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug, kaddib markii uu helay 79 cod. Sidoo...

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Kusimaha Agaasimaha Guud Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen ayaa xarigga ka...

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa u soo baxay finalka CECAFA U17 - AFCON Qualifiers...

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In