Sunday, October 18, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddoomiyaha Baarlamaanka Jubbaland oo ka hadlay qorshe howleedka Baarlamaanka

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
11 years ago
in Wararka
0
Guddoomiyaha Baarlamaanka Jubbaland oo ka hadlay qorshe howleedka Baarlamaanka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Barlamaanka Maamulka Jubbaland oo dhawaan la caleemo saaray ayaa faahfaahin ka bixiyey qorshe howleedka horyaalla barlamaankaasi.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Jubaland Sheekh Cabdi Maxamed Cabdiraxmaan oo la hadlay Radio Muqdisho ayaa sheegay inay wadaan dhismaha gudiyada uu baarlamaanka yeelanayo, waxaana uu intaa ku daray inay guda gali doonaan sidii loo xoojin lahaa arrimaha dib-u-heshiisiinta.

Related posts

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026

“Baarlamaanka waa curdan, dhawaan ayaa la dhisay, waxaana lagu soo xulay qaab deegaan, marka qorsaha waxaa noogu jirta in aan dar dargelino howlaha baarlamaanka uu qaban doono xilliga ugu soo horeeya, marka aan dhameystirno gudiyada uu yeelanayo baarlamaanka” ayuu yiri Sheekh Cabdi Maxamed.

Sheekh Cabdi Maxamed Cabdiraxmaan ayaa xusay inay jirto cabasho ku aadan qaabka lagu soo xulay baarlamaanka, waxaana uu intaa ku daray in ay gacan ka geysan doonaan sidii ay u xalin lahaayeen dadka cabashada qaba.

“Way jirtaa cabasho ku aadan qaabka baarlamaanka lagu soo xalay ee ah dhanka deegaanka, marka dadaal ayaan wadnaa oo aan ku xalineyno arrintaas, runtii waxaa jirta deegaanno gacan aan ugu jirin maamulka oo ay ku suganyihiin Al-Shabaab, kuwaaasi wakiilo ayaa baarlamaanka u joogay, balse markasta waxaan ka shaqeyneynaa dib u heshiisiinta” ayuu hadalkiisa ku soo gabo gabeeyay Guddoomiyaha Baarlamaanka Jubbaland.

Previous Post

Arday Soomaaliyeed oo wacadaro ka dhigtay bandhig dhaqameed lagu qabtay Turkiga “SAWIRRO”

Next Post

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso Warka Habeennimo Ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xildhibaan Xuseen Maxamed Nuur (Dhegaweyne) ayaa loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug, kaddib markii uu helay 79 cod. Sidoo...

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Kusimaha Agaasimaha Guud Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen ayaa xarigga ka...

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa u soo baxay finalka CECAFA U17 - AFCON Qualifiers...

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In