Saturday, January 31, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddoomiyaha Baarlamaanka oo shaaciyey in berri uu furmi doono kalfadhiga 7aad ee Baarlamaanka

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
10 years ago
in Wararka
0
Guddoomiyaha Baarlamaanka Oo Soo Saaray Go’aan Ku Saabsan Maareynta Wadahadal gelinta Mooshinka Madaxweynaha
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan “Jawaari” ayaa shaaciyey in maalinnimada berrito  uu si rasmi ah u furmi doono Kalfadhiga 7aad ee Golaha Shacabka.

“Hor iyo horaan waxaan doonayaa inaan ku wargeliyo Xildhibaannada Golaha Shacabka in maalinnimada berrito oo Axad ah taariikhduna ku beegan tahay 25ka bisha October 2015, saacadda 9:00AM uu si rasmi ah u furmi doono Kalfadhiga 7aad ee Golaha, sidaa daraadeed waxaa laga codsanayaa dhammaan Xildhibaannada in ay usoo diyaar garoobaan munaasabadda furitaanka Kalfadhiga iyo waajibaadka dastuuriga ah ee uga abaaran xil gudashada Kalfadhigan” –ayuu yiri Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan “Jawaari” Guddoomiyaha Baarlamaanka.

Related posts

Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray magaalada Jigjiga

Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray magaalada Jigjiga

January 31, 2026
Dowladda Soomaaliya oo kaalin weyn ka ciyaartay doorka hoggaaminta fadhiga Golaha Ammaanka ee QM

Dowladda Soomaaliya oo kaalin weyn ka ciyaartay doorka hoggaaminta fadhiga Golaha Ammaanka ee QM

January 31, 2026

“Waxaa xusid mudan in Kalfadhigan 7aad ay Golaha hor yaalaan howlo culus oo dhammantood dalkan muhiim u ah, hada inta badan Mudaneyaasha Baarlamaanka waa ay wada yimaadeen, waxaanse ka codsanayaa Xildhibaannada haray ee weli maqan iney si deg deg ah dalka ugu soo xaroodaan si aan u amba qaadno dhameystirka howlaha nalaga doonayo inaan qabanno oo ah kuwo aan xil gudashadooda u dhaaranay” –ayuu hadalkiisa kusoo gebagebeeyey Afhayeenka Baarlamaanka.

Sida ku cad qodobka 90-aad ee Dastuurka Dalka, xarafkiisa (G) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa furaya Kalfadhiyada Golaha Shacabka, waxaana Kalfadhigan 7aad Baarlamaanka laga doonayaa iney qabtaan howlo badan oo uga haray lixdii Kalfadhi ee hore, hadii uu Alle idmana Warbaahinta Qaranka Soomaaliyeed ee Radio Muqdisho iyo Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed (SNTV) waxey dadweynaha Soomaaliyeed ay si toos ah ugu soo gudbin doonaan kulammada Golaha

Previous Post

Shaqaalle la baray isbadalka cimilada oo dalka dib ugu soo laabtay “SAWIRRO”

Next Post

Dhageyso Warka Duhur ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso Warka Habeennimo Ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Duhur ee Radio Muqdisho

Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray magaalada Jigjiga

Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray magaalada Jigjiga

January 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO(Jigjiga):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa goordhaw magaalada Jigjiga ka dagay, halkaas oo si diirran uu...

Dowladda Soomaaliya oo kaalin weyn ka ciyaartay doorka hoggaaminta fadhiga Golaha Ammaanka ee QM

Dowladda Soomaaliya oo kaalin weyn ka ciyaartay doorka hoggaaminta fadhiga Golaha Ammaanka ee QM

January 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Xamse Aadan, ayaa sheegay tilmaamay in Soomaaliya ay fadhiga Golaha Ammaanka ee...

Xafiiska Hantidhowrka Guud oo barnaamijka tababarka Maaliyadda kusoo gabagabeeyay Ankara

Xafiiska Hantidhowrka Guud oo barnaamijka tababarka Maaliyadda kusoo gabagabeeyay Ankara

January 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xafiisyada Hantidhowrka Guud ee JFS iyo Jamhuuriyadda Turkiga ayaa magaalada Ankara si rasmi ah ugu soo gebagabeeyay barnaamijka Tababarka...

Soomaaliya iyo Hindiya oo sii xoojinaya xiriirka Laba-Geesoodka ah ee labada dal

Soomaaliya iyo Hindiya oo sii xoojinaya xiriirka Laba-Geesoodka ah ee labada dal

January 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO(New Delhi):-Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa maanta Magaalada...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In