Friday, September 25, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddoomiyaha Baarlamaanka oo xariga ka jaray Istuudiye casri ah oo laga hirgeliyay Telefishinka Qaranka “‘Sawirro”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
11 years ago
in Wararka
0
Guddoomiyaha Baarlamaanka oo xariga ka jaray Istuudiye casri ah oo laga hirgeliyay Telefishinka Qaranka “‘Sawirro”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa maanta si rasmi ah u furay istuudiye casri ah oo ay qalabeysay dowladda Finland, kaasi oo loogu talagalay in si toos ah looga baahiyo barnaamiyada xaasaasiga ah ee dowladda iyo kuwa kale ee arrimaha bulshada ah.

Munaasabad kooban oo lagu qabtay xarunta Wasaaradda Warfaafinta ayaa waxaa ka qeyb galay Madaxda Wasaaradda, howlwadeenno iyo marti sharaf kale, waxaana u jeedka xafladda ay ahayd furista istuudiye laga baahin doono tebin toos ah.

Related posts

SoDMA & WFP oo kala saxiixday heshiis lagu xoojinayo u diyaar garowga Musiibooyinka

SoDMA & WFP oo kala saxiixday heshiis lagu xoojinayo u diyaar garowga Musiibooyinka

September 24, 2026
𝑯𝒐𝒈𝒈𝒂𝒂𝒏𝒌𝒂 𝑿𝒊𝒔𝒃𝒊𝒈𝒂 𝑸𝒊𝒊𝒎𝒐 𝑸𝒂𝒓𝒂𝒏 𝒐𝒐 𝒌𝒖 𝒅𝒉𝒂𝒘𝒂𝒂𝒒𝒂𝒚 𝑻𝒂𝒂𝒈𝒆𝒆𝒓𝒂𝒅𝒂 𝑴𝒖𝒔𝒉𝒂𝒓𝒓𝒂𝒙 𝑳𝒊𝒊𝒃𝒂𝒂𝒏 𝑨𝒙𝒎𝒆𝒅 𝑿𝒂𝒔𝒂𝒏 𝒊𝒚𝒐 𝑱𝑺𝑷

𝑯𝒐𝒈𝒈𝒂𝒂𝒏𝒌𝒂 𝑿𝒊𝒔𝒃𝒊𝒈𝒂 𝑸𝒊𝒊𝒎𝒐 𝑸𝒂𝒓𝒂𝒏 𝒐𝒐 𝒌𝒖 𝒅𝒉𝒂𝒘𝒂𝒂𝒒𝒂𝒚 𝑻𝒂𝒂𝒈𝒆𝒆𝒓𝒂𝒅𝒂 𝑴𝒖𝒔𝒉𝒂𝒓𝒓𝒂𝒙 𝑳𝒊𝒊𝒃𝒂𝒂𝒏 𝑨𝒙𝒎𝒆𝒅 𝑿𝒂𝒔𝒂𝒏 𝒊𝒚𝒐 𝑱𝑺𝑷

September 24, 2026

Agaasimaha Telefishinka Qaranka Cabdiraxmaan Yuusuf Sheekh Al-cadaala oo ugu horeyn xafladda hadal kooban ka jeediyay ayaa dowladda Finland uga mahadceliyay sida ay u suurta gelisay tababarsiinta shaqaalaha iyo qalabeynta istuudiyaha, isagoo si gaar ah ugu mahadceliyay dadkii lahaa fikirka ah in lagu guuleysto hirgelinta istuudiye cusub oo loogu adeego bulshada.

“Waxaan rabaa in aan hortiina u mahadceliyo Cabdullaahi Cabdi Faarax Sujuud oo ah runtii shaqsigii suurta geliyay in howshan ay mira dhasho oo la hirgeliyo Istuudiye casri ah oo ka dhaadhiciyay dowladda Finland in howshan ay tahay mid la qaban karo” ayuu yiri Agaasime Cadaala.

Wasiirka Warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa wakiilada ka socda dowladda Finland uga mahadceliyay hirgelinta istuudiye casriga ah, isagoo xusay in bilooyinkii ugu dambeeyay Warbaahinta Qaranka ay sameysay horumar muuqda.

“Waxaa jirta barnaamijyo toos ah oo aan tebino, waxaa socda horumar kale waxaan dhawaan la furayaa Wakaaladda SONNA, runti barnaamijyo dhaxal gal ah ayaa iminka ka baxa Warbaahinta  Dowladda, Istuudiyahan wax weyn ayuu ku soo kordhin doono dalka, waxaan si gaar ah u mahadcelinayaa, wakiilada ka socda dowladda Finland iyo hay’adda Viks oo ah hay’adda fulisay howshan”ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta oo hadalkiisa ku daray in uu u mahadcelinayo dhamaantii mas’uuliyiintii isaga ka horeeyay ee soo bilaabay howshan

Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari oo xariga ka jaray istuudiyaha cusub ayaa uga mahadceliyay intii suurta gelisay hirgelinta istuudiyaha cusub, waxaana isaga oo ku hadlaya magaca golaha shacabka Soomaaliyeed uu xusay inay tahay talaabo horumar leh.

“Sharaf weyn ayay ii tahay in aan idinkala soo qeyb galo xafladda, runtii Baarlamaanka aad iyo aad ayuu uguu baahnaa tebinta tooska ah, muwaadinka waxa uu xaq u leeyihay in marka Baarlamaanka uu doodayo oo ka hadlayo sharciyada, dastuurka ayaa qaba in uu ka so qeyb galo xarunta golaha, balse daruufta ayaa diidaysa, arrintan waxa ay fursad u siineysaa in muwaadinka uu si toos ah ula socdo barnaamiyada ka dhacaya xarunta Baarlamaanka” ayuu yiri Guddoomiyaha Baarlamaanka.

Gabogabadii waxaa shahaadooyin la guddoonsiiyay Wakiiladii ka socday dowladda Finland iyo howlwadeenada Telefishinka Qaranka ee tababarka loo soo gabo gabeeyay.

vlcsnap-2015-11-22-08h05m47s860 vlcsnap-2015-11-22-08h06m23s538 vlcsnap-2015-11-22-08h06m49s671 vlcsnap-2015-11-22-08h07m31s948 vlcsnap-2015-11-22-08h07m54s572 vlcsnap-2015-11-22-08h09m01s516 vlcsnap-2015-11-22-08h10m04s823 vlcsnap-2015-11-22-08h10m31s409 vlcsnap-2015-11-22-08h12m16s868 vlcsnap-2015-11-22-08h13m07s430 vlcsnap-2015-11-22-08h13m46s207 vlcsnap-2015-11-22-08h14m19s236 vlcsnap-2015-11-22-08h15m23s735 vlcsnap-2015-11-22-08h15m44s549 vlcsnap-2015-11-22-08h16m22s533

 

Previous Post

Madaxweynaha: ‘’Soomaaliya waxay waysey mid ka mid ah tiirarkii aasaaska u ahaa diblomaasiyadda’’

Next Post

Dhageyso warka Duhur ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso Warka Habeennimo Ee Radio Muqdisho

Dhageyso warka Duhur ee Radio Muqdisho

SoDMA & WFP oo kala saxiixday heshiis lagu xoojinayo u diyaar garowga Musiibooyinka

SoDMA & WFP oo kala saxiixday heshiis lagu xoojinayo u diyaar garowga Musiibooyinka

September 24, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, iyo Madaxa Hay’adda Cunnada Adduunka ee Qaramada Midoobay (WFP) Soomaaliya,...

𝑯𝒐𝒈𝒈𝒂𝒂𝒏𝒌𝒂 𝑿𝒊𝒔𝒃𝒊𝒈𝒂 𝑸𝒊𝒊𝒎𝒐 𝑸𝒂𝒓𝒂𝒏 𝒐𝒐 𝒌𝒖 𝒅𝒉𝒂𝒘𝒂𝒂𝒒𝒂𝒚 𝑻𝒂𝒂𝒈𝒆𝒆𝒓𝒂𝒅𝒂 𝑴𝒖𝒔𝒉𝒂𝒓𝒓𝒂𝒙 𝑳𝒊𝒊𝒃𝒂𝒂𝒏 𝑨𝒙𝒎𝒆𝒅 𝑿𝒂𝒔𝒂𝒏 𝒊𝒚𝒐 𝑱𝑺𝑷

𝑯𝒐𝒈𝒈𝒂𝒂𝒏𝒌𝒂 𝑿𝒊𝒔𝒃𝒊𝒈𝒂 𝑸𝒊𝒊𝒎𝒐 𝑸𝒂𝒓𝒂𝒏 𝒐𝒐 𝒌𝒖 𝒅𝒉𝒂𝒘𝒂𝒂𝒒𝒂𝒚 𝑻𝒂𝒂𝒈𝒆𝒆𝒓𝒂𝒅𝒂 𝑴𝒖𝒔𝒉𝒂𝒓𝒓𝒂𝒙 𝑳𝒊𝒊𝒃𝒂𝒂𝒏 𝑨𝒙𝒎𝒆𝒅 𝑿𝒂𝒔𝒂𝒏 𝒊𝒚𝒐 𝑱𝑺𝑷

September 24, 2026
0

Hoggaanka sare ee Xisbiga Qiimo Qaran ayaa si rasmi ah u shaaciyey go’aankiisa ku aaddan doorashada ku-celiska ah ee Galmudug,...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN DOCEED LA QAATAY DHAXAL-SUGAHA KUWAIT

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN DOCEED LA QAATAY DHAXAL-SUGAHA KUWAIT

September 23, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa kulan doceed barbar socday meertada 81-aad ee shir madaxeedka Golaha Guud...

Madaxweynaha JFS oo kulan miro-dhal ah la qaatay Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka

Madaxweynaha JFS oo kulan miro-dhal ah la qaatay Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka

September 23, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa magaalada New York, kulan doceed miro-dhal ah kula yeeshay Kaaliyaha Xoghayaha...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In