Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland”Waxaan Cambaaraynayaa Falkii Argagaxisada ee qaraxii Arxan darada Ahaa ee Soobe”.
Abwaan Abdirashiid Yusuf Jibriil Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland Oo ka hadlayay Xaflad lagu Maamusayay Sanad Guuradii 25aad ee ka soo Wareegtay Aas-aasii Bangiga Amal, ayaa Cambaareeyay qaraxii waxashnimada Ahaa ee kooxaha khawaarijta ahi ku Qaadeen isgoyska Soobe 29 bishaani Ayna ku dhinteen dad Soomaaliyeed oo Aan waxba galabsan.
Guddoomiye Cabdirashiid ayaa tacsi u Diray dadkii ku dhintay qaraxaasi, Isagoona u rajeeyay dhawacyada in rabi u Boogo Dhayo uuna Caafimaad ugu badalo Bukaanada dhiban.
Madaxda iyo Bulshada Soomaaliyeed ee Gudaha dalka iyo Daafaha Dunida ayaa isku si u Cambaareeyay Qaraxii Arxan darada ahaa ee kooxaha khawaarinta ahi ku dhibaateeyeen Bulshada Soomaaliyeed.