Sunday, October 25, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddoomiyaha Baarlamaanka qaabilay Safiirada Sacuudiga iyo Midowga Yurub ee Soomaaliya “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
10 years ago
in Wararka
0
Guddoomiyaha Baarlamaanka qaabilay Safiirada Sacuudiga iyo Midowga Yurub ee Soomaaliya “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddoomiyaha golaha shacabka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari  ayaa ugu horayn xafiiskiisa ku qaabilay safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya Veronique  Lorenzo, kaasi oo ay ka wada hadleen adkaynta xariirka   iyo iskaashiga ka dhaxeeya  Soomaaliya iyo Midowga yurub,  dhamaystirka xubnaha Barlamaanka iyo sidii kaalin muuqata ay kaga qadan lahaa Midowga Yurub gurmadka abaaraha ee lagu samata bixinayo dadka Soomaaliyeed.

Veronique  Lorenzo  danjira Midowga Yurub  ayaa guddoomiyaha  golaha shacabka ugu hambalyeeysay hanankii wanagsanaa ee ay u dhacday doorashada Guddoonka Barlamaanka, iyadoo xustay in  kalsooni wayn ay ku qabto in si wanaagsan barlamanaku uu u maarayn doono doorashadda Madaxweynaha dalka , inta ka horaysana la soo dhamaystiro xubnaha ka harsan Baarlamaanka.

Related posts

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐗𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐋𝐚𝐛𝐚𝐚𝐝 𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐥𝐤𝐚 𝐮 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐰𝐚𝐫𝐞𝐞𝐣𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐨

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐗𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐋𝐚𝐛𝐚𝐚𝐝 𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐥𝐤𝐚 𝐮 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐰𝐚𝐫𝐞𝐞𝐣𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐨

October 25, 2026
Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Wasaaradda Caafimaadka XFS oo shaacisay natiijada baaritaanada EBOLA

October 25, 2026

Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari Guddoomiyaha golaha shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa tilmaamay in dalka Soomaaliya ay ka  jirto abaaro saameeyey dad badan oo  reer miyi ah   marka laga yimaado ariimaha doorashooyinka Midowga  Yurubna looga bahan yahay in  gacan ku siyaan dowladda Soomaaliya siduu  Gurmad lagu samata bixinayo dadkaasi loogu samayn lahaa .

Guddoomiyaha golaha shacabka ayaa dhinaca kale  kulan  is barasho iyo salaam ah  la yeeshay safiirka Cusub ee Dalka  boqortooyada Sacuudi Carabiya   Dr Maxamed Al Khayat, waxa ayna   ka wada hadleen sidii loo xoojin lahaa xariirka  iyo iskaashiga walaalnimada ku dhisan ee ka dhaxeeya  Barlamaanada   labada dal iyo  sidii ay gacan  walaltinimo kaga gaysan lahaayeen dowladda Sacuudiga  abaaraha ka jira dalka Soomaaliya

Safiirka Cusub ee Dalka  boqortooyadda Sacuudi Carabiya Dr Maxamed Al Khayat ayaa   ugu horayn guddoomiyaha golaha shacabka Salaan uu kaga waday  boqorka Sacuugiga guddoonsiiyay,waxa uuna balan qaaday in uu ka shaqayn doono  sidii loo dhisi lahaa guddiiyo isku dhaf oo ka dhaxeeya Barlamaanada Sacuudiga iyo Soomaaliya,  dowladdiisuna ay gacan ka gaysan doono arrintaasi.

7 6 5 4 3 2 1 vlcsnap-2017-01-18-14h36m11s214 vlcsnap-2017-01-18-14h36m11s214

Previous Post

Xildhibaan Qoone oo ku baaqay in gurmad deg deg ah lala gaaro dadka ay abaartu saameysay

Next Post

Madaxweynaha J.F. Soomaaliya oo warqadaha aqoonsiga ka guddoomay safiirka Sacuudiga “SAWIRRO”

Next Post
Madaxweynaha J.F. Soomaaliya oo warqadaha aqoonsiga ka guddoomay safiirka Sacuudiga “SAWIRRO”

Madaxweynaha J.F. Soomaaliya oo warqadaha aqoonsiga ka guddoomay safiirka Sacuudiga "SAWIRRO"

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐗𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐋𝐚𝐛𝐚𝐚𝐝 𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐥𝐤𝐚 𝐮 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐰𝐚𝐫𝐞𝐞𝐣𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐨

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐗𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐋𝐚𝐛𝐚𝐚𝐝 𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐥𝐤𝐚 𝐮 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐰𝐚𝐫𝐞𝐞𝐣𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐨

October 25, 2026
0

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi, ayaa Ka qeybgalay munaasabadda xil-wareejinta Wasaaradda...

Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Wasaaradda Caafimaadka XFS oo shaacisay natiijada baaritaanada EBOLA

October 25, 2026
0

Wasaaradda Caafimaadka XFS ayaa shaacisay natiijada baaritaanada Ebola iyo dhammeystirka habraacyada karantiilka Muwaadinkii Soomaaliyeed ee la xaqiijiyo in uu xiriir...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo shir muhiim ah kaga qayb galaya dalka Azerbaijan

Wasiirka Warfaafinta XFS oo shir muhiim ah kaga qayb galaya dalka Azerbaijan

October 25, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa maanta u amba baxay magaalada...

Hay’adda NISA oo gacanta ku dhigtay eedeysane bom gacmeed ku tuuray bar koontarool

Hay’adda NISA oo gacanta ku dhigtay eedeysane bom gacmeed ku tuuray bar koontarool

October 24, 2026
0

Ciidamada Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya ciidamada kale ee amniga, ayaa gacanta ku dhigay Cabdisalaan Yacquub Nuur...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In