Tuesday, March 31, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddoomiyaha Degmada Xudur Oo Kormeerey Dhismaha Warta Lagu Keediyo Biyaha

Fardowso Xasan by Fardowso Xasan
4 years ago
in Wararka
0
Guddoomiyaha Degmada Xudur Oo Kormeerey Dhismaha Warta Lagu Keediyo Biyaha
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddoomiyaha Degmada Xudur ee xaruunta Gobolka Bakool Cumar Cabdulaahi Maxamuud “ATUU” ,ayaa maanta kormeer iyo indha-indheyn ku tagey mashruuca dib u ballaarin lagugu sameynaayo Warta ugu weyn magaalada Xudur ee lagu keediyo Biyaha ay isticmaalaan Bulshada, taasi oo bac lagu dhigaayo dhulkeeda si biyaha loogu keediyo iyo in Isha biyaha keena la ballaariyo.

Guddoomiyaha Degmada Xudur Cumar Cabdulaahi Maxamuud oo ka duulaayo balan-qaadkiisa ahaa in Shacabka Xudur ay heli doonaan biyo ku filan, ayaa kormeerey dib u ballaarinta lagu sameeynaayo Warta biyaha, waxaana halkaasi kusoo dhoweeyay shaqaalaha ku shaqeynaayo goobta oo ay ku amaaneen booqashadiisa iyo sida ay ugu go’antahey ka dhabeynta balan qaadkiisa, waxeyna sharaxaad ka siiyeen qaabka ay shaqadq u wadaan.

Related posts

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo ka qayb galay xafladda  abaalmarinta barnaamijka “Daaci 2026″

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo ka qayb galay xafladda abaalmarinta barnaamijka “Daaci 2026″

March 31, 2026
Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Gobolka Shabeellada Hoose oo maamul KMG ah loo magacaabay

March 30, 2026

Guddoomiye Cumar Cabdulaahi Maxamuud, ayaa u mahadceliyay NGo-ga ku shaqeynaayo ee DARDO, oo garab ka helaya GIZ, wuxuuna sidoo kale ku amaaney siday marwaliba u garab taaganyihiin Bulshada magaalada Xudur ee dhibaatooyinka kala duwan heysta.

“Waxaan idinkaga mahadcelinayaa shaqada wanaagsan ee ballaarinta Warta ah aad sameyneysaan, si magaalaadaan Xudur ee dhibaatooyinka biyo la’aanta heysata looga bixi lahaa islamarkaana loo sameyn lahaa qorshe cad oo lagu keedinaayo biyaha, markalena reer Xudur aysan ka caban biyo la’aan ayaa naga go’an waana shaqadeenaa koowaad ee xoogeena isugu geyn doono”

Dhanka kale Guddoomiye Cumar Cabdulaahi Maxamuud ayaa sheegey inay jiraan qorsheyaal kale oo muhiim u ah nolosha dadka magaalada Xudur ay xoogga saari doonaan gaar ahaan Biyaha iyo Korontada sidii wax looga qaban lahaa muddo kooban, Waxaana kormeerka shaqo ee Gudoomiyaha ku wehlinaayey Gudoomiye kuxigeenka labaad ee maamulka Degmada Xudur Raxmo Nuur Dheere.

Previous Post

Duqa Caasimadda Muqdisho Oo Kulan Gaar Ah La Qaatay Wasiirka Dhallinyarada Iyo Ciyaaraha XFS

Next Post

Hawl-wadeenno ka tirsan Wasaaradda Qorshaynta Oo Tababar Ugu Furmay Magaalada Kampala “SAWIRRO”

Next Post
Hawl-wadeenno ka tirsan Wasaaradda Qorshaynta Oo Tababar Ugu Furmay Magaalada Kampala “SAWIRRO”

Hawl-wadeenno ka tirsan Wasaaradda Qorshaynta Oo Tababar Ugu Furmay Magaalada Kampala “SAWIRRO”

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo ka qayb galay xafladda  abaalmarinta barnaamijka “Daaci 2026″

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo ka qayb galay xafladda abaalmarinta barnaamijka “Daaci 2026″

March 31, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa ka qayb galay munaasabadda maamuuska iyo abaalmarinta barnaamijka “Daaci...

Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Gobolka Shabeellada Hoose oo maamul KMG ah loo magacaabay

March 30, 2026
0

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS oo si KMG ah maamul cusub ugu magcaawday Gobolka Shabeellada Hoose.

Wasiirka Horumarinta Xuquuqul Insaanka XFS oo qaabishay Madaxa Xafiiska OHCHR ee Bariga Afrika

Wasiirka Horumarinta Xuquuqul Insaanka XFS oo qaabishay Madaxa Xafiiska OHCHR ee Bariga Afrika

March 30, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka XFS Amb Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi ayaa magaalada Muqdisho ku qaabishay ku xigeenka xafiis...

Madaxweynaha JFS oo qaabilay Danjireyaasha iyo wakiillada hay’adaha caalamiga ah ee ka hawlgala dalkeenna

Madaxweynaha JFS oo qaabilay Danjireyaasha iyo wakiillada hay’adaha caalamiga ah ee ka hawlgala dalkeenna

March 30, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta Aqalka Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay danjireyaasha iyo wakiillada hay'adaha caalamiga...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In