Tuesday, October 27, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddoomiyaha G/banaadir “Amniga magaalada way soo hagaageysaa, waxyaabaha yarka ahna xal ayaan u heli doonaa”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
11 years ago
in Wararka
0
Gudoomayahiii Gobolka Banaadir oo xilka laga qaaday, iyo Gudoomiye cusub oo la magacaabay
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Maamulka gobolka Banaadir ayaa sheegay in uu bilaabay qorshe wax looga qabanayo ammaanka isaga oo kaashanaya Hay’adaha nabedgalyada iyo dadka Shacabka ah

Gudoomiyaha gobolka Mudane Yuusf Xuseen Jimcaale oo la hadlayay laanta afka Soomaaliga ee VOA ayaa sheegay in uu soo hagaagayo ammaanka magaalada, waxaana uu xusay inay jiraan nidaam wax looga qabanay xagga amniga.

Related posts

𝐊𝐮-𝐒𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐓𝐨𝐝𝐝𝐨𝐛𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐊𝐚𝐥𝐥𝐮𝐮𝐦𝐞𝐲𝐬𝐢𝐠𝐚

𝐊𝐮-𝐒𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐓𝐨𝐝𝐝𝐨𝐛𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐊𝐚𝐥𝐥𝐮𝐮𝐦𝐞𝐲𝐬𝐢𝐠𝐚

October 26, 2026
Xukunka Askari Turufo & Dhac Hubeysan geeystay.

Xukunka Askari Turufo & Dhac Hubeysan geeystay.

October 26, 2026

Gudoomiyaha ayaa sheegay in markii hore uu jiray xeendaab u dhaxeeyay Maamulka iyo laamaha ammaanka balse waxa uu sheegay in hadda ay bilaabeen qorshe lagu xoojinayo wada shaqeynta ay la leeyihiin Hay’adaha Nabadgalyada, si looga hortago falalka ay maleegayaan dhagar qabayaasha Al-Shabaab.

Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa ugu baaqay shacabka inay la shaqeeyaan laamaha amniga, isla markaana la joogteyn doono kulamada loo qabanayo maamulka gobolka, laamaha amniga iyo shacabka gobolka ku nool.

“Caasimadda horumar dhanka amniga ah ayay ku talaabsatay, inkasta oo ay jiraan mararka qaar falal lidi ku ah amniga, horey xeendaab ayaa jiray oo u dhexeeyay laamaha amniga, maamulka iyo shacabka, runtii waxaan bilawnay qorshe cusub oo dhanka amniga ah, waxaana aaminsanahay in xal loo heli doono in laga gudbo waxyaabaha yar yar ee dhanka amniga”ayuu yiri Guddoomiyaha gobolka.

Dhanka kale Maamulka gobolka Banaadir ayaa wado, mashaarciic horumarineed oo gacan ka geysanaya dib u dhiska Dalka, gaar ahaan waddooyinka muhiimka ah isku socodka gaadiidka iyo bilicda magaalada.

 

 

Previous Post

Dhageyso Barnaamijka Faaqidaada ee Radio Muqdisho

Next Post

Waxqabadka Dawladda ee isbuucii la soo dhaafay “SAWIRRO”

Next Post
Waxqabadka Dawladda ee isbuucii la soo dhaafay “SAWIRRO”

Waxqabadka Dawladda ee isbuucii la soo dhaafay "SAWIRRO"

𝐊𝐮-𝐒𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐓𝐨𝐝𝐝𝐨𝐛𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐊𝐚𝐥𝐥𝐮𝐮𝐦𝐞𝐲𝐬𝐢𝐠𝐚

𝐊𝐮-𝐒𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐓𝐨𝐝𝐝𝐨𝐛𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐊𝐚𝐥𝐥𝐮𝐮𝐦𝐞𝐲𝐬𝐢𝐠𝐚

October 26, 2026
0

Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta si rasmi ah u...

Xukunka Askari Turufo & Dhac Hubeysan geeystay.

Xukunka Askari Turufo & Dhac Hubeysan geeystay.

October 26, 2026
0

Dable Xoogga Abuukar Maxamuud Yuusuf ayaa Lagu Eedeyay inuu geeystay Dhac hubeysan iyo Turufo, Kadib markii uu ku dayey saaxiibkiis...

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo Booqday Safaaradda Soomaaliya ee  Azerbaijan

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo Booqday Safaaradda Soomaaliya ee Azerbaijan

October 26, 2026
0

Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa booqasho ku tagay xarunta Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya...

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐗𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐋𝐚𝐛𝐚𝐚𝐝 𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐥𝐤𝐚 𝐮 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐰𝐚𝐫𝐞𝐞𝐣𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐨

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐗𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐋𝐚𝐛𝐚𝐚𝐝 𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐥𝐤𝐚 𝐮 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐰𝐚𝐫𝐞𝐞𝐣𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐨

October 25, 2026
0

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi, ayaa Ka qeybgalay munaasabadda xil-wareejinta Wasaaradda...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In