Sunday, October 18, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddoomiyaha G/banaadir “Amniga magaalada way soo hagaageysaa, waxyaabaha yarka ahna xal ayaan u heli doonaa”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
11 years ago
in Wararka
0
Gudoomayahiii Gobolka Banaadir oo xilka laga qaaday, iyo Gudoomiye cusub oo la magacaabay
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Maamulka gobolka Banaadir ayaa sheegay in uu bilaabay qorshe wax looga qabanayo ammaanka isaga oo kaashanaya Hay’adaha nabedgalyada iyo dadka Shacabka ah

Gudoomiyaha gobolka Mudane Yuusf Xuseen Jimcaale oo la hadlayay laanta afka Soomaaliga ee VOA ayaa sheegay in uu soo hagaagayo ammaanka magaalada, waxaana uu xusay inay jiraan nidaam wax looga qabanay xagga amniga.

Related posts

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026

Gudoomiyaha ayaa sheegay in markii hore uu jiray xeendaab u dhaxeeyay Maamulka iyo laamaha ammaanka balse waxa uu sheegay in hadda ay bilaabeen qorshe lagu xoojinayo wada shaqeynta ay la leeyihiin Hay’adaha Nabadgalyada, si looga hortago falalka ay maleegayaan dhagar qabayaasha Al-Shabaab.

Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa ugu baaqay shacabka inay la shaqeeyaan laamaha amniga, isla markaana la joogteyn doono kulamada loo qabanayo maamulka gobolka, laamaha amniga iyo shacabka gobolka ku nool.

“Caasimadda horumar dhanka amniga ah ayay ku talaabsatay, inkasta oo ay jiraan mararka qaar falal lidi ku ah amniga, horey xeendaab ayaa jiray oo u dhexeeyay laamaha amniga, maamulka iyo shacabka, runtii waxaan bilawnay qorshe cusub oo dhanka amniga ah, waxaana aaminsanahay in xal loo heli doono in laga gudbo waxyaabaha yar yar ee dhanka amniga”ayuu yiri Guddoomiyaha gobolka.

Dhanka kale Maamulka gobolka Banaadir ayaa wado, mashaarciic horumarineed oo gacan ka geysanaya dib u dhiska Dalka, gaar ahaan waddooyinka muhiimka ah isku socodka gaadiidka iyo bilicda magaalada.

 

 

Previous Post

Dhageyso Barnaamijka Faaqidaada ee Radio Muqdisho

Next Post

Waxqabadka Dawladda ee isbuucii la soo dhaafay “SAWIRRO”

Next Post
Waxqabadka Dawladda ee isbuucii la soo dhaafay “SAWIRRO”

Waxqabadka Dawladda ee isbuucii la soo dhaafay "SAWIRRO"

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Tababar socon doona muddo 21 maalmood ah ayaa magaalada Jinhua ee gobolka Zhejiang, Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha, uga furmay 27...

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeer shaqo ku tagay markabka Çağrı Bey, oo ku sugan...

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

October 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa caawa booqday bandhigga ganacsiga ee Som...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In