Sunday, October 11, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddoomiyaha Gobalka Banaadir oo booqasho ku tagey magaalada Belgrade dalka Serbia “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
3 years ago
in Wararka
0
Guddoomiyaha Gobalka Banaadir oo booqasho ku tagey magaalada Belgrade dalka Serbia “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuuuf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo safar shaqo ku jooga dalka Serbia ayaa maanta kulan wax ku ool ah la qaatay Duqa Magaaladda Belgrade ee Caasimadda Jamhuuriyadda Serbia Mudane Aleksandar Šapić.

Kulankan waxaa guddoomiyaha Gobolka Banaadir ku wehlinayay Danjiraha Jamhuuriyadda Faderaalka Soomaaliya u fadhiya Jamhuuriyadda Serbia Mudane Maxamed Cabdullaahi Axmed iyo diblomaasiyiinta ka howlgala Safaaradda.

Related posts

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

October 11, 2026
Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

October 11, 2026

Labada mas’uul ayaa ka wada hadlay dib u mataaneynta labadda Caasimadood ee Muqdisho iyo Belgrade,  In khubaro injineero ah loo diro Muqdisho, si ay daraasad rasmi ah ku sameeyaan habka biyo-mareenka ee Caasimadda Muqdisho iyo Qorshaynta habsami u socodka gaadiidka dadweynaha, gaadiidka gargaarka deg deg ah, gaadiidka Waxbarashada iyo maareynta saxmadda Magaaladda, sida wakhtiga ay socon karaan gaadiidka xamuulka wada iyo isticmaalka goobaha gaadiidka la dhigo.

Guddoomiye Madaale ayaa sheegay in Muqdisho iyo Belgrade ay beri lahaan jireen xiriir xoogan oo ku saabsan iskaashi Horumarinta labada Caasimadood oo u baahan in la sii xoojiyo.

Mudane. Aleksandar Šapić. Duqa Magaalada Belgrade ayaa sheegay in xiriirka labada Caasimadood uu ahaan jiray mid aad xoog badan. “Keydka xusuus dhowrka Belgrade waxaad ku arki kartaa sida ay u wada-shaqeyn jireen madaxda Muqdisho iyo Belgrade oo ay ka mid ahaayeen Mudane Axmed Maxamud Cadde, Mudane Yuusuf Ibraahim Cali, Mudane Cusmaan Maxamed Jeelle iyo Xasan Abshir Faasax “ayuu yiri Mudane Aleksandar Šapić.

Sidoo kale Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa kulan gaar ah la qaatay Agaasimaha Wasaaradda Arrimaha gudaha iyo Amniga Dowladda Serbia Col. Milos Andjic, oo uu uga mahad celiyay sida ay Serbia u dooneyso in ay gacan uga geysato Dowlad dhiska Soomaaliya.

Gudoomiye Madaale ayaa la kulmay shirkadaha gaarka loo leeyahay ee ku takhasusay dhismayaasha buundoonyinka, waddooyinka iyo uruurinta dakhliyada canshuurta.



Previous Post

Wasiir ku-xigeenka Caafimaadka XFS oo shir muhiim ah uga qeybgalay Addis Ababa

Next Post

Soomaaliya iyo Ethiopia oo iska kaashanaya horumarinta adeegyada Caafimaadka

Next Post
Soomaaliya iyo Ethiopia oo iska kaashanaya horumarinta adeegyada Caafimaadka

Soomaaliya iyo Ethiopia oo iska kaashanaya horumarinta adeegyada Caafimaadka

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

October 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgallo ballaaran oo ka dhan ahKhawaarijta,ka wada deegaano hoostaga degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan....

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

October 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Mr. Robert...

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

October 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda JFS Mudane Xasan Macallin Maxamuud oo Magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga u...

Dowladda Soomaaliya oo cambaaraysay weerarka lagu qaaday xarunta korontada ee Masjidka Nabiga (NNKH) ee Magaalada Madiina

DFS oo cambaaraysay weerar lagu qaaday garoomo ku yaalla dalka Sacuudiga

October 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay si xooggan u cambaareyneysaa weerarrada ay kooxda Xuutiyiintu ku qaadeen Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In