Monday, March 9, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddoomiyaha Gobolka Baay oo Ankara kula kulmay Madax ka tirsan Turkiga “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
11 years ago
in Wararka
0
Guddoomiyaha Gobolka Baay oo Ankara kula kulmay Madax ka tirsan Turkiga “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddoomiyaha Gobolka Baay Cabdi Aadan Hoosow ayaa waxa uu la kulmey Guddoomiyaha Gobolka Ankara Mehmet Kılıçlar, oo ay ka wada hadleen sidii loo caawin lahaa Shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan Shacabka ku dhaqan Gobolka Baay.

Mudane Mehmet Kılıçlar ayaa waxa uu sheegey in uu aad ugu faraxsanyahay booqashada Godoomiyaha Gobolka Bay ee DalkaTurkiga “Booqashadaada waa talaabo aan aad ugu farax sanahay,waa talaabo horey loo qaadey,waan garab istaageynaa walaalaheena Soomaaliyeed”ayuuyiri Md Mehmet Kılıçlar.

Related posts

Kulan lagu soo dhaweynayo dhammaystirka Dastuurka dalka oo lagu qabtay Muqdisho

Kulan lagu soo dhaweynayo dhammaystirka Dastuurka dalka oo lagu qabtay Muqdisho

March 9, 2026
Wasiirka Qoyska XFS oo soo gunaanadday bandhigga Todobaadka ee Haweenka Soomaaliyeed

Wasiirka Qoyska XFS oo soo gunaanadday bandhigga Todobaadka ee Haweenka Soomaaliyeed

March 9, 2026

Mudane Hoosow ayaa sidoo kale waxaa uu la kulmey ku-xigeenka Hay’adda TIKA ee DalkaTurkey Mudane Ali Maskan oo uga mahadceliyey mashaariicda horumarineed ee ay ka wadaan Soomaaliya,isagoo ka codsadey hey’adda TIKA in ay mashaariic la mid ah kuwa hadda ay waddo ay ka fuliyaan Gobolka Baay.

Mr Ali Maskan ayaa balan qaadey in Hay’adda TIKA ay wax la qaban doonto shacabka ku dhaqan Gobolka Baay,isla markaana ay tix-gelin doonaan codsiga Guddoomiyaha Gobolka.

“Hay’addaTika Mashaariic xooganayey ka wadaan Soomaaliya,waana siiwadeynaa mashaariicdaaan hadda Soomaaliya ka wadno, waxaana ku sii balaarin doonaa Gobolada kale ee Dalka” ayuu siiraaciyey hadalkiisa Ali Maskan.

Guddoomiyaha Gobolka Baay ayaa intaa kaddib waxa uu la kulmey Xoghayaha guud ee Ururka Dowladaha hoose ee dalkaTurkey Hayrettin GUNGOR, oo ay isla soo qaadeen sidii iskaashi u wada sameyn lahaayeen labada dhinac iyo sidii aqoonta Dowlada hoose  ee Gobolka Baayb kor loogu qaadi lahaa.

Guddomiye Hoosow ayaa ka codsadey Ururka  Dawladaha hoose ee dalkaTurkigaIn ay garab istaagaan Shacabka Soomaaliyeed,gaar ahaan kuwa uu maamulo, isla markaana horumarka iyo Maamul wanaagga ay Dalkooda gaarsiiyeen mid la mid ah loo gaarsiin lahaa  guud ahaan Soomaaliya.

“Ururka Dawladaha hoose ee dalkaTurkiga ayaa waxaa hoosyimaada dhamaan Degmooyinka DalkaTurkey oo ka kooban in ka badan1350”ayuu yiri Hayrettin GUNGOR oo ah Xoghaye guud ee Ururkan.

DSCF4246 DSCF4270 DSCF4347 DSCF4416 DSCF4439 DSCF4445 DSCF4556 DSCF4575 DSCF4583 DSCF4594 DSCF4601

Wakiilka Warbaahaninta Qaranka Soomaaliyeed ee WadankaTurkey Ali Moalim Isak

 

Previous Post

Dhageyso Warka Habeen ee Radio Muqdisho

Next Post

Dhageyso barnaamijka Dhacdooyinka ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso barnaamijka bandhigga wareysiyada ee ka baxa Radio Muqdisho

Dhageyso barnaamijka Dhacdooyinka ee Radio Muqdisho

Kulan lagu soo dhaweynayo dhammaystirka Dastuurka dalka oo lagu qabtay Muqdisho

Kulan lagu soo dhaweynayo dhammaystirka Dastuurka dalka oo lagu qabtay Muqdisho

March 9, 2026
0

Kulan lagu soo dhoweynayay dhammaystirka Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu qabtay Xarunta Tiyaatarka Qaranka ee magaalada Muqdisho, waxaana ka...

Wasiirka Qoyska XFS oo soo gunaanadday bandhigga Todobaadka ee Haweenka Soomaaliyeed

Wasiirka Qoyska XFS oo soo gunaanadday bandhigga Todobaadka ee Haweenka Soomaaliyeed

March 9, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka XFS Amb Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi ayaa xalay magaalada Muqdisho ku soo gunaanudday bandhigga...

Tartamayaasha Kismaayo oo caawa u gudbay wareegga Saddexaad ee tartanka ”SAWIRRO”

Tartamayaasha Kismaayo oo caawa u gudbay wareegga Saddexaad ee tartanka ”SAWIRRO”

March 8, 2026
0

  \ Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Lix iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si...

Wasiirka Gaashaandhigga XFS iyo Mas’uuliyiin kale oo ka qeybgalay Xuska Maalinta Haweenka

Wasiirka Gaashaandhigga XFS iyo Mas’uuliyiin kale oo ka qeybgalay Xuska Maalinta Haweenka

March 8, 2026
0

Wasiirka Gaashaandhigga XUkuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, oo ay wehliyaan Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Ibraahim...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In