Friday, January 30, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo Booqday Qaar kamid ah Xarumaha Maamulka Koonfur Galbeed ee Baydhabo “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
8 years ago
in Wararka
0
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo Booqday Qaar kamid ah Xarumaha Maamulka Koonfur Galbeed ee Baydhabo “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Baydhabo 05 June 2018– Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) oo maalmihii u danbeeyey ku sugnaa magaalada Baydhabo, halkaas oo ka dhacayo shirka Amniga Qaranka ayaa kormeer ku tagay qaar kamid ah Xarumaha Maamulka Koonfur Galbeed ee magaalada Baydhabo.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo weheliyo Wasiirka Warfaafinta ee Maamulka Koonfur Galbeed ayaa ugu horeyn booqday xarunta Wasaaradda Warfaafinta, iyagoo sidoo kale kormeeray Xarunta Warbaahinta Maamulka.

Related posts

Soomaaliya oo ka Qeyb Galeysa Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Carabta iyo Hindiya

Soomaaliya oo ka Qeyb Galeysa Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Carabta iyo Hindiya

January 30, 2026
wafdi ka socda Dowladda Soomaaliya oo shir kaga qayb galay dalka Talyaaniga

wafdi ka socda Dowladda Soomaaliya oo shir kaga qayb galay dalka Talyaaniga

January 30, 2026

Wasiirka Warfaafinta iyo wacy-galinta Bulshadda Koonfur Galbeed Soomaaliya Ugaas Xasan Cabdi Maxamed ayaa uga mahadceliyey Guddoomiyaha kormeer uu ugu yimid, waxuna sheegay in hadda oo yahay Guddoomiyaha Gobolla Banaadir iyo waqtigii uu joogay Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliyaba uu saaxiib dhow la ahaa warbaahinta qeybaheeda kala duwan.

Mudane Eng. Yarisow ayaa dhankiisa ku boggaadiyey Wasiirka iyo shaqaalaha Warfaafinta ee Koonfur Galbeed shaqooyinka muhiimka ah ee u hayaan shacabkooda, isagoo xusay in xili walba uu diyaar u yahay gacan siinta Warbaahinta oo laf-dhabar u ah isku xirka iyo horumarinta bulshada.

Dhinaca kale, Duqa Muqdisho Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan aya kulan gaar ah la qaatay Madax Dhaqameedka magaalada Baydhabo ee Maamulka Koonfur Galbeed, waxana ujeedka kulanku ahaa sidii bulshooyinka ku dhaqanka Caasimadda Soomaaliya iyo kuwa Maamulka Koonfur Galbeed ay iskugu xirmi lahaayeen si la iskaga kaashado horumarka iyo wacyigelinta Bulshada maadaama labada Maamul deegaanadoodu isku xiran yihiin.

–DHAMMAAD–

Previous Post

Ra’iisul wasaare Kuxigeenka dalka oo cadeeyay in ka-hortagga Musiibooyinka ay muhiimad weyn u leedahay bulshada Soomaaliyeed

Next Post

Tabarka Tababarayaasha Waxbarashada Madaniga ee arrimaha Dastuurka oo lagu soo gabagabeeyay Baydhabo “SAWIRRO”

Next Post
Tabarka Tababarayaasha Waxbarashada Madaniga ee arrimaha Dastuurka oo lagu soo gabagabeeyay Baydhabo “SAWIRRO”

Tabarka Tababarayaasha Waxbarashada Madaniga ee arrimaha Dastuurka oo lagu soo gabagabeeyay Baydhabo "SAWIRRO"

Soomaaliya oo ka Qeyb Galeysa Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Carabta iyo Hindiya

Soomaaliya oo ka Qeyb Galeysa Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Carabta iyo Hindiya

January 30, 2026
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa maanta gaaray New Delhi,...

wafdi ka socda Dowladda Soomaaliya oo shir kaga qayb galay dalka Talyaaniga

wafdi ka socda Dowladda Soomaaliya oo shir kaga qayb galay dalka Talyaaniga

January 30, 2026
0

Wafdi heer sare ah oo ka socda Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ka qeyb galay shir caalami ah oo lagu...

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada oo kulan la yeeshay Ururrada Siyaasadda

Guddiga Xukuumadda iyo Ururrada Siyaasadda oo War-saxaafadeed soo saaray

January 29, 2026
0

Guddiga Xukuumadda iyo Ururrada Siyaasadda ee ka qeyb qaatay doorashada goleyaasha deegaanka ee Qof iyo Cod ayaa kulankooda maanta ka...

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada oo kulan la yeeshay Ururrada Siyaasadda

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada oo kulan la yeeshay Ururrada Siyaasadda

January 29, 2026
0

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada ayaa maanta oo taariikhdu tahay Jannaayo 29, 2026 wadatashi layeeshay ururrada siyaasadda. Kulankan...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In