Saturday, October 31, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo daah-furay ololaha qaadista cabshuuraha kala duwan ee Caasimadda “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
7 years ago
in Wararka
0
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo daah-furay ololaha qaadista cabshuuraha kala duwan ee Caasimadda “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Dowladda Hoose Xamar ayaa xarunta Gobolka Banaadir kusoo bandhigtay Gaadiid kala duwan oo qeyb ka noqon doono ololaha wacyigalinta bixinta canshuuraha iyo sidoo kale dabagalka la xisaabtanka muwaaddiniinta iska dhaga tira iney bixiyaan qidmadda ku waajibtay.

Nidaamka qaadista canshuuraha kala duwan ee Gobolka Banaadir ayaa laga dhigay qaab casiri ah oo ka duwan qaababkii horey loo qaadi jaray, waxaana daah-furay ololahaani Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish).

Related posts

Shil khasaaro nafeed dhaliyay oo ka dhacay dalka Masar

Shil khasaaro nafeed dhaliyay oo ka dhacay dalka Masar

October 31, 2026
Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Azerbaijan

Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Azerbaijan

October 31, 2026

Agaasimaha waaxda Canshuuraha Dowlada Hoose Xamar Ayaan Cabdi Maxamud ayaa tilmaamtay muhiimadda ay bulshada  u leedahay bixinta canshuurta.

“Gaadiidkan waxey ka howlgali doonaan afarta qeyb oo ay ka kooban tahay magaalada Muqdisho si ay u wacyigaliyaan bulshada, islamarkaana loo dardargaliyo qaadista Canshuuraha kala duwan ee daqliga”.ayay tiri Ayaan.

Guddoomiye ku-xigeenka maamulka iyo maaliyadda Gobolka Banaadir, Ibraahim Cumar Mahad-Alle (Ibraahim dheere) ayaa sheegay in ay la dagaallami doonaan Musuq-Maasuqa.

“Bixinta canshuuraha waxay ka turjumeysaa sax ahaanshaha muwaadinnimada waana waajib saaran qofkasta oo muwaadin ah, ka maamul ahaan waxaa naga go’an la dagaallanka Musuq-Maasuqa”ayuu yiri Ibraahim dheere.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, mudane; Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa ugu baaqay bulshada Soomaaliyeed in ay fududeeyaan bixinta canshuuraha si loogu guuleysto hirgelinta mashaariicda ee adeegyada Bulshada.

“Waxaan si xushmad kujirto ugu codsaneynaa muwaadiniinta Soomaaliyeed in ay si dagan ku bixiyaan canshuurta ku waajibtay si aan dib iyaga ugu celino islamarkaana loogu fuliyo adeegyada aas aasiga ah ee bulshada, waan la xisaabtami doona cidkaste oo aan iska bixinin canshuurta ku waajibtay” ayuu yiri Cumar Filish.

Previous Post

Deegaanka Ooda-gooye ee gobolka Sool oo dab ka kacay.

Next Post

Kulan looga hadlayo qaab dhismeedka Dowladda oo ka furmay Muqdisho

Next Post
Kulan looga hadlayo qaab dhismeedka Dowladda oo ka furmay Muqdisho

Kulan looga hadlayo qaab dhismeedka Dowladda oo ka furmay Muqdisho

Shil khasaaro nafeed dhaliyay oo ka dhacay dalka Masar

Shil khasaaro nafeed dhaliyay oo ka dhacay dalka Masar

October 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Warbaahinta Masar ayaa si rasmi ah u shaacisay in laba qof ay dhinteen, halka 25 qof oo kalena ay...

Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Azerbaijan

Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Azerbaijan

October 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliyeed, Mudane Cali Cabdi Maxamed (Cali Shiine), ayaa booqasho ku tagay xarunta Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

October 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa la kulmay Ms. Åsa Regnér oo...

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

October 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa khudbad ka jeediyay Madasha 7-aad ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In