Saturday, October 3, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo kormeer dhiirigelin ah ku tegay furimaha dagaalka ee Gobolka Sh/Dhexe

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
3 years ago
in Wararka
0
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo kormeer dhiirigelin ah ku tegay furimaha dagaalka ee Gobolka Sh/Dhexe
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa maanta oo ah (Isniin 18, September 2023) gaaray deegaanada Nuur-dugle iyo Caddaan Laxey ee Gobolka Shabeelada dhexe, si uu udar-dargeliyo Howlgalka sifeynta Khawaarijta ee ka socda Bariga Gobolka Shabeelaha Dhexe.

Duqa Muqdisho ayaa sii maray deegaanno dhowr ah oo ka tirsan Gobolka Shabeelaha Dhexe, oo uu ku dhiirageliyay Ciidamada Qaranka iyo Xoogaga Difaaca Shacabka ee kaalinta ka qaatay in Khawaarijta lagu jibiyo Gobolka Shabeelaha Dhexe.

Related posts

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalaya Madasha Al-Calamayn Forum

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalaya Madasha Al-Calamayn Forum

October 2, 2026
Wasaaradda Gaadiidka Badda Galmudug oo Hawlgal Kormeer iyo Ilaalin Badeed ka Samaysay Biyaha Galmudug

Wasaaradda Gaadiidka Badda Galmudug oo Hawlgal Kormeer iyo Ilaalin Badeed ka Samaysay Biyaha Galmudug

October 2, 2026

Sidoo kale waxa uu booqday furimaha ay Gobolka Shabeellaha Dhexe ay kaga sugan yihiin Ciidamo ay hogaaminayaan Guddoomiyeyaal ka tirsan Degmooyinka iyo Deegaannada Gobolka Banaadir oo iyagu qeyb ka ah Dagaalka dalka loogu sifeynaayo Khawaarijta. iskuna diyaarianaya in cadowga ay ka saaraan goobaha fara ku tiriska ah oo ay ku harsan yihiin.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa Ciidamada Qaranka iyo Xoogaga Difaaca shacabka kula dar-daarmay in la dar-dargeliyo dagaalka sifeynta ee lagu baac-sanaayo Khawaarijta, waxa uuna xusay in aysan jirin meel loogu haro Dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta ee uu hogaaminayo Madaxweynaha JFS Dr. Xasan Sheekh Maxamuud.

Safarka dhiiragelinta Ciidamada Xoogga Dalka iyo dar-dargelinta dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta ee uu Duqa Muqdisho ku gaaray Gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa waxa ay tusaale u tahay in qof waliba ay mas’uuliyad ka saaran tahay sidii uu ugu qeyb qaadan lahaa Dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta, iyadoona horey uu Maamulka Gobolka Banaadir taageero dhinac weliba leh uu la garab taagnaa CXD iyo kuwa Deegaanka ee dagaalka kula jira Khawaarijta.

Previous Post

Madaxweyne Xasan Sheekh oo warqadaha aqoonsiga ka guddoomay Danjiraha Midowga Yurub

Next Post

Ciidamada Qalabka Sida iyo Shacabka oo inta badan Gobolka Mudug ka sifeeyay Khawaarijta

Next Post
Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Ciidamada Qalabka Sida iyo Shacabka oo inta badan Gobolka Mudug ka sifeeyay Khawaarijta

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalaya Madasha Al-Calamayn Forum

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalaya Madasha Al-Calamayn Forum

October 2, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi ballaaran ayaa gaaray magaalada Al-Calamayn ee Jamhuuriyadda Carabta ee Masar....

Wasaaradda Gaadiidka Badda Galmudug oo Hawlgal Kormeer iyo Ilaalin Badeed ka Samaysay Biyaha Galmudug

Wasaaradda Gaadiidka Badda Galmudug oo Hawlgal Kormeer iyo Ilaalin Badeed ka Samaysay Biyaha Galmudug

October 2, 2026
0

Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Dowladda Galmudug, oo kaashanaysa Ciidanka Difaaca Badda iyo Ilaalada Xeebaha Soomaaliya, ayaa hawlgal kormeer iyo...

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

October 1, 2026
0

Danjiraha Jamhuuriyadda Austria u qaabilsan Kenya una magacaaban dalka Soomaaliya, Marwa Dr. Simone Knapp, ayaa booqasho ku timid Xarunta Safaaradda...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

October 1, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray Magaalada Arusha...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In