Saturday, January 31, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo kormeeray goobaha biya mareenka ah ee caasimadda “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
6 years ago
in Wararka
0
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo kormeeray goobaha biya mareenka ah ee caasimadda “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Xili ay foodda nagu soo hayaan xili roobaadka ayaa dowlada Hoose ee Xamar wax ay wadaa da’daallo lagu xoojinayo dib-u-habeynta goobaha biya mareenka ah ama bulaacadaha ee wadooyinka Caasimadda si aysan hakad u galin isku socodka gaadiidka iyo dad weynaha.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa howla kormeer ah ku sameeyay waraha loogu talagalay in lagu keediyo ama lagu xakameeyo daadka roobka.

Related posts

Ra’iisul Wasaare Xamse oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaare Xamse oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

January 31, 2026
Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray magaalada Jigjiga

Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray magaalada Jigjiga

January 31, 2026

Goobaha uu kormeeray guddoomiye Cumar Filish waxaa kamid ah Degmada Boondheere, Degmada Heliwaa, Qashin weynaha Muqdisho, Degmada Warta Nabadda iyo waddada Daaru-Salaama ee kala qeybisa degmooyinka Deyniile iyo Yaaqshiid.

Duqa magaalada Muqdisho ayaa inta uu kormeerkani kujiray waxa uu kula dardaarmayay maamulada degmooyinka iyo shacabka in ay muujiyaan kaalintooda ku aadan u diyaar garowga xili roobaadka iyo sidoo kale in la xoojiyo ilaalinta nadaafadda iyo bilicda Caasimadda.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa kormeerka kaddib waxa uu xarunta Degmada Heliwaa kulan kula qaatay Guddoomiyaha Degmada Cabdixakiin Cumar Cabdulle iyo mas’uuliyiinta kale ee degmada, kuwaasi oo uu ku bogaadiyay dib u habeynta ay ku sameeyeen xarunta, waxaana uu kula dar daarmay inay xoojiyaan Nadaafadda iyo u diyaar garowga xilli roobaadka.

Previous Post

Maamulka Degmada Tiyeeglow oo wacyigelin u sameeyey barakacayaal “SAWIRRO”

Next Post

Madaxweynaha Hirshabeelle oo xilkii ka qaaday Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan isla markaana magacaabay Guddoomiye cusub

Next Post
Madaxweyne Waare:- “Qorshaha ka bixista Amisom ee Hirshabelle Hurdo ka toos ayuu noo yahay

Madaxweynaha Hirshabeelle oo xilkii ka qaaday Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan isla markaana magacaabay Guddoomiye cusub

Ra’iisul Wasaare Xamse oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaare Xamse oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

January 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Jamhuuriyadda dalka...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray magaalada Jigjiga

Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray magaalada Jigjiga

January 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO(Jigjiga):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa goordhaw magaalada Jigjiga ka dagay, halkaas oo si diirran uu...

Dowladda Soomaaliya oo kaalin weyn ka ciyaartay doorka hoggaaminta fadhiga Golaha Ammaanka ee QM

Dowladda Soomaaliya oo kaalin weyn ka ciyaartay doorka hoggaaminta fadhiga Golaha Ammaanka ee QM

January 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Xamse Aadan, ayaa sheegay tilmaamay in Soomaaliya ay fadhiga Golaha Ammaanka ee...

Xafiiska Hantidhowrka Guud oo barnaamijka tababarka Maaliyadda kusoo gabagabeeyay Ankara

Xafiiska Hantidhowrka Guud oo barnaamijka tababarka Maaliyadda kusoo gabagabeeyay Ankara

January 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xafiisyada Hantidhowrka Guud ee JFS iyo Jamhuuriyadda Turkiga ayaa magaalada Ankara si rasmi ah ugu soo gebagabeeyay barnaamijka Tababarka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In