Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa maanta socdaal ku maray xaafado ka tirsan Magaalada Muqdisho, halkaasi oo uu kula kulmay qaar ka mid ah Bulshada qeybahooda kala gedisan si uu kaga dhageysto talooyin ku aadan Horumarka iyo Amniga Caasimadda Muqdisho.
Duqa Muqdisho ayaa la wadaagay bulshadii uu la kulmay in Maamulka Gobolka Banaadir u-diyaar garoobayo olole ku aadan Nadaafadda iyo Bilicda Caasimadda, maadaama la guda galay xilli roobaad.
Guddoomiyaha ayaa dhinaca kale bulshada kula dardaarmay in lagu garab siiyo maamulada Degmooyinka iyo Deegaannada Bilicda iyo Nadaafadda Caasimadda, isla markaana wada-shaqeyn dhaw lala yeesho maamulada iyo laamaha Amaanka si loogu hortago Garanwaaga iyo Dhagarta Khawaarijta.