Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuuuf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo uu wehliyo Danjiraha Jamhuuriyadda Faderaalka Soomaaliya u fadhiya Jamhuuriyadda Serbia Mudane Maxamed Cabdullaahi Axmed ayaa magaalada Belgrade kulan kula qaatay Ardeyda Soomaaliyeed ee wax ka barta dalka Serbia.
Danjire Maxamed Cabdullaahi Axmed ayaa guddoomiye Madaale la wadaagay in Ardeydan ay muujiyeen dadaal iyo karti, ayna ka soo dhalaaleen fursadihii ay heleen.
Guddoomiye Madaale ayaa Ardeyda kula dar-daarmay in ay ka faa’iideystaan fursadaha Waxbarasho ee ay heleen, isaga oo Ardeyda xusuusiyay in uu sugayo Dalkooda.
Ardeyda ayaa Guddoomiyaha iyo Danjiraha Safaaradda uga mahadceliyay kulanka ay la qaateen.