Tuesday, March 31, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo sheegay degmooyin hor leh in la gaarsiin doono dhismaha Jidka Sodonka+Sawirro

admin by admin
8 years ago
in Wararka
0
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo sheegay degmooyin hor leh in la gaarsiin doono dhismaha Jidka Sodonka+Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

NISA oo gacanta ku dhigtay xubno u hoggaansamay baadda Khawaarijta

Ciidanka Hay’adda NISA oo howlgalo qorsheysan ka fuliyay Shabeellooyinka

March 31, 2026
Xukka Qaranka Soomaaliya oo guul muhiih ah gaaray

Xukka Qaranka Soomaaliya oo guul muhiih ah gaaray

March 31, 2026

Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ahna Duqa Caasimadda Mudane Cabdirixmaan Cumar Cusmaan (Eng.Yarisow) oo warbixin ka dhageystay Injineerada ku howlan dhismaha Jidka Sodonka ayaa sheegay in waddadaan la gaarsiin doono deegaanka Xaawa Casir ee degmada Kaaraan.

Dhismaha Jidka Sodonka oo meel gaba gaba ah maraya ayaa waxaa kormeeray Guddoomiyaha Gobolka oo ay wehelinayaan Madax heer Gobol iyo heer Degmo ah, taas oo qeyb ka ahayd la socodka habsamida shaqada iyo tayada laamiga la hirgeliyey.

Eng. Yarisow ayaa tilmaamay in dadaalka bulshada iyo ganacsatadu ay ku bixiyeen hirgelinta waddadaan ay saldhig u tahay qorsheyaasha kale ee lagu gaarsiinayo degmooyinka Kaaraan iyo Heliwaa.

“Laamigan waa mid ka mid ah waddooyinka ugu muhiimsan Caasimadda, horey waxa uu u dhex mari jiray afar degmo, balse haatan waxaan rajeynaynaa in aan gaarsinno degmooyin hor leh, annaga oo kaashaneyna shacabka, odayaasha dhaqanka iyo ganacsatada.” Ayuu yiri Guddoomiye Yarisow.

Sidoo kale, Guddoomiyaha ayaa sheegay in qurba joogta Soomaaliyeed ay kaalin mug leh ka qaadan karaan dhisidda iyo dayactirka waddooyinka magaalada Muqdisho oo muhiim u ah bilicda caasimadda, abuurista fursadaha shaqada iyo xoojinta dhaq dhaqaaqa ganacsiga.

Guddoomiyaha Gobolka ayaa kormeerkiisa jidka Sodonka waxa uu dul istaagay dhaq dhaqaaqa ganacsi ee ka hirgalay goobaha uu dhismaha laamigu ka dhammeystirmay, iyadoona bulshada goobahaasi ay la wadaageen wax tarka iyo fursadaha ganacsi ay ka dhaxleen dib u dhiska jidkan.

Previous Post

Dawladda Hoose ee Muqdisho oo maanta furtay tartan Qandaraas oo lagu dayactiraayo ilaa 6 xafiisyo ee Degmooyinka Gobolka Benaadir+Sawirro

Next Post

AMISOM kick starts registration of the Darwish militia in Jubbaland state

Next Post
DHAGEYSO WAREYSI:- Afhayeenka AMISOM oo faah-faahin ka bixiyay Weerar ka dhacay Gobalka Sh/Hoose

AMISOM kick starts registration of the Darwish militia in Jubbaland state

NISA oo gacanta ku dhigtay xubno u hoggaansamay baadda Khawaarijta

Ciidanka Hay’adda NISA oo howlgalo qorsheysan ka fuliyay Shabeellooyinka

March 31, 2026
0

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa fuliyay howlgallo qorsheysan oo lagu burburiyay xarumo ay...

Xukka Qaranka Soomaaliya oo guul muhiih ah gaaray

Xukka Qaranka Soomaaliya oo guul muhiih ah gaaray

March 31, 2026
0

Xulka Qaranka Soomaaliya ee kubadda cagta ayaa gaaray guul taariikhi ah kaddib ciyaar adag oo ay la yeesheen dhiggooda Mauritius,...

Guddiga Wadajirka ah ee hagaya fulinta Qorshaha u Diyaargarowga Dhibaatooyinka Sugnaanta Cunnada oo kulan yeeshay

Guddiga Wadajirka ah ee hagaya fulinta Qorshaha u Diyaargarowga Dhibaatooyinka Sugnaanta Cunnada oo kulan yeeshay

March 31, 2026
0

Waxaa maanta xarunta Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA) lagu qabtay kulankii ugu horreeyay ee Guddiga Wadajirka ah ee hagaya fulinta...

Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka oo shir uga qeybgalay Geneva

Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka oo shir uga qeybgalay Geneva

March 31, 2026
0

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka, Dr. Maryan Qaasim, iyo wafdigeeda ayaa ka qayb galay shirka Golaha Guud ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In