Saturday, January 10, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo shir Guddoomiyey kulan looga hadlayey ka hortagga Cudurka COVID-19

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
6 years ago
in Wararka
0
Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo shir Guddoomiyey kulan looga hadlayey ka hortagga Cudurka COVID-19
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Kulanka ayaa waxaa looga hadlay doorka Maamulka Gobalka Banaadir iyo Dowladda Hoose kaga aadan ka hor-tagga xanuunka COVID 19, gaar ahaan waaxda caafimaadka Dowladda Hoose iyo Warbaahinta Gobalka Banaadir kaga aadan Wacyi galinta Bulshada.

Kulanka waxaa kale oo looga hadlay dardar galinta ololaha Canshuur uruurinta Dowladda Hoose ee Xamar oo meel wanaagsan maraya, xaaladda guud ee amniga magaalada Muqdisho ayaa kulanka muhiimad gaar ah la siiyay iyadoo la xusay qaraxyadii lala eegtay balaayaasha kamirooyinka qarsoon ee lagu sugo ammaanka magaalada ee loo yaqaan (CCTV), waxaa kale oo lagu soo qaaday kulanka bilicda iyo Nadaafadda magaalada Muqdisho.

Related posts

Safiirka Soomaaliya ee South Africa oo ka qayb galay shirka Safiirrada Caalamka

Safiirka Soomaaliya ee South Africa oo ka qayb galay shirka Safiirrada Caalamka

January 10, 2026
Dowladda Hindiya oo si adag uga hortimi go’aankii xadgudubka Israa’iil ee maamulka Somaliland

Dowladda Hindiya oo si adag uga hortimi go’aankii xadgudubka Israa’iil ee maamulka Somaliland

January 10, 2026

Kulanka ayaa waxaa Shir Guddoominayey Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho, waxaana goob joog ahaa Guddoomiye ku-xiggeennada Gobolka, Agasimayaayaasha guud, Agaasimayayaasha Waaxyaha, Guddoomiyayaasha Degmooyinka, taliska ciidanka ilaalada Deeganka Xamar, la taliyayaasha Duqa Muqdisho iyo afhayeenka Gobalka Banaadir.

Shirkaan ayaa gabagabadiisa waxaa lagu ballamay in laga dhabeeyo hal-ku dhigga duqa Muqdisho oo ah Bulsho Nabad ah iyo Balad Nadiif ah.

Previous Post

Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda oo kala hadlay Safiirka Yemen siyaabaha iskaashi wadaagga labada dal “SAWIRRO”

Next Post

Dhageyso Barnaamijka Bandhigga Wareysiyada ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso Warka Habeen ee Radio Muqdisho

Dhageyso Barnaamijka Bandhigga Wareysiyada ee Radio Muqdisho

Safiirka Soomaaliya ee South Africa oo ka qayb galay shirka Safiirrada Caalamka

Safiirka Soomaaliya ee South Africa oo ka qayb galay shirka Safiirrada Caalamka

January 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Danjiraha JFS ee South Africa Amb. Mohamed Sheikh issak, ayaa shalay uga qeybgalay shir Magaalada Rustenburg ee gobalka Northwest...

Dowladda Hindiya oo si adag uga hortimi go’aankii xadgudubka Israa’iil ee maamulka Somaliland

Dowladda Hindiya oo si adag uga hortimi go’aankii xadgudubka Israa’iil ee maamulka Somaliland

January 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Dowladda Hindiya ayaa si adag uga hortimid go’aankii xadgudubka ahaa ee Israa’iil ay ku aqoonsatay maamulka Somaliland, iyadoo taageertay...

Culimada iyo Waxgaradka Soomaaliyeed si weyn uga soo horjeestay xadgudubka Yuhuudda ee Soomaaliya

Culimada iyo Waxgaradka Soomaaliyeed si weyn uga soo horjeestay xadgudubka Yuhuudda ee Soomaaliya

January 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Qaar ka mid ah odayaasha dhaqanka iyo waxgaradka Soomaaliyeed ee kasoo kala jeeda maamullada Puntland, Jubbaland iyo Waqooyi Bari...

Soomaaliya iyo Singapore oo ka wadahadlay arrimo muhiim ah

Soomaaliya iyo Singapore oo ka wadahadlay arrimo muhiim ah

January 9, 2026
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali ayaa maanta oo jimce khadka taleefanka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In