Saturday, December 13, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo shir jaraa’id ku faah-faahiyay cabashooyinka dhul-cinta ah

Fardowso Xasan by Fardowso Xasan
2 years ago
in Wararka
0
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo shir jaraa’id ku faah-faahiyay cabashooyinka dhul-cinta ah
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale), oo shir jaraa’id ku qabtay Xarunta Aqalka Dowladda Hoose Xamar, ayaa ka hadlay dhacdooyin dhulka la xariira oo maalmihii la soo dhaafay ka taagan Caasimadda.

Guddoomiye (Madaale) ayaa Ugu horeyn ka hadlay dhulka Kaasa Italia ee degmada Xamarweyne, oo uu sheegay in dhulkaa uu lahaa Talyaaniga, ayna hadda soo dalbaday safaaradda dalkaas, isla-markaana ay rabto inay ku shaqeyso dhulkaasi.

Related posts

Maareeyaha Dekedda Muqdisho oo la kulmay wafdi ka socday Dalka Sudan

Maareeyaha Dekedda Muqdisho oo la kulmay wafdi ka socday Dalka Sudan

December 12, 2025
Wasiir Xasan Macallin “Xeerka Ciqaabta Soomaaliya waxaa uu la jaanqaadayaa diinta islaamka iyo dhaqanka Soomaalida

Wasiir Xasan Macallin “Xeerka Ciqaabta Soomaaliya waxaa uu la jaanqaadayaa diinta islaamka iyo dhaqanka Soomaalida

December 12, 2025

“Arrinta Kaasa Italia sida aan la socono waxaa iska leh Taliyaaniga safaaradda Talyaaniga warqadda ay soo dirtay waa taas, sidaas darteed waxay dalbadeen in loo banneeyo, marka Kaasa Italia shaqsina ma laheyn cid gaar ah oo laheydna ma jirto” Ayuu yiri guddoomiyuhu.

Waxaa  kale uu Guddoomiyaha ka  hadlay  muran dhul oo isna ka socda deegaanka Gubadley iyo Xaafadda Waxar-Cadde , isaga oo sheegay inay la socdaan qaylo dhaanta kasoo yeertay dhulalkaasi, wuxuuna xusay in qof welba oo cabasho ah uu caddaalada u doonto garsoorka.

Sidoo kale waxa u sheegay Guddoomiyah in maamulka uu sameeyay xafiis u gaar ah cabashooyinka cidii cabasha qabataana ay tahay in ay la xariirto si loo dhageysto.

Sidoo kale wuxuu ka hadlay Dhulka Warshadda Isbuunyada ee ku dhow xeydaabka garoonka Aadan Cadde, halkaa oo dadkii daganaa laga raray,isagoo sheegay in warqayad ay usoo diray hay’adda duulista rayidka ah, isla-markaana ay dalbaday in halis amni ay uga imaan karto halkaasi, kadibna uu amray in laga raro barakacayaasha lana dajiyo meel kale balse uusan ka jirin waxa dhul boob ah.

 

Previous Post

Maxkamadda gobolka Banaadir oo u farriistay mar kale dad ku Eedaysan musuq

Next Post

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan la qaatay ku-xigeenka Ergeyga QM Soomaaliya 

Next Post
Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan la qaatay ku-xigeenka Ergeyga QM Soomaaliya 

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan la qaatay ku-xigeenka Ergeyga QM Soomaaliya 

Maareeyaha Dekedda Muqdisho oo la kulmay wafdi ka socday Dalka Sudan

Maareeyaha Dekedda Muqdisho oo la kulmay wafdi ka socday Dalka Sudan

December 12, 2025
0

Maareeyaha Guud ee Dekadda Muqdisho Danjire Maxamed Cali Nuur (Ameerico) ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socdayu Dalka Suudaan oo...

Wasiir Xasan Macallin “Xeerka Ciqaabta Soomaaliya waxaa uu la jaanqaadayaa diinta islaamka iyo dhaqanka Soomaalida

Wasiir Xasan Macallin “Xeerka Ciqaabta Soomaaliya waxaa uu la jaanqaadayaa diinta islaamka iyo dhaqanka Soomaalida

December 12, 2025
0

Wasiirka Cadaaladda iyo Dastuurka XFS Xasan Macallin Maxamuud oo ka qeybgalay kulanka todobaadka warb aahinta qaranka ayaa ka warbixiyay xeerka...

Guddiga Doorashooyinka oo ku dhawaaqay liiska musharaxiinta ee golaha deegaanka

Guddiga Doorashooyinka oo ku dhawaaqay liiska musharaxiinta ee golaha deegaanka

December 12, 2025
0

Guddigga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Sohdimaha.isagoo gudanaya waajibaadkiisa dastuuriga ah, awoodaha uu siinayo dastuurka JFS ,sharciga doorashooyinka qaranka,...

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo ka qeyb galay TRIPOLI MEDIA DAYS.

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo ka qeyb galay TRIPOLI MEDIA DAYS.

December 11, 2025
0

Tripoli, 11 December 2025: Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac, ayaa ka qeybgaley...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In