Saturday, April 11, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Oo Xariga Ka Jaray Mashaariic Ay Ka Hirgeliyeen Degmada Kaxda “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
6 years ago
in Wararka
0
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Oo Xariga Ka Jaray Mashaariic Ay Ka Hirgeliyeen Degmada Kaxda “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa xariga ka jaray xaruma cusub oo ay kamid yihiin xarunta Hooyada iyo dhalaanka MCH-ka degmada Kaxda iyo Goob waxbarasho loogu talagalay in carruurta ku nool degmada si bilaash ah wax loogu baro.

Qeybaha bulshada ee Degmada Kaxda ayaa maamulka Gobolka u gudbiyay baahida ka jirta degmada, ayna codsanayaan in wax laga qabto, iyagoo ka mahadceliyay mashaariicda horumarineed ee uu Maamulka Gobolka ka hirgeliyay degmada.

Related posts

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo la kulmay xubno ka tirsan Dowladda Liibiya

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo la kulmay xubno ka tirsan Dowladda Liibiya

April 10, 2026
R/ Wasaaraha XFS oo goor dhow Muqdisho ka daah-furaya tartanka Orodada ee Marathon-ka

R/ Wasaaraha XFS oo goor dhow Muqdisho ka daah-furaya tartanka Orodada ee Marathon-ka

April 10, 2026

Guddoomiyaha Degmada Kaxda Maxamed Yuusuf Maxamed ayaa sheegay inay aad ugu faraxsanyihiin sida maamulka Gobolka uu degmada uga hirgeliyay Mashaariicda horumarineed ee ay baahi weyn u qabeen bulshada degmada, kuwaasi oo kala ah xarumo caafimaad iyo waxbarasho oo bulshada loogu adeegayo.

Guddoomiye ku-xigeenka Howlaha Guud ee Gobolka Banaadir Cumar Cali Cabdi ayaa bulshada iyo maamulka degmada ugu baaqay inay ka shaqeeyan dib u dhiska deegaannada Maamulka, isagoo intaa ku daray in Maamulka Gobolka Banaadir uu gacan ku siin doono howlahooda.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa tilmaamay in Maamulka Gobolka ay ka go’antahay wax ka qabashada baahiyaha degmada ka jirta iyo degmooyinka kale ee caasimadda ku yaala.

Previous Post

Madaxweyne Farmaajo Iyo Wafdi Uu Hoggaaminayo Oo Gaaray Dhuusamareeb “SAWIRRO”

Next Post

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho.

Next Post
Dhagayso Warka Habeen Ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho.

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo la kulmay xubno ka tirsan Dowladda Liibiya

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo la kulmay xubno ka tirsan Dowladda Liibiya

April 10, 2026
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa gaaray Magaalada Tripoli ee...

R/ Wasaaraha XFS oo goor dhow Muqdisho ka daah-furaya tartanka Orodada ee Marathon-ka

R/ Wasaaraha XFS oo goor dhow Muqdisho ka daah-furaya tartanka Orodada ee Marathon-ka

April 10, 2026
0

R/ Wasaaraha Xukuumadda faderaalka Sooaaliya Mudane Xamsa cabdi Barre ayaa lagu wadaa in saacadaha soo socda uu Magaalada Muqdisho ka...

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo gaaray Caasimadda Liibiya ee Tripoli

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo gaaray Caasimadda Liibiya ee Tripoli

April 9, 2026
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa gaaray magaalada Tripoli, caasimadda...

Wasiirka Wasaaradda Qoyska XFS  oo kormeertay xarunta Tuullada Carruurta SOS

Wasiirka Wasaaradda Qoyska XFS oo kormeertay xarunta Tuullada Carruurta SOS

April 9, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka XFS Amb Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi ayaa maanta kormeer howleed ku tagtay xarunta Tuullada...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In