Guddoomiyaha Gobolka banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen”Muungaab” ayaa maanta xariga ka jaray waddo Jaay ah taas oo laga hirgliyay degmada Dharkeynleey ee Gobolka Banaadir, waxayna isku xiri doontaa Laamiga Ex-Kontral Afgooye iyo dabakaayo Madow taas oo dhan 2 KM oo Jaay ah.
Gudoomiyaha Degmada Dharkeynleey Cumar Meyre Macow ayaa sheegay in wadadan ay wax badan ka badali doonto Mashquulka waddoonyinka dhex mara degmada Dharkeyleey,
Gudoomiyaha Gobolka banadir oo ay wehliyen xubno ka tirsan Maamulka Gobolka yaa maanta ku lugeeyey wadadan Labada kiilo mitir Degmada Dharkeyleey laga hirgeliyay waana wadadii ugu dheereereed oo Jaay ah oo laga dhiso Degmadaasi, isagoo Maamulka iyo shacabka degmada Dharkenleey uga mahadceliyey sida ay uga qeyb qaateen mashruuracan dalkaada dhiso oo Maamulka gobolka uu fulinayo.