Thursday, January 29, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo Xariga ka jaray Warta Biyo qabadka Degmada Boondheere “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
7 years ago
in Wararka
0
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo Xariga ka jaray Warta Biyo qabadka Degmada Boondheere “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa xariga ka jaray Warta Biyo Qabadka Degmada Boondheere oo Maamulka Gobolka Banaadir dib-u-dhis ku sameeyey.

 

Related posts

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay wafdi uu hoggaaminayo Wasiir ku-xigeenka Gaadiidka Turkiga

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay wafdi uu hoggaaminayo Wasiir ku-xigeenka Gaadiidka Turkiga

January 28, 2026
Guddiga farsamada ee Dowladda iyo Golaha Mustaqbalka oo yeeshay kulan muhiim ah

Guddiga farsamada ee Dowladda iyo Golaha Mustaqbalka oo yeeshay kulan muhiim ah

January 28, 2026

Guddoomiyaha ayaa sheegay in dhismaha Warta Biyo-qabadka Degmada uu ku yimid wadatashi bulshada deegaanka lala yeeshay, si baahidooda wax looga qabto, iyagoo codsaday in loo dhiso xarunta Biyo qabadka oo xili roobaadka dhibaatooyin badan ku haysay shacabka deegaanka.

“Markii aan wadatashi la sameynay shacabka degmada Boondheere waxay naga codsadeen in loo dhiso xarunta Biyo qabadka degmada, bacdamaa ay sanad walba xili roobaadka dhibaatooyin kala duwan ka soo gaaraan, anagoo tixgelineyna codsiga shacabka ayaan dib-u-dhisnay Warta si biyhu ugu hakadaan, maantana waxay u diyaarsan tahay in aysan biyuhu gudbin”.

Guddoomiyaha ayaa tilmaamay in biyo qabadka la ballaariyey, si casri ahna loo dhisay, tanoo qeyb ka ah qorshaha u diyaar garowga xili roobaadka, isla markaana la howlgelinayo dhammaan goobaha biyo qabadka ee Caasimadda, si looga hortago in biyuhu fariistaan waddooyinka iyo goobaha muhiimka ah. Degmada Boondheere ayaa kamid ah degmooyinka uu shacabka dagan sanad walba roobabku u geysto khasaare naf iyo maal, waxana sanadkii hore ku dhintay 7-ruux.

Dhanka kale, Duqa Muqdisho Eng. Yarisow ayaa uga mahadceliyey shacabka iyo Maamulka Degmada Warta Nabadda oo si Isxilqaan ah u dhisay Warta biyo-qabadka Xamar Jadiid, waxuna si gaar ah ugu ammaanay muwaadin Axmed iyo shirkadda Gaagaale oo ku deeqday qalabka howsha lagu fuliyey.

Maamulka Gobolka Banaadir oo ka duulaya casharadii laga bartay roobabkii sanadkii hore da’ay ayaa diyaariyey dhuumaha biyaha qaada ee degmooyinka iyo xarumihii biyo-qabadka Caasimadda, iyadoo la howlgeliyey booyaha biyaha saara.

–DHAMMAAD– 

Previous Post

Halkan si toos ah uga daawo doorashada saddex kursi oo ka banaan Golaha shacabka

Next Post

Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta Oo Dib-u-dhisaysa Xaruntii Taleefannada ee dalka+Sawirro

Next Post
Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta  Oo Dib-u-dhisaysa Xaruntii Taleefannada ee dalka+Sawirro

Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta Oo Dib-u-dhisaysa Xaruntii Taleefannada ee dalka+Sawirro

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay wafdi uu hoggaaminayo Wasiir ku-xigeenka Gaadiidka Turkiga

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay wafdi uu hoggaaminayo Wasiir ku-xigeenka Gaadiidka Turkiga

January 28, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa caawa Hoygiisa ku qaabilay wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo Wasiir...

Guddiga farsamada ee Dowladda iyo Golaha Mustaqbalka oo yeeshay kulan muhiim ah

Guddiga farsamada ee Dowladda iyo Golaha Mustaqbalka oo yeeshay kulan muhiim ah

January 28, 2026
0

Waxaa maanta kulankoodii ugu horreeyey yeeshay labadii guddi farsamo ee kala matalaya Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) iyo Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed....

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arimaha Gudaha XFS oo kulan la qaatay George Conway

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arimaha Gudaha XFS oo kulan la qaatay George Conway

January 28, 2026
0

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Cilmi Cali, ayaa kulan la qaatay...

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo Kulan la qaatay Wafdi heer sare ah oo ka socday Midowga Yurub.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo Kulan la qaatay Wafdi heer sare ah oo ka socday Midowga Yurub.

January 28, 2026
0

Muqdisho, Arbaco, 28 Jannaayo 2026: — Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In