Saturday, January 10, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddoomiyaha Gobolka Gedo oo kormeeray xadka Belad-Xaawo iyo Mandheere

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
8 years ago
in Wararka
0
Guddoomiyaha Gobolka Gedo oo kormeeray xadka Belad-Xaawo iyo Mandheere
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddoomiyaha Gobolka Gedo Mudane Maxamed Muxumed Maxamed oo ay wehliyaan Maamulada   Degmooyinka Mandheera  iyo Beled Xaawo  ayaa  booqasho ku tagay  xadka ay wadaagaan labada  dal ee  Soomaaliya  iyo Kenya  si ugu kuuragalaan  dhaqangalinta  go’aankii lagu joojiyay  dhismaha  Darbiga  ee ay  gaareen labada Madaxweyne.

Wariyaha   Warbaahinta    Qaranka   ee   Beled-Xaawo   Maxamad  Macalin   Aadan  ayaa ku soo waramay in wafdi uu hogaaminayo Guddoomiyaha Gobolka Gedo Mudane Maxamed Muxumed Maxamed iyo xubno ka socday dhanka Kenya ayaa ku soo wareegay xadka  labada dhinac, waxaana ujeedkooda la xiriirtay u kuur gelidda joojinta dhismaha oo ay kal hore ay ku heshiiyeen labada Madaxweyne ee Soomaaliya iyo Kenya oo ahaa in Kenya ay joojiso iyo waxyaabihiii ka dhaqan galay.

Related posts

Soomaaliya iyo Singapore oo ka wadahadlay arrimo muhiim ah

Soomaaliya iyo Singapore oo ka wadahadlay arrimo muhiim ah

January 9, 2026
Ciidanka Dowladda oo  cagta mariyay farriisimo ay ku sugnaayeen khawaarijta

Khawaarij lagu laayey gobolka Bay

January 9, 2026

Mas’uuliyiinta labada dhinac ayaa markii ay ku soo wareegeen xadka waxa ay bulshada u sheegeen in dhismaha la joojiyay oo uu dhaqan galay heshiiskii ay wada gaareen Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Kenya, iyagoo xusay in labada Madaxweyne ay markale balansanyihiin sidii ay kulan fool ka fool ah u wada qaadan lahaayeen oo lagu dhameystirayo heshiiska is fahamka ah.

Guddoomiyaha Gobolka Gedo Mudane Maxamed Muxumed Maxamed ayaa u sheegay shacabka labada dhinac inay is dejiyaan oo aysan dhegan wararka been abuurka ah ee sheegay in uu socda dhimaha Kenya ay ka wado xadka Soomaaliya iyo Kenya.

Previous Post

Dhageyso Warka Habeen ee Radio Muqdisho

Next Post

`Madaxweynaha Puntland oo ka Tacsiyeeyey Geerida Guddoomiyihii Hore ee Hay’adda PASAWEN ee Puntland

Next Post
`Madaxweynaha Puntland oo ka Tacsiyeeyey Geerida Guddoomiyihii Hore ee Hay’adda PASAWEN ee Puntland

`Madaxweynaha Puntland oo ka Tacsiyeeyey Geerida Guddoomiyihii Hore ee Hay'adda PASAWEN ee Puntland

Soomaaliya iyo Singapore oo ka wadahadlay arrimo muhiim ah

Soomaaliya iyo Singapore oo ka wadahadlay arrimo muhiim ah

January 9, 2026
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali ayaa maanta oo jimce khadka taleefanka...

Ciidanka Dowladda oo  cagta mariyay farriisimo ay ku sugnaayeen khawaarijta

Khawaarij lagu laayey gobolka Bay

January 9, 2026
0

WAR-SAXAAFADEED   Ciidamada Gaarka ah ee Kumaandooska Danab ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa xalay hawlgal qorshaysan oo beegsi ah...

Ciidanka NISA iyo kuwa Xoogga Dalka oo howlgal qorsheysan ku dilay 4 dhagarqabe oo khawaarij ah

Ciidanka Xoogga iyo Saaxiibada Caalamka oo Jubbada Dhexe ku dilay maleeeshiyaad khawaarij ah

January 9, 2026
0

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya saaxiibada caalamka gaar ahaan Ciidamada Maraykanka, ayaa xalay fuliyay howlgal qorshaysan oo lala beegsaday...

Joint Statement on the illegal visit of the Israeli official to “Somaliland” Region of the Federal Republic of Somalia on 6 January 2026

Joint Statement on the illegal visit of the Israeli official to “Somaliland” Region of the Federal Republic of Somalia on 6 January 2026

January 9, 2026
0

The Ministers of Foreign Affairs of the Arab Republic of Egypt, the People's Democratic Republic of Algeria, the People's Republic...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In