Thursday, January 29, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddoomiyaha gobolka Hiiraan oo hay’adaha samafalka ka codsaday inay u gurmadaan dadka ay abaaruhu saameeyeen

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
9 years ago
in Wararka
0
BELEDWEYNE: Ciidamada dowladda oo ka hor tagay weerar ay Al-Shabaab soo qaadeen
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan ayaa ugu baaqay hay’adaha ka shaqeya samafalka in ay kaqayb qaataan gurmadka loo fidinayo dadka ay abaaruhu sameyeen ee ku  nool Gobolka Hiiraan.

Cali Jeyte Cismaan Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan ayaa sheegay in abaaro baahsan ay ka jiraan deegaanno hoostaga gobolka kuwaasi oo saameyn ku yeeshay nolosha dadka iyo duunyada, waxaana uu hay’adaha samafalka ka codsaday in ay ka qeyb qaataan sidii loo samata bixin lahaa dadka ay abaaruhu saameeyeen.

Related posts

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada oo kulan la yeeshay Ururrada Siyaasadda

Guddiga Xukuumadda iyo Ururrada Siyaasadda oo War-saxaafadeed soo saaray

January 29, 2026

“Mas’uuliyad baa ka saaran inay u gurmadaan dadka Soomaaliyeed ee ku dhibaateysan gobolka, waxaana u soo jeedinaa inay u gurmadaan shacabka ay abaaruhu ku saameeyeen, qeybo ka mid ah gobolka Hiiraan, marka waxaan rabnaa mas’uuliyiinta hay’adaha samafalka inay gutaan waajibaadka uga aadan wax u qabashada shacabka”ayuu yiri Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in dhawaan ay magacaabi doonaan guddi heer gobol ah oo soo qiimeeyaha meelaha ay abaaruhu ku dhufteen, si gurmad dhinac waliba leh loogu geyn lahaa.

Previous Post

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Next Post

Qarax goor dhaw ka dhacay Kismayo

Next Post
Wararkii ugu danbeeyay Qaraxii Cawa ka dhacay Taalada Sayidka+Sawirro

Qarax goor dhaw ka dhacay Kismayo

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada oo kulan la yeeshay Ururrada Siyaasadda

Guddiga Xukuumadda iyo Ururrada Siyaasadda oo War-saxaafadeed soo saaray

January 29, 2026
0

Guddiga Xukuumadda iyo Ururrada Siyaasadda ee ka qeyb qaatay doorashada goleyaasha deegaanka ee Qof iyo Cod ayaa kulankooda maanta ka...

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada oo kulan la yeeshay Ururrada Siyaasadda

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada oo kulan la yeeshay Ururrada Siyaasadda

January 29, 2026
0

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada ayaa maanta oo taariikhdu tahay Jannaayo 29, 2026 wadatashi layeeshay ururrada siyaasadda. Kulankan...

Ergada Dowladda Soomaaliya ee QM oo kulan casho sharaf ah u sameeyay diblomaasiyiin

Ergada Dowladda Soomaaliya ee QM oo kulan casho sharaf ah u sameeyay diblomaasiyiin

January 29, 2026
0

Ergada Dowladda Federaalka Soomaaliya ee Qaramada Midoobay ayaa munaasabad casho sharaf ah u qabatay Danjireyaasha iyo Diblomaasiyiinta ka howlgala Xarunta...

Muqdisho oo martigelinaysa Shirweynaha Qaran ee kaabayaasha Dijitaalka (DPI).

Muqdisho oo martigelinaysa Shirweynaha Qaran ee kaabayaasha Dijitaalka (DPI).

January 29, 2026
0

Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo kaashanaya hay'adaha kala ah: Bangiga Dhexe ee Soomaaliya (CBS), Hay’adda...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In