Friday, April 3, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddoomiyaha gobolka oo kala hadlay Danjire Michael Keating xal u helidda dhibaatooyinka Barakacayaasha “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
8 years ago
in Wararka
0
Guddoomiyaha gobolka oo kala hadlay Danjire Michael Keating xal u helidda dhibaatooyinka Barakacayaasha “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Muqdisho, 5, Feb, 2018—-Guddoomiyaha gobolka Benaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa kala hadlay Wakiilka gaarka ah ee Xog-hayaha Guud ee Qaramada Midoobay u fadhiya Soomaaliya Michael Keating sidii xal waara loogu heli lahaa Barakacayaasha ku nool magaalada Muqdisho.

Guddoomiyaha oo Xarunta Dawladda Hoose kula kulmay Wakiilka Qaramada Midoobey ayaa sheegay in maamulka gobolka Benaadir ay ka go’an tahay wax ka qabashada dhibaatooyinka ku xeeran nolasha barakacayaasha.

Related posts

Xoghayaha 1aad ee Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo Ka Qayb Galay Casho Sharaf Diblomaasiyadeed

Xoghayaha 1aad ee Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo Ka Qayb Galay Casho Sharaf Diblomaasiyadeed

April 2, 2026
Hay’adda SoDMA oo Xuddur kun qoys ugu qeybisay deeq raashin ah

Hay’adda SoDMA oo Xuddur kun qoys ugu qeybisay deeq raashin ah

April 2, 2026

Mudane Yarisow ayaa tilmaamay in dhawaan guddi loo saari doona la socodka iyo wax ka qabashada caqabadaha barakacayaasha ku dhaqan degmooyinka Gobolka Benaadir, iyadoona maamulka Gobolka uu arrinkan iskaashi dhow kala yeelan doono Hay’adaha caalamiga ah.

“Danjire Keating waxaan ku adkeeyey in xal waara loo raadiyo dadka ku dhibaateysan xeryaha barakacayaasha, anaguna maamul ahaan waxaan qaadeynaa tallaabo kasta oo aan ku xaqiijin karno sidii aan kor ugu qaadi laheyn adeegyada asaasiga ah ee Gobolka iyo xaqiijinta ila dhaqaale oo shaqo abuur u noqon kara dhallinyarada.”

Wakiilka Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Michael Keating waxa uu xusay in markasta ay ku garab taaganyihiin maamulka Gobolka xal u helista dhibaatooyinka ku xeeran nolosha barakacayaasha iyo sidii loo yegleeli lahaa qorshe wada jir ah oo ay iska kaashanaayaan Hay’adaha Qaramada Midoobey ee Soomaaliya iyo maamulka Gobolka Benaadir.

Kulankan waxaa ku weheliyey Guddoomiyaha, ku xigeennadiisa Arrimaha Bulshada Basma Caamir Axmed, Arrimaha maamulka iyo Maaliyadda Mudane Xuseen Maxamed Nuur, Howlaha Guud Mudane Aadan Sheekh Cali Fiidow iyo Xog-hayaha Guud ee Gobolka Mudane Cumar Cabdirisaaq Xuseen.

-DHAMMAAD-

Previous Post

Madaxda Wasaaradda Warfaafinta oo heshiis cusbooneysiin ah la saxiixday Hay’adda Horumarinta Saxaafadda ee Dalka Finland “SAWIRRO”

Next Post

Madaxweyne Farmaajo oo casho sharaf soo dhaweyn ah u sameeyey Golaha Amniga Qaranka “SAWIRRO”

Next Post
Madaxweyne Farmaajo oo casho sharaf soo dhaweyn ah u sameeyey Golaha Amniga Qaranka “SAWIRRO”

Madaxweyne Farmaajo oo casho sharaf soo dhaweyn ah u sameeyey Golaha Amniga Qaranka “SAWIRRO”

Xoghayaha 1aad ee Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo Ka Qayb Galay Casho Sharaf Diblomaasiyadeed

Xoghayaha 1aad ee Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo Ka Qayb Galay Casho Sharaf Diblomaasiyadeed

April 2, 2026
0

Xoghayaha 1aad ee Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Kenya, Mudane Cabdullaahi Maxamed Siyaat, iyo Mardiya Abdi Mohamed oo kamid...

Hay’adda SoDMA oo Xuddur kun qoys ugu qeybisay deeq raashin ah

Hay’adda SoDMA oo Xuddur kun qoys ugu qeybisay deeq raashin ah

April 2, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka ayaa degmada Xuddur gargaar raashin ah u qeybisay 1,000 qoys oo isugu jira danyar, dad naafo...

Hoggaamiyaha Ku-meelgaarka KGS oo si diirran loogu soo dhaweeyay Baydhabo

Hoggaamiyaha Ku-meelgaarka KGS oo si diirran loogu soo dhaweeyay Baydhabo

April 2, 2026
0

Wafdi uu hoggaaminayo Hoggaamiyaha Ku-meelgaarka ah ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi, ayaa gaaray magaalada...

Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo ansixiyay Hindise-sharciyeedyo iyo Heshiisyo Muhiim ah

Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo ansixiyay Hindise-sharciyeedyo iyo Heshiisyo Muhiim ah

April 2, 2026
0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ahaa ayaa ansixiyey Hindise-sharciyeedyo, Heshiisyo iyo Xeer—nidaamiyayaal muhiim ah...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In