Friday, January 9, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddoomiyaha gobolka oo kala hadlay Danjire Michael Keating xal u helidda dhibaatooyinka Barakacayaasha “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
8 years ago
in Wararka
0
Guddoomiyaha gobolka oo kala hadlay Danjire Michael Keating xal u helidda dhibaatooyinka Barakacayaasha “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Muqdisho, 5, Feb, 2018—-Guddoomiyaha gobolka Benaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa kala hadlay Wakiilka gaarka ah ee Xog-hayaha Guud ee Qaramada Midoobay u fadhiya Soomaaliya Michael Keating sidii xal waara loogu heli lahaa Barakacayaasha ku nool magaalada Muqdisho.

Guddoomiyaha oo Xarunta Dawladda Hoose kula kulmay Wakiilka Qaramada Midoobey ayaa sheegay in maamulka gobolka Benaadir ay ka go’an tahay wax ka qabashada dhibaatooyinka ku xeeran nolasha barakacayaasha.

Related posts

Soomaaliya iyo Singapore oo ka wadahadlay arrimo muhiim ah

Soomaaliya iyo Singapore oo ka wadahadlay arrimo muhiim ah

January 9, 2026
Ciidanka Dowladda oo  cagta mariyay farriisimo ay ku sugnaayeen khawaarijta

Khawaarij lagu laayey gobolka Bay

January 9, 2026

Mudane Yarisow ayaa tilmaamay in dhawaan guddi loo saari doona la socodka iyo wax ka qabashada caqabadaha barakacayaasha ku dhaqan degmooyinka Gobolka Benaadir, iyadoona maamulka Gobolka uu arrinkan iskaashi dhow kala yeelan doono Hay’adaha caalamiga ah.

“Danjire Keating waxaan ku adkeeyey in xal waara loo raadiyo dadka ku dhibaateysan xeryaha barakacayaasha, anaguna maamul ahaan waxaan qaadeynaa tallaabo kasta oo aan ku xaqiijin karno sidii aan kor ugu qaadi laheyn adeegyada asaasiga ah ee Gobolka iyo xaqiijinta ila dhaqaale oo shaqo abuur u noqon kara dhallinyarada.”

Wakiilka Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Michael Keating waxa uu xusay in markasta ay ku garab taaganyihiin maamulka Gobolka xal u helista dhibaatooyinka ku xeeran nolosha barakacayaasha iyo sidii loo yegleeli lahaa qorshe wada jir ah oo ay iska kaashanaayaan Hay’adaha Qaramada Midoobey ee Soomaaliya iyo maamulka Gobolka Benaadir.

Kulankan waxaa ku weheliyey Guddoomiyaha, ku xigeennadiisa Arrimaha Bulshada Basma Caamir Axmed, Arrimaha maamulka iyo Maaliyadda Mudane Xuseen Maxamed Nuur, Howlaha Guud Mudane Aadan Sheekh Cali Fiidow iyo Xog-hayaha Guud ee Gobolka Mudane Cumar Cabdirisaaq Xuseen.

 

-DHAMMAAD-

Previous Post

Madaxda Wasaaradda Warfaafinta oo heshiis cusbooneysiin ah la saxiixday Hay’adda Horumarinta Saxaafadda ee Dalka Finland “SAWIRRO”

Next Post

Madaxweyne Farmaajo oo casho sharaf soo dhaweyn ah u sameeyey Golaha Amniga Qaranka “SAWIRRO”

Next Post
Madaxweyne Farmaajo oo casho sharaf soo dhaweyn ah u sameeyey Golaha Amniga Qaranka “SAWIRRO”

Madaxweyne Farmaajo oo casho sharaf soo dhaweyn ah u sameeyey Golaha Amniga Qaranka “SAWIRRO”

Soomaaliya iyo Singapore oo ka wadahadlay arrimo muhiim ah

Soomaaliya iyo Singapore oo ka wadahadlay arrimo muhiim ah

January 9, 2026
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali ayaa maanta oo jimce khadka taleefanka...

Ciidanka Dowladda oo  cagta mariyay farriisimo ay ku sugnaayeen khawaarijta

Khawaarij lagu laayey gobolka Bay

January 9, 2026
0

WAR-SAXAAFADEED   Ciidamada Gaarka ah ee Kumaandooska Danab ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa xalay hawlgal qorshaysan oo beegsi ah...

Ciidanka NISA iyo kuwa Xoogga Dalka oo howlgal qorsheysan ku dilay 4 dhagarqabe oo khawaarij ah

Ciidanka Xoogga iyo Saaxiibada Caalamka oo Jubbada Dhexe ku dilay maleeeshiyaad khawaarij ah

January 9, 2026
0

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya saaxiibada caalamka gaar ahaan Ciidamada Maraykanka, ayaa xalay fuliyay howlgal qorshaysan oo lala beegsaday...

Joint Statement on the illegal visit of the Israeli official to “Somaliland” Region of the Federal Republic of Somalia on 6 January 2026

Joint Statement on the illegal visit of the Israeli official to “Somaliland” Region of the Federal Republic of Somalia on 6 January 2026

January 9, 2026
0

The Ministers of Foreign Affairs of the Arab Republic of Egypt, the People's Democratic Republic of Algeria, the People's Republic...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In