Wednesday, October 28, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare oo daah-furay kulan dhageysi dadweyne

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
2 years ago
in Wararka
0
Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare oo daah-furay kulan dhageysi dadweyne
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa maanta daah furay kulan dhagaysi dadwayne oo ku saabsanaa Hindise Sharciyeedka Ilaalinta Xuquuqda Naafada, oo ay soo qaban qaabiyeen Guddiga Garsoorka, Cadaaladda, Arrimaha Diinta, Awqaafta, Xaquuqul Insaanka, Haweenka iyo Caruurta Aqalka Sare.

Guddoomiyuhu wuxuu dul istaagay muuhiimadda uu sharcigan u leeyahay dadka Soomaaliyeed, gaar ahaan dadka naafada ah, isagoo tilmaamay in naafanimada dadka Soomaaliyeed badankood ay sababeen dagaalladii kala duwana ee ka dhacay dalkeenna isla markaana ay keeneen in shacabkeenna qaybo ka mid ahi ku waayeen xubnahooda qayb ka mid ah.

Related posts

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

October 27, 2026
WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

October 27, 2026

“Waxaan idiin ballan qaadayaa in sharcigan uu Aqalka Sare si degdeg ah u ansaxin doono markaad ku biirisaan aragtidiina, waxaana sigaar ah ugu mahadcelinayaa Guddoomiyaha guddiga Garsoorka iyo xubnaha guddigu dadaalka ay galiyeen ka shaqaynta sharciga ilaalinta xuquuqda naafada iyo dhammaan marti-sharafta ka soo qayb gashay kulanka”. Ayuu yiri Guddoomiye Cabdi Xaashi.

Intaas ka dib, waxaa la guda-galay dhageysiga dadweynaha iyo aragtidooda iyagoo ka doodday islamarkaana dul istaagay cutub iyo qodob walba oo uu hindise sharciyeedka ka kooban yahay, iyadoo mid mid loo diiwaan-galiyey dhamman soo jeedimihii ay soo jeediyeen qaybaha kala duwan ee bulshada oo ay ku jiraan hay’adaha iyo xafiisyada qaabilsan arrimaha dadka naafada ah, oo soo bandhigay aragti wax ku ool ah, wax ka baddal, wax ku daris iyo siiqayn intaba.

Ugu dambeyn Guddoomiyaha guddiga Garsoorka, Aqalka Sare Sanatar Naciima Xasan Maxamuud ( Gadhwayne), ayaa u mahadcelisay dhammaan marti-sharafta maanta ka soo qayb gashay kulanka dhageysiga dadweynaha gaar ahaan dadka naafada ah oo aragtiyo wax ku ool ah ku biiriyay hindise sharciyeedka ilaalinta xuquuqda naafada, iyadoo dhanka kalana tilmaamtay ka guddi ahaan in ay ka go’antahay sidii ay u dhammaystiri lahayeen sharcigan islamarkaana ay dagdag ugu horgayn doonaan golaha guud ee Aqalka Sare, si loo marsiiyo akhrinta labaad ee hindise sharciyeedka.

 

Previous Post

Ciidamada Xoogga iyo kuwa Jubbaland oo howlgallo ka fuliyay Jubbada Hoose

Next Post

Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka oo maalintii afaraad ka socda Muqdisho

Next Post
Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka oo looga arrinsanayo Amniga iyo arrrimo kale

Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka oo maalintii afaraad ka socda Muqdisho

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

October 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa la kulmay Ms. Åsa Regnér oo...

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

October 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa khudbad ka jeediyay Madasha 7-aad ee...

𝐊𝐮-𝐒𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐓𝐨𝐝𝐝𝐨𝐛𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐊𝐚𝐥𝐥𝐮𝐮𝐦𝐞𝐲𝐬𝐢𝐠𝐚

𝐊𝐮-𝐒𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐓𝐨𝐝𝐝𝐨𝐛𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐊𝐚𝐥𝐥𝐮𝐮𝐦𝐞𝐲𝐬𝐢𝐠𝐚

October 26, 2026
0

Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta si rasmi ah u...

Xukunka Askari Turufo & Dhac Hubeysan geeystay.

Xukunka Askari Turufo & Dhac Hubeysan geeystay.

October 26, 2026
0

Dable Xoogga Abuukar Maxamuud Yuusuf ayaa Lagu Eedeyay inuu geeystay Dhac hubeysan iyo Turufo, Kadib markii uu ku dayey saaxiibkiis...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In