Thursday, October 1, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare oo daah-furay kulan dhageysi dadweyne

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
2 years ago
in Wararka
0
Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare oo daah-furay kulan dhageysi dadweyne
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa maanta daah furay kulan dhagaysi dadwayne oo ku saabsanaa Hindise Sharciyeedka Ilaalinta Xuquuqda Naafada, oo ay soo qaban qaabiyeen Guddiga Garsoorka, Cadaaladda, Arrimaha Diinta, Awqaafta, Xaquuqul Insaanka, Haweenka iyo Caruurta Aqalka Sare.

Guddoomiyuhu wuxuu dul istaagay muuhiimadda uu sharcigan u leeyahay dadka Soomaaliyeed, gaar ahaan dadka naafada ah, isagoo tilmaamay in naafanimada dadka Soomaaliyeed badankood ay sababeen dagaalladii kala duwana ee ka dhacay dalkeenna isla markaana ay keeneen in shacabkeenna qaybo ka mid ahi ku waayeen xubnahooda qayb ka mid ah.

Related posts

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

October 1, 2026
Wasiirka Waxbarashada XFS oo kulan la qaatay Wasiir Ku-xigeenka Waxbarashada Turkiga

Wasiirka Waxbarashada XFS oo kulan la qaatay Wasiir Ku-xigeenka Waxbarashada Turkiga

October 1, 2026

“Waxaan idiin ballan qaadayaa in sharcigan uu Aqalka Sare si degdeg ah u ansaxin doono markaad ku biirisaan aragtidiina, waxaana sigaar ah ugu mahadcelinayaa Guddoomiyaha guddiga Garsoorka iyo xubnaha guddigu dadaalka ay galiyeen ka shaqaynta sharciga ilaalinta xuquuqda naafada iyo dhammaan marti-sharafta ka soo qayb gashay kulanka”. Ayuu yiri Guddoomiye Cabdi Xaashi.

Intaas ka dib, waxaa la guda-galay dhageysiga dadweynaha iyo aragtidooda iyagoo ka doodday islamarkaana dul istaagay cutub iyo qodob walba oo uu hindise sharciyeedka ka kooban yahay, iyadoo mid mid loo diiwaan-galiyey dhamman soo jeedimihii ay soo jeediyeen qaybaha kala duwan ee bulshada oo ay ku jiraan hay’adaha iyo xafiisyada qaabilsan arrimaha dadka naafada ah, oo soo bandhigay aragti wax ku ool ah, wax ka baddal, wax ku daris iyo siiqayn intaba.

Ugu dambeyn Guddoomiyaha guddiga Garsoorka, Aqalka Sare Sanatar Naciima Xasan Maxamuud ( Gadhwayne), ayaa u mahadcelisay dhammaan marti-sharafta maanta ka soo qayb gashay kulanka dhageysiga dadweynaha gaar ahaan dadka naafada ah oo aragtiyo wax ku ool ah ku biiriyay hindise sharciyeedka ilaalinta xuquuqda naafada, iyadoo dhanka kalana tilmaamtay ka guddi ahaan in ay ka go’antahay sidii ay u dhammaystiri lahayeen sharcigan islamarkaana ay dagdag ugu horgayn doonaan golaha guud ee Aqalka Sare, si loo marsiiyo akhrinta labaad ee hindise sharciyeedka.

 

Previous Post

Ciidamada Xoogga iyo kuwa Jubbaland oo howlgallo ka fuliyay Jubbada Hoose

Next Post

Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka oo maalintii afaraad ka socda Muqdisho

Next Post
Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka oo looga arrinsanayo Amniga iyo arrrimo kale

Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka oo maalintii afaraad ka socda Muqdisho

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

October 1, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray Magaalada Arusha...

Wasiirka Waxbarashada XFS oo kulan la qaatay Wasiir Ku-xigeenka Waxbarashada Turkiga

Wasiirka Waxbarashada XFS oo kulan la qaatay Wasiir Ku-xigeenka Waxbarashada Turkiga

October 1, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare, Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir, ayaa Ankara kula kulmay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada Türkiye,...

SoDMA oo  kulanka ansixinta Qaab-dhismeedka Soo-kabashada isugu yeertay Hay’adaha Dowladda JFS

SoDMA oo kulanka ansixinta Qaab-dhismeedka Soo-kabashada isugu yeertay Hay’adaha Dowladda JFS

October 1, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) ayaa magaalada Muqdisho ku qabatay kulan ay isugu yeertay Wasaaradaha iyo Hay’adaha Dowladda Federaalka...

Madaxweynaha JFS oo warqadaha aqoonsiga Danjirenino ka guddoomay Safiirada cusub ee Turkiga & Midowga Yurub

Madaxweynaha JFS oo warqadaha aqoonsiga Danjirenino ka guddoomay Safiirada cusub ee Turkiga & Midowga Yurub

October 1, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa qasriga Madaxtooyada Qaranka warqadaha aqoonsiga safiirnimo kaga guddoomay Danjireyaasha cusub ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In