Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo uu wehliyo Madaxweynaha Koonfur Galbeed mudanw Cabdicasiis Xasan Maxamed ayaa dhagax dhigay dekada Caasimadda Koonfur Galbeed Soomaaliya ee magaalada Baraawe.
Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa bulshada reer Koonfur Galbeed ugu baaqay in ay maal gashtaan deegaannadooda, gaar ahaan dadka ka soo jeeda Gobolka Shabeellaha Hoose, isagoo xusay hadii dadka degaanka ay dib ugu soo noqdaan Baraawe maal gashtaan ayna ka shaqeeyaan amniga waxay wax badan ka tari doonta kobaca dhaqaalaha ee dalka.