Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa kulan muhiim ah la qaatay saraakiisha sare ee ciidanka howlgalka nabad ilaalinta ATMIS.
Ku-xigeenka ergeyga gaarka ah ee midowga Africa mudane Fiona Lortan, ku-xigeenka ciidanka ATMIS Jeneraal William Shume, Iyo Meg. George Kuteesa oo ah Taliyaha Guud ee qaybta ( Sector One) ee ciidanka ATMIS.
Kulanka waxaa diiradda lagu saaray sidii loo xoojin lahaa amniga doorashada madaxweynaha.