Sunday, October 18, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo shir guddoomiyay kulanka Golaha

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
2 years ago
in Wararka
0
Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo shir guddoomiyay kulanka Golaha
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta waxa ay kulan ku yeesheen xarunta Golaha Shacabka, waxaana kulanka shir guddoominayay Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka dalka Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe oo uu wehliyo Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow.

Kulanka oo ahaa kalfadhiga shanaad kulankiisa lixaad, waxaa uu guntankiisa ama kooramkiisa ku furmay 143-xildhibaan, waxaana ajendaha kulanka maanta uu ahaa hubka sharci darada ah, dagaal beeleedyada iyo dhowrista xasaanadda xildhibaanadda.

Related posts

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026

Xildhibaannada Golaha Shacabka ee baarlamaanka dalka ayaa dood adag oo wakhti qaadatay ka yeeshay ajendaha ku saabsan hubka sharci darada ah, dagaal beeleedyada iyo dhowrista xasaanadda Xildhibaannada, waxaana waxyaabaha ay mudanayaasha ay aadka uga doodeen ka mid ahaa dhibaatooyinka dagaal beeleedyada leeyihiin iyo sida ay muhiim u tahay in xal waara loo helo.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe oo kulanka soo xiray ayaa sheegay in kulanka kan xiga ee dhici doona maalinta Arbacada ah la dhameystiri doono doodda la xiriirta hubka sharci darada ah, dagaal beeleedyada iyo dhowrista xasaanadda Xildhibaannada.

Dhinaca kale Xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa loo qeybiyay warbixinta akhrinta labaad ee Hindise Sharciyeedka Xakameynta Kiimikooyinka Beeraha Soomaaliyeed, warbixinta akhrinta labaad ee Hindise Sharciyeedka Hay’adda Sharciyeynta Adeegyada iyo Baaritaanka Beeraha Soomaaliyeed ee (SARIS), warbixinta akhrinta labaad ee Hindise Sharciyeedka Abuurka iyo Noocyada Ayniga Dhirbeereedka iyo warbixinta akhrinta labaad ee Hindise Sharciyeedka Badbaadada Dhirbeereedka iyo Takoorka.

 











Previous Post

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo kulan la qaatay dhiggiisa dalka Qatar

Next Post

Wasiirka Xanaanada Xoolaha XFS oo shir Caalami ah uga qeybgalay Talyaaniga

Next Post
Wasiirka Xanaanada Xoolaha XFS oo shir Caalami ah uga qeybgalay Talyaaniga

Wasiirka Xanaanada Xoolaha XFS oo shir Caalami ah uga qeybgalay Talyaaniga

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xildhibaan Xuseen Maxamed Nuur (Dhegaweyne) ayaa loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug, kaddib markii uu helay 79 cod. Sidoo...

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Kusimaha Agaasimaha Guud Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen ayaa xarigga ka...

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa u soo baxay finalka CECAFA U17 - AFCON Qualifiers...

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In