Thursday, January 29, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo cambaareeyay weerarkii xalay ee Liido

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
1 year ago
in Wararka
0
Guddiga Joogtada Golaha Shacabka oo ka dooday howlaha hortebinta u leh Golaha
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa cambaareeyay weerarkii Khawaariijta xalay ku qaaday shacab dhalinyaro u badnaa oo ku fiidsanayay xeebta Liido ee Magaaladda Muqdisho.

.“Waxaan xanuunka iyo murugada la qeybsanayaa ehelada, qoysaska iyo asxaabta dadkii ay waxyeelada soo gaartay, dhamaan dadkii halkaasi ku geeriyooday waxaan alle SWT uga baryayaa inuu naxriistiisa jano ka waraabiyo kuwii ku dhaawacmayna bogsiimo deg deg ah siiyo “ ayuu yiri Guddoomiyaha Golaha Shacabka.

Related posts

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay wafdi uu hoggaaminayo Wasiir ku-xigeenka Gaadiidka Turkiga

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay wafdi uu hoggaaminayo Wasiir ku-xigeenka Gaadiidka Turkiga

January 28, 2026
Guddiga farsamada ee Dowladda iyo Golaha Mustaqbalka oo yeeshay kulan muhiim ah

Guddiga farsamada ee Dowladda iyo Golaha Mustaqbalka oo yeeshay kulan muhiim ah

January 28, 2026

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa sheegay in wixii xalay ka dhacay xeebta Liido ay tusaale u tahay heerka ay gaarsiisantahay cadowtinimada ay khawaariijta u qabaan umadda Soomaaliyeed, wadada keliya ee inoo furanna ay tahay in meel looga soo wada jeesto, sidoo kalena ciidamadda Qaranka lagu garabsiiyo dagaalka Khawaariijta dalka looga ciribtirayo.

Ugu dambeyn Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Dalka ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in midnimo iyo wadajir lagu wajaho dagaalka dalka looga xoreynayo Khawaariijta.

 

 

Previous Post

Ra’iisul Wasaaraha oo falkii xalay ku tilmaamay mid ka baxsan Diinta iyo dhaqankeenna

Next Post

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka “Dowladdu waxa ay labo jibaari doonta Gurmadka Shacabka”

Next Post
Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka “Dowladdu waxa ay labo jibaari doonta Gurmadka Shacabka”

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka "Dowladdu waxa ay labo jibaari doonta Gurmadka Shacabka"

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay wafdi uu hoggaaminayo Wasiir ku-xigeenka Gaadiidka Turkiga

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay wafdi uu hoggaaminayo Wasiir ku-xigeenka Gaadiidka Turkiga

January 28, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa caawa Hoygiisa ku qaabilay wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo Wasiir...

Guddiga farsamada ee Dowladda iyo Golaha Mustaqbalka oo yeeshay kulan muhiim ah

Guddiga farsamada ee Dowladda iyo Golaha Mustaqbalka oo yeeshay kulan muhiim ah

January 28, 2026
0

Waxaa maanta kulankoodii ugu horreeyey yeeshay labadii guddi farsamo ee kala matalaya Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) iyo Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed....

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arimaha Gudaha XFS oo kulan la qaatay George Conway

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arimaha Gudaha XFS oo kulan la qaatay George Conway

January 28, 2026
0

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Cilmi Cali, ayaa kulan la qaatay...

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo Kulan la qaatay Wafdi heer sare ah oo ka socday Midowga Yurub.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo Kulan la qaatay Wafdi heer sare ah oo ka socday Midowga Yurub.

January 28, 2026
0

Muqdisho, Arbaco, 28 Jannaayo 2026: — Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In