Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) iyo wafdi uu hoggaaminayo, ayaa safar shaqo ku gaaray dalka Jamhuuriyadda Jabuuti.
Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) iyo wafdigiisa, ayaa garoonka diyaaraha ee Ambouli International Airport waxaa ku soo dhoweeyay dhiggiisa dalka aan walaalaha nahay ee Jabuuti Mudane Dilayta Maxamed Dileyta, iyo xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka dalkaasi.
Guddoomiyaha Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo wafdigiisa, ayaa inta ay kusugan yihiin Jabuuti kulamo la qaadan doonaan madaxda dalka aan walaalaha nahay ee Jabuuti.