Sunday, February 8, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo ka hadlay arrimo ku saabsan doorashada soo socota ee Dalka

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
6 years ago
in Wararka
0
Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo ka hadlay arrimo ku saabsan doorashada soo socota ee Dalka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanlka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxman oo ka hadlay kulanka Golaha ayaa sheegay in dalkuu uu leeyahay sharci oo uu anxisiyay Madaxweynaha, isla markaana aysan ogolaan doonin in la qabto doorasho dadban.

Guddoomiye Maxamed Mursal oo ka hadlayay furitaanka kulankii 16-aad Kalfadhiga 7-aad ee Golaha Shacabka oo ka dhacay xarunta KMG ah ayaa tilmaamay in doorasho dadban ay ka dhalan karto dhibaato dhanka amniga ah, loona baahanyahay in la aado doorasho toos ah.

Related posts

Guddoomiye Cabdi Cali oo loo doortay Madaxweyne kuxigeenka CECAFA

Guddoomiye Cabdi Cali oo loo doortay Madaxweyne kuxigeenka CECAFA

February 7, 2026
Xeerka Shaqada Soomaaliyeed oo maanta si rasmi ah loo daah furay

Xeerka Shaqada Soomaaliyeed oo maanta si rasmi ah loo daah furay

February 7, 2026

“Wadankan amni la heli maayo ilaa ay doorasho toos ah ka dhaco, waad dareemi kartaan hadda waqtigii ugu dambeeyay 2016-kii, Odoyaashii ergada iyo Xildhibaanada kala shaqeynayay guddiyada doorashooyinkda inta la wacay ayaa waxaa la yiri dambi baad gashen waana la idinka cafiyay, doorasho dadban hadaad aadno waxa la filan karo dhamaantiin waad dareemi kartaan”.ayuu yiri Guddoomiye Mursal.

Guddoomiyaha ayaa hoosta ka xariiqay in dalku uu leeyahay sharci doorasho, ayna muhiimtahay in la raaco habraacyada ku qoran sharciga.

“Xilliga doorashada dadban ee 2016-kii la aadayay wadankan sharci doorasho ma lahayn, Wadanka hadda waxa u leeyahay sharci doorasho oo Baarlamaanku ansixiyay, Madaxweynuhuna saxiisay, meel ay ku qorantahay doorasho dadban in la aadayo ma jirto” ayuu yiri Guddoomiye Mursal.

Guddoomiye Maxamed Mursal mar uu ka hadlayay arrimaha doorashada ayuu sheegay in golaha Shacabka uu xaq u leeyahay dhameystirka sharciyada doorashada, isagoo xusay in dowlad goboleedyada aysan xaq u lahayn diyaarinta sharciyo doorasho oo dalka ka dhacda.

“Qodobka aan rabno inan is xasuusinyo, heykal dowladeed ayaa dhisan, Baarlamaanka waa sharci dajin, qodobka 47aad ayaa xaq u siinaya marxaladda hadda la marayo inaan anaga dhameystirno wixii sharuuc ah oo doorashada lagu aadi lahaa ee state-yo iska ma lahan”. Ayuu yiri Guddoomiye Golaha Shacabka.

Guddoomiya Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxman aya ugu dambeyn sheegay in shacabka ay xiiso weyn u qabaan doorasho qof iyo cod ah oo ay ku soo doortaan cidda hogaamin lahayd.

 

 

Previous Post

Maamulka Gobolka Bananadir Oo Soo Bandhigay Natiijo Ka Soo Baxday Sahan Dadweyne Oo Muqdisho Laga Sameeyay “SAWIRRO”

Next Post

Wasaaradda Caafimaadka Oo Xaqiijisay In 45 Qof Oo Cusub Ay Ka Bogsoodeen Feyruska Karoona

Next Post
Wasiirka Caafimaadka Oo Ka War Bixisay Xaaladaha COVID19 Ee Dalka Laga Diiwaan Geliyay “SAWIRRO”

Wasaaradda Caafimaadka Oo Xaqiijisay In 45 Qof Oo Cusub Ay Ka Bogsoodeen Feyruska Karoona

Guddoomiye Cabdi Cali oo loo doortay Madaxweyne kuxigeenka CECAFA

Guddoomiye Cabdi Cali oo loo doortay Madaxweyne kuxigeenka CECAFA

February 7, 2026
0

RADIO MUQDISHO(JABUUTI):-Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya Cali Cabdi Maxamed, ayaa si rasmi ah loogu doortay xilka Madaxweyne Ku-xigeenka Ururka Kubadda...

Xeerka Shaqada Soomaaliyeed oo maanta si rasmi ah loo daah furay

Xeerka Shaqada Soomaaliyeed oo maanta si rasmi ah loo daah furay

February 7, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xildhibaan Prof. Salim Caliyow Ibrow, ayaa si faahfaahsan uga...

Munaasabad lagu soo dhaweynayo Wasiirka Warfaafinta XFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo lagu qabtay dalka UK

Munaasabad lagu soo dhaweynayo Wasiirka Warfaafinta XFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo lagu qabtay dalka UK

February 7, 2026
0

RADIO MUQDISHO(LONDON):-Magaalada London ee Caasimadda Dalka UK waxaa xalay lagu qabtay munaasabad si weyn loogu soo dhaweeyay masuuliyiin uu hoggaaminayo...

Soomaaliya oo sanadkan ka qayb galaysa dhoolla-tuska badda ee dalalka caalamka

Soomaaliya oo sanadkan ka qayb galaysa dhoolla-tuska badda ee dalalka caalamka

February 7, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Soomaaliya ayaa ku biirtay dhoolatus ballaaran oo ay wadajir u sameynayaan ciidamada badda dalal dhowr ah, kaas oo ujeeddadiisu...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In