Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa ka tacsiyadeeyay geerida naxdinta leh ee ku timid Allaha u naxriistee Ra’isulwasaarihii hore ee Soomaaliya Mudane Nuur Xasan Xuseen ”Nuur Cadde oo ku geeriyooday magaalada London ee dalka Britian.
”INNAA lillaah wa innaa illeehi raajicuun rabi naxriistiisa janno haka waraabiyo guud ahaan Ummadda Soomaaliyeed gaar ahaan qoyskii iyo eheladii uu ka geeriyoodayna samir iyo iimaan Allaha haka siiyo, Ra’isulwasaarihii hore ee Soomaaliya Nuur Cadde waxa uu ahaa shaqsi qaali ah oo wax badan dalka u soo qabtay xilli adagna dalka usoo shaqeeyay” ayuu yiri Guddoomiyaha Golaha Shacabka.
Allaha ha u naxriistee Marxuum Nuur Cadde oo mudooyiinkii ugu dambeeyay deganaa magaalada London ee xarunta dalka Britain, wuxuu xilka Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya qabtay 22-kii November sanadkii 2007-dii, waxaana xilkaas u magacaabay Madaxweynihii hore Allaha u naxariistee Cabdullaahi Yuusuf Axmed, oo hoggaaminayay dowladii kumeel gaarka ahayd.
Nuur Xasan Xuseen ”Nur Cadde” wuxuu ku dhashay magaalada Muqdisho sannadkii 1938-kii waxa uuna ku dhintay da’da 82-sano jir.
INNAA LILLAAH WA INNAA ILLEEHI RAAJICUUN.